Trump amray saxiixayna labo amar: in kayd istaraatiiji oo Bitcoin la sameeyo iyo in la mamnuuco CBDC (central bank digital currency). "you gonna make alot money for the country" ganacsade xisaab u sheeg.
hadaad booqato coingecko waxaad arkaysaa category ay u sameeyeen coinanka laga leeyahay America. sababtu waa in la filayo in coinanka maraykan laga leeyahay ay ka taageero badnaan doonaan kuwo aan laga lahayn.
MARK: ka hor 2022 wuxuu ahaa commissioner hay'adda SEC ka tirsan. isagoo ka waramaya sida ay u shaqeeyaan wuxuu yiri: "siyaasadeena iyo sida aan u shaqaynay sanadahaan waxay musiibo ku ahayd suuqa crypto", "siyaasadan waxaan ku dajin jirnay si nalaku qasbay, nalamana siin jirin hagitaan iyo macluumaad".
☝️ Wrapped Bitcoin waa Bitcoin ku dhisan Ethereum network si ay ugu dul shaqayso networkeeda. Waxay u dhigantaa adigoo Ethereum iibsaday. Waxaa la arkayaa in mashruuca WLF uu taageerayo Ethereum.
Wadanka Cuba ayaa sameeyey memecoin daqiiqado gudahood ayaa aad loo iibsaday laakiin dhulka ayey ka jareen (rugged). Marka kale mid kale sameeyeen sidii oo kale ayey la jareen.
Runtii tokenada reer trump suuqa waxay ku keeneen cilad iyo in lacagtii loo raray dhanka tokenadan cusub. Asbuuca ka horreeya caleemo saarkiisa waxaan sugaynay in suuqu sare u kac sameeyo. Sare u kacaas waynu aragnay bilowgii lakin markii coinka trump la sameeyey ayey xaaladu xumaatay. Iyadoo la roon yahay waa tii xalay islaantiisuna ku soo tuurtay, isla sidii ayaa dhacday misna.
Hada hadii caleema saarkiisu dhamaado coinankan labada ah waa laga soo laaban doonaa waxaana la filayaa in lacagtii ku soo laabato cryptoda kale.