Смотреть в Telegram
☘️
HADAFKA NOLOSHA
🌺
🔖
Faaiidooyinka dersiga (9):
1. Macnaha المقامات waa: boosaska uu qofka alle dartiisa ucibaadaysanayo naftiisa geeyo. Waana 3 boos:
▫️
Cilmiga.
▫️
Camalka.
▫️
Xaalada.
📌
Gaadhistoodana caqabado ayaa ka horeeya. 2. Cilmi badhaxtiran alle rumayso oo adoon unoqoto, imaankaasi wuxuu keenayaa xaalad oo ah dareen kugu kicinayaa inaad camal sameyso. 3.
Shuruudaha tawbada
:
▫️
inuu qofku ka murugoodo inuu xad-gudbay.
▫️
inuu go'aansado inaanu ku noqoneyn denbigaa.
▫️
inuu denbiga faraha ka qaado oo ka dhex baxo. 4. Qofka oo dhawr denbi ku dhex jira haduu mid ahaan ka toobad keeno ma shardibaa inuu dunuubtii kalena ka toobad keeno? Jawaab:
▪️
Culimada qaar waxay yidhaahdeen: dhamaan haka toobad keeno.
▪️
culimada qaarna waxay yidhaahdeen: denbiga uu ka toobad keeno kaas gaarkiisaa ayaa toobadiisi uugu ansaxeysaa. Dunuubta kale uu ku jiro denbigoodu gaarkooduu uugu socdaa. 5. Qofka waxa aad ka gasho waxa loo kala qaadayaa 4 qaybood: 1.Inaad maal ama jirkiisa wax gaadhsiisay oo gacan kaaga dhacday. 2. Inaad qalbiga wax uugu qabatay sida: inaad xaasiday iyo waxyaabaha kalee qalbiga laysugu qabto. 3. Inaad dumarka uu masuulka ka yahay qofku wax ugeysatay sida: inaad ka sinaysatay oo kale. 4. Inaad qofka xan ama wax la midaa ka sheegtay .
📌
4taa nooc waxaad qofka uuga xalaashan sidan: Ka 1aad: waa inaad cadaysaa oo kala dhig dhigta sida aad wax uyeeshay, kan lama ogola in si guud loo sheego, markaas qofku isaga waxa aad ugeysatay go'aankeeda leh siduu kaa yeeli laha. Ka 2aad iyo 3aad: iyaga sheegi maysid oo qofka la doonan maysid afkaagaad haysan allena uuga toobad keen. [ qofkii odhan maysid beri horaan inantaada ama walashaa ka sinaystay khatar weeye ].alle ha ina ilaaliyo. Ka 4aad: si guud qofka cafis uweydiiso wixii aad ka sheegtayna alle uuga toobad keen dadkaad ku dhex xamatayna usheeg inuu qofku wanaagsan yahay aad adigu qaldanayd. 6. Dunuubta hadaad si guud uuga toobad keento, ama xumaan aad samayn jirtay lkn hada ka taag darantahay inaad toobad keento labaduba waa ansaxayaan. 7. Qofku haduu denbigii iyo istiqfaartii is dabo wado oo hada denbi sameeyo hadana ka istiqfaarsado hadana ku celiyo sida uugu noqnoqdo oo denbi iyo istiqfaar isdaba socoto wado ma ansaxaysaa inuu ka toobad keenay? Jawaab: culimadu waa isku khilaafeen 3 qawl:
▪️
ma anfacayso waa ciyaarayaa qofkaasi.
▪️
waa anfacaysaa.
▪️
hadii markuu istiqfaarsanayo ka dhab tahay oo is dhul dhigayo, haa waa wey anfacaysaa. 8. Ibnu taymiya suufiyada wuxuu uqaybiyay 3 qaybood:
▪️
suufiyo cibaadada ugo'ay.[ kuwan waa kuwa saxdaa ].
▪️
Suufiyo khayrka jecel lkn aan cibaado badan lahayn.
▪️
Suufiyo camal/ cibaado/ cilmi midna lahayn. 9. Sabirka wuxuu ukala baxaaa 3 qaybood:
▪️
Sabir aad daacaatka ku sabrayso:
📌
kan waxa larabaa 3 goorba inaad sabir la timaado: ●Ka hor intaanad cibaadada qaban ku sabir inaad go'aansato inaad cibadadaa gudanayso. ●markaad cibaadada bilowdana ku sabir inaad dhamayso adoo runa kaa tahay. ●markaad cibaadad ka faaruqdana qarso oo ha sheeg sheegin.
▪️
Sabir aad dhibaatooyinka ku sabrayso:
📌
markaad ku sabrayso waa inaad : ● qadarka alle ka cadhoon. ● inaad naftaada dejiso in waxa kugu dhacay la celin karayn oo alle kaaga yimi. ●musiibadaada qarso. ●dadkana yaan lagaa garan in musiibo kugu dhacday.
▪️
Sabir aad macaasida ka sabrayso.
📌
nicmooyinka alle kusiiyay/ qacda hore ee dhibi kugu dhacdo/ karaamooyinka alle kusiiyay/ faqriga iyo musiibada inaad qarsato.... intaasba sabir ayay rabtaa. 10. Qofka dhibta ku sabrayaa 4 dacal ayuu ka eegaa: ●Inuu aakhiro eego iyo waxa uu helayo kadib dhibtii la yaraato. ● mid alle ku weynyahay oo alle uhogaansan oo leh aduunkan alle ayaa leh wuxuu doonana sameeya. ●mid ku sabraya jacaylka alle uu jecelyahay asagoo raba dhibtana in lagaga faydo. ●mid ku macaansanaya dhibka ku dhacaya madaama alle ay kaga timi, alle wuxuu noo dooray waxaan ka jecelnahay waxa nafahaya udoornay ayuu leeyahay.[ kan waa ka uugu weyn waana derajada uugu saraysa].
Поделиться
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств
Запустить