Soomaalidu waxay dhaqan u lahayd marka beerta la qodayo Waxa lagu qodi jiray Dibi.ama awr
Hadaba marka Labada dibi ee beerta lagu qodayo waxa loo yaqaanay Qindi
Kolka ay labada dibi iyo qalabku isku xidhan yihiin Waxa la yidhaa. Meerar
Booy(ga): waa Beerta inta shinniyeysan ee la qodayo.
Faag(ga): waa Soohdinta qodiddu ka bilaabmayso
Hornog(ga): waa Soohdinta ay dibidu ka soo laabato kolka beerta la qodayo
Harqood(ka): Qoriga weyn ee labada dibi tunka kaga xidhma ee isu haya dibida iyo qalabka qodaalka
Minaaqyo(da): labada qori ee isu haya dibiga iyo harqoodka ee uu qalabka intiisa kale ku sii xidhanyahay
Indhal(sha): Xadhigga labada minaaq laysugu xidho
Kootar(-ka): Qoriga isu haya harqoodka iyo nugida
Suunmadax(-ka): Suunka isu haya harqoodka iyo kootarka
Nugi(da): Qoriga weyn ee uu irfigu ku xidhanyahay
Suundambeed(ka): Suunka isu haya kootarka iyo nugida
Jiqirti(da): Qori dhuuban oo isu haya irfiga iyo nugida
Kooshin(ka):Waa bir qaabkeedu matalo seddex xagal oo isku haysaa, marashida iyo digirada. Waxa ku xidhan suun kaashi isku xidha seerka Nuggiga, marashida iyo digirada. Suun kaashi Waa suun inta badan laga jeexo saanta xoolaha, duxna lagu daliigo si uu ujilco kadibna Waa la liiliyaa. Liilintu Waa marka suunka ladoonayo in uu jilco
Irfi(ga): Qoriga ay marashidu ku jirto ama la gesho
Digirin(ta): Qori yar oo loo kala dhexay-siiyo marashida iyo nugida si aanay u leexsamin
Marashi(da): waa Middida weyn ee dhulka gasha si ay ciidda u kala jeexo
Shinni(da) : Abuur; midhaha la beerayo
Biqil(ka): Kolka shinnidu ama midhuhu soo hawrto ama baxdo
Carro-qaris(ka): Kolka abuurku soo wada baxo ee ay ciiddu wada qarsoonto
Biseyl(ka): Kolka shinka hadhuudhku goβo ee la goynayo
Uud(ka): Goobta lagu ururiyo madaxa hadhuudhka
hadhuudhku kolkuu goβo wuu bislaaday baa la yidhaa. Kol haddii uu hadhuudhku bislaado waxa xiga ee la qabtaa waa goynta. Meesha madaxa hadhuudhka lagu ururiyo waxa la yidhaa βuudβ. Ugu dambaynta kolka firiga laga tumo madaxa waa la kala asooraa.
Asoor(ka): Haadis, kolka la kala saarayo isha iyo midhaha. Hadhuudhka ayaa loo yaqaan Asoor