Смотреть в Telegram
Saaka (31 July 2024), Madixii siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyah ayay Israa'iil (ama Maraykan) ku dishay caasimadda dalka Iiraan. Rabbi naxariis waasaca ha siiyo. Qalbigaa dhab ii gilgishay runtii, indhahana ilmaa buuxisay. Waa dareen aan la wadaago muslim walba iyo insaan walba oo dulmi-diid ah. Laba arrimood ba, waa muhiim: 1. Reer Falastiin, si gaara ururka wax-iska-caabbinta Xamaas lagama filayo jixin-jix. 2. Farxadda isticmaarku waxa ay la cimri noqonaysaa kiniinka xummad-jabiyaha ah (painkiller). Inta uu kiniinkaasi jidhka qof xanuunsan ku jiro, in ka badan farxadda dilka Ismaaciil Haniyah kuma jirikarto quluubta awoodaba isticmaarka ah (Israa'iil & xulufadeeda).
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств