Смотреть в Telegram
📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚
Asc waa idin salaamay saaxiibayaal Suaasha Maanta sheeg qalabka beeralaha lagu qodi jiray gaar ahaan labada dibi magacooda iyo qalabkii lagu xidhi jiray dibida ? ⁉️ Halka beerta laga bilaabo waxa loo yaqaaney?⁉️ Halka dibidu kasoo noqonayso waxa loo yaqaanay?⁉️
Aqoontii iyo Qalabkii Qodaalka beeraha

Soomaalidu waxay dhaqan u lahayd marka beerta la qodayo
Waxa lagu qodi jiray Dibi.ama awr

Hadaba marka Labada dibi ee beerta lagu qodayo waxa loo yaqaanay Qindi


Kolka ay labada dibi iyo qalabku isku xidhan yihiin
Waxa la yidhaa. Meerar


Booy(ga): waa Beerta inta shinniyeysan ee la qodayo.


Faag(ga): waa Soohdinta qodiddu ka bilaabmayso

Hornog(ga): waa Soohdinta ay dibidu ka soo laabato kolka beerta la qodayo

Harqood(ka): Qoriga weyn ee labada dibi tunka kaga xidhma ee isu haya dibida iyo
qalabka qodaalka

Minaaqyo(da): labada qori ee isu haya dibiga iyo harqoodka ee uu qalabka intiisa kale
ku sii xidhanyahay

Indhal(sha): Xadhigga labada minaaq laysugu xidho

Kootar(-ka): Qoriga isu haya harqoodka iyo nugida

Suunmadax(-ka): Suunka isu haya harqoodka iyo kootarka

Nugi(da): Qoriga weyn ee uu irfigu ku xidhanyahay

Suundambeed(ka): Suunka isu haya kootarka iyo nugida

Jiqirti(da): Qori dhuuban oo isu haya irfiga iyo nugida

Kooshin(ka):Waa bir qaabkeedu matalo seddex xagal oo isku haysaa, marashida iyo digirada. Waxa ku xidhan suun kaashi isku xidha seerka Nuggiga, marashida iyo digirada.
Suun kaashi Waa suun inta badan laga jeexo saanta xoolaha, duxna lagu daliigo si uu ujilco kadibna Waa la liiliyaa. Liilintu Waa marka suunka ladoonayo in uu jilco

Irfi(ga): Qoriga ay marashidu ku jirto ama la gesho

Digirin(ta): Qori yar oo loo kala dhexay-siiyo marashida iyo nugida si aanay u leexsamin

Marashi(da): waa Middida weyn ee dhulka gasha si ay ciidda u kala jeexo

Shinni(da) : Abuur; midhaha la beerayo

Biqil(ka): Kolka shinnidu ama midhuhu soo hawrto ama baxdo

Carro-qaris(ka): Kolka abuurku soo wada baxo ee ay ciiddu wada qarsoonto

Dhays(ta): Kolka uu firigu curdinka yahay

Qaddar(ka): Kolka firigu uu caano gesho

Xasiidid(da): Kolka madaxa hadhuudhka intiisa hore caddaato inta dambana
caanagelis tahay

Biseyl(ka): Kolka shinka hadhuudhku go’o ee la goynayo

Uud(ka): Goobta lagu ururiyo madaxa hadhuudhka

hadhuudhku kolkuu go’o wuu bislaaday baa la yidhaa. Kol haddii uu hadhuudhku
bislaado waxa xiga ee la qabtaa waa goynta. Meesha madaxa hadhuudhka lagu ururiyo waxa la yidhaa ‘uud’. Ugu dambaynta kolka firiga laga tumo madaxa waa la kala asooraa.


Asoor(ka): Haadis, kolka la kala saarayo isha iyo midhaha. Hadhuudhka ayaa loo yaqaan Asoor
Telegram Center
Telegram Center
Канал