Смотреть в Telegram
Marka haweenka la Aasayo waxaa qaado dad muxram u ah oo kaliya, qofka kale inuu u dhawaadana lama ogola! Cod dheer ayaa lagu dhahaa: Janaazada astura, qabriga daboola! Taasna waa ilaaalin iyadoo dhimatay, ma weysan mudnayn marka ay nooshahay in la ilaaliyo? Lebiska gabadha wuxuu ka tarjumayaa Tarbiyada aabbeheed, Dhowrsanaanta hooyadeed, Maseyrka walaalkeed iyo Ragganimada ninkeeda! Taasna waa sababta Maryama bint Cimraan loogu yiri: ((يَاأُخْتَ هَارُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ امْرَأَ سَوءٍ وَمَا كَانَت أُمُّكِ بَغِيًّا)) Waxaa la xasuusiyay hooyadeed iyo aabbeheed ineysan xumaan sameyn jirin! Xataa khamarada oo adduunka ku xaaraan ah Janada waa ku xalaal, balse qaawanaanta ilaahey labada marba wuu xarrimay! ((إن لك ألا تجوع فيها وﻻ تعرى )) oo micnaheedu yahay: (Waxaa kuu sugnaaday in aadan janada dhexdeeda ku gaajoon oo aadan ku qaawnaan)! Ilaahow mar walba ina astur. Xigasho : W/Q Amiira Aragsan ♥️
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств