Смотреть в Telegram
haddii aad raacdo ama baadho ereyga ku jira Qu'aanka ee odhanaaya "أكثر الناس" "dadka intooda badan" waxa aad helaysaa oo kusoo baxaaya لا يعلمون - لا يشكرون - لا يؤمنون ma aha kuwo wax og - ma aha kuwo Eebbe umahad celiya - ma aha kuwo aaminey mar labaad haddii aad raacdo ama baadho ereyga "أكثرهم" "intooda badan" waxa aad helaysaa oo kusoo baxaaya فاسقون - يجهلون - معرضون - لا يعقلون - لا يسمعون waa faasiqiin - waa kuwo ka jaahil ah - way kasii jeedaan xaqqa - ma aha kuwo caqli leh - ma aha kuwo wax maqla laakiin inaga Ilaahay haynaga yeelo kuwa uu ka yidhi { وقليل من عبادي الشكور } { وما آمن معه إلا قليل } { ثلة من الأولين وقليل من الآخرين } - in yar oo adoomahayga kamid ah ayaa ii mahad celisa - in yar oo kamid ah ayaa la rumaysay - Qaar ka mid ah kuwii hore iyo in yar oo kamid ah kuwii danbe Ibnu Alqayim ayaa waxa uu yidhi kusoco dariiqa xaqqa ah hana dhibsan inta yar ee maraysa iskana jir dariiqa baadilka ah yaanay kula waynaan badida kuwa ku haligmey W/Q abdilahi faarax.
Love Center
Love Center
Бот для знакомств