Nolol😊✨️

Канал
Логотип телеграм канала Nolol😊✨️
@Ur_amaleyПродвигать
9,1 тыс.
подписчиков
997
фото
44
видео
3
ссылки
ilahayow nasii qalbiyo aan marnaba ka caajisin xidhiidhka ay adiga kula leeyihiin🍁
Haba dhacdo in aad wax walba ku liidato , balse yayna dhicin in aad ku liidato xidhiidhka adiga iyo ilaahay idinka dhaxeeye.



❤️
Gurigiinu ma yahay mesha saxda ee aad faraxad ku hesho ama aad hamigaga nolosha ku rumayn karto?


💔🧚‍♀️
Riyadayda ugu weyn waa inaan ka tago dalkan.


🖤✈️
Forwarded from Midnimo forward via @Midnimo_bot
▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂
🦋KOOXDA MIDNIMO🦋

Halkaan waxaa isugu keenay🧭
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.⬇️

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 💔😢
@Lamaane24h 🫂💝
@Qalbitabat14 ❤️‍🩹
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

Chennelkaan waa iib @Qalbitabat14
Kala xiriir 👉 @Gud_Kooxda_Midnimo

⬇️GUJI LINKIGAAN HOOSE👇
https://t.me/addlist/Qj-AYeZL8pk4Njg0
Hadii aad waligaa cidlo dareemayso eeg dayaxa..

🌙
“Marka aad dareento in aad dhib iyo cidhiidhi ku noqotay qof aad jeceshahay, wax yar ka guur, haddii uu warkaaga raadiyo waad dulmiday. haddii uu warkaaga raadin waayana si degen u guur oo isaga aamu.”

– Mahmoud Darwish
“Waxyaabaha aan jecelnahay waxay sheegaan waxa aynu nahay.”

– Dodie Smith
Live stream started
Mindset play.❤️

Maskaxdeenna waxa si joogto ah ugu soo dhaca intaas oo fikradood iyo  dareemood , fikaradahaas iyo dareemadaasi waxay isugu jiraan qaar wanaagsan iyo qaar xun inagana waxa la inaga rabaa ineynu u leenahay awood aynu kuwa wanaagsan u isticmaalno una adeegsanno wax inaga caawinaya hormarka nafteena kuwa xunna aynu turjumi karno.

Dareemada aan fiicneyn ee maskaxdaada ku soo dhaca sida (niyad jab , cadho joogto ah ) qor , sababta ka danbeysana isku dey inaad ogaato adoo su'aalo iska weydiinaya isla markaan ogaanaya maxaa keeney inaan sidan dareemo sidaad si lamid ah fikradaha kusoo dhacaya maskaxdaa sida ( wax ma qabsan kartid , ma awoodid ) iyagana qor oo ogoow maxaa keeney inaad sidaad u fakarto kadibna xalkooda raadi. 

Sirta ugu weyn ee qofka ka caawisa inuu hore u socdo ayuu qodabkan ka mid yahay waayo gudahaaga marka aad ka xasiloontahay ayuunbaad wax kale qabankartaa qofkuna hadba inta tamar ah ee uu gadaha ka dareemayo ayuu dhaqaaqiisuna noqdaa ❤️
Forwarded from Midnimo forward via @Midnimo_bot
▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂
🦋KOOXDA MIDNIMO🦋

Halkaan waxaa isugu keenay🧭
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.⬇️

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 💔😢
@Lamaane24h 🫂💝
@Qalbitabat14 ❤️‍🩹
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

Chennelkaan waa iib @Qalbitabat14
Kala xiriir 👉 @Gud_Kooxda_Midnimo

⬇️GUJI LINKIGAAN HOOSE👇
https://t.me/addlist/Qj-AYeZL8pk4Njg0
“Xalay, waxa aan ku riyooday adiga oo isoo booqday, waxa aan jeclaan lahaa in aanan toosinba.”

(Yacni hurdada aan sii wato, si’aad iila joogtid.)😁❤️

– Ahmad Algharawi
GALLADDA ASTURNAANTA!

Nin aan subax kasta ka iibsan jiray jaraa'id ayaa maalin i baray cashar muhiim ah oo aan waligii ka bixi doonin xusuustayda!

Maalin baan weyddiiyay: iiga warran xaalkaaga?
Wuxuu igu yidhi: Alle ayaan ku dhaartay ee galladda asturnaanta ayaan hadhsanayaa.
Aniga oo la yaabban jawaabtiisa, ayaan weyddiiyay: maxaad si gaar ah ugu xustay asturnaanta?
Wuxuu iigu jawaabay: dhankaad fiirisaba waan ka asturanahay.
Aniga oo la kaftamaya ayaan ku idhi: maxay tahay asturnaanta aad ka hadlaysaa, noocan baad tahay oo maradii baa kugu dul jeexjeexantaye.
Wuxuu igu yidhi: wiilkaygiyow, asturnaantu way qaybo badan tahay:

1. Haddii aad bukootay oo aad wali ku socoto labadaada lugood, dulliga xanuunka ayaad ka asturan tahay!
2. Haddii aad awooddo inaad akhrisato jaraa'idkan ku hor yaalla, dulliga jahliga ayaad ka asturan tahay!
3. Haddii aad haysato shilimmo yar oo aad siisato jab roodhiya, waxaad ka asturan tahay dulliga gaajada.
4. Haddii aad haysato maryo haba baaliyoobaane, waxaad ka asturan tahay dulliga dhaxanta.
5. Kolka aad qosli karto adiga oo murugaysan, waxaad ka asturan tahay dulliga guuldarrada.
6. Kolka aad awooddo inaad waqti kasta la xidhiidho ehelkaaga si aad iskugu xasishaan, waxaad ka asturan tahay dulliga kelinimada!
7. Marka aad haysato shaqo ama xirfad xitaa haddii aad iibiso jaraa'id, taas oo kuu diidaysa inaad cid wax weyddiisato, waxaad ka asturan tahay dulliga dawarsiga!
8. Kolka uu Alle kuu barakeeyo ubadkaaga iyo ooridaada ee ay haystaan waxbarasho iyo caafimaad, waxaad ka asturan tahay dulliga saboolnimada!
9. Haddii aad haysato oori wanaagsan oo kuugu dulqaadata duruufaha noloshan, dulliga hanjabka ayaad ka asturan tahay!

Xusuusnow inaad haysato nimco ay jeclaan lahaayeen inay helaan kumannaan qof! Waa tan asturnaantii aan kuu sheegayay! Mana aha inaad haysato lacag, balse waa inay asturan yihiin nafuhu.

– Dr Mustafe Maxamuud
“Ma awoodo in aan ku ilaawo, sababtu ma aha in ay xasuustaydu xoogantahay e waa in aan leeyahay qalbi aan ilaawin cidda uu mar gacloodo.”

– Mahmoud Darwish
In yar oo ka mid ah ‌siraha gaarka ah iyo xaqiiqooyinka cilmi nafsiga

1- In aad iska dhego tirtaa waa dareenka ugu xun ee haweeneyda, maadaama ay dhibeyso oo ay ka lumiso kalsoonida nafteeda

2- In su'aal lagaga jawaabo su'aal waa xeelad caadi ah oo dib u dhigis ah oo inta badan ay adeegsadaan beenaalayaashu

3- Gabadha aamusan waxaa lagu gartaa in ay leedahay garasho

4- In arrimaha gaarka ah la soo dhigo Facebook-ga waxa ay daliil u tahay kalsooni darrada nafta ku timaada

5- 80% dadka isticmaala Facebook waxa ay leeyihiin dad aan loo baahnayn oo ku jira liiska saaxiibadooda

6- Dadka wax kasta yar iyo waynba dhaliila waxa haysta dhibaato ah kalsooni daro naftooda ah

7- In ka badan 70% dadku waxa ay neceb yihiin in ay ku hadlaan talefanka iyaga oo dad la fadhiya

8- Erayada ugu runta badan ee qofku dareenkiisa dhabta ah ku cabira waa erayada uu yidhaahdo waqtiga cadhada

9- Qofku waxa uu lumiyaa kalsoonida naftiisa xiliga uu si fudud ugu fekero ra'yiga dadka kale

10- Dadka sida ugu dhakhsaha badan uga jawaaba fariimaha SMS-ka waxa ay si fudud uga xanaaqaan marka ay dadka kale kala habsaamaan jawaabta

11- Haka dalban qofka in uu is dejiyo haddii aad adigu tahay sababta xanaaqiisa, waayo taasi waxay kordhinaysaa dareenkiisa iyo kacdoonkiisa

– Abdulla Farah
"Haddii aad rabto in aad wax ka ogaato (Shacab/ Bulsho)keliya eeg Baarlamaankiisa iyo cidda matasha iyaga uun..!!"


- Winston Churchill..
Hooyo waa haweeneyda ugu mas’uuliyada badan aduunka.



>❤️
"Waxaan jeclaan lahaa in aynu jacayl yar helno si aynaan u dhibtoon wax badan. Ma jiro qof si saa'id ah u dhibtoonaya, marka laga reebo in uu aad u jecel yahay"

- Mahmoud Darwish
Weligay ma ilaawi doono cidda i caawisa markaan waxba haysan,"🥹💔



❤️
Ещё