Khalid Thoughts

Канал
Логотип телеграм канала Khalid Thoughts
@Sabiil40Продвигать
5,15 тыс.
подписчиков
224
фото
22
видео
102
ссылки
Ku soo dhowoow Sabiil40. ✍️ Halkan waa hoygayga, waxaan soo gudbiyaa waxyaabaha aan is dhaho dheef ayey leeyihiin, hanoqoto war, maqaal mug leh, muuqaal manfac leh iyo fursadaha dhalintu ka faa'idaysan karto sida courses-ka iyo suuqyada online-ka ah. 🔥
Dadka qaar, si heersare ah ayaa ay u yaqaannaan naftooda, iyo awoodaheeda. Sidaas darteed, ma daneeyaan aragtiyaha kala duduwan ee ay dadku ka aamisan yihiin, iyo sida loo arko midna, waayo:

1. Haddii lagu dhaliilo wax aysan aheyn, ma gubtaan.

2. Haddii lagu ammaano wax aysan aheynna, ma farxaan.

3. Haddii la sheego cidda saxda ah ee ay yihiinna, wax layaab ah ma muujiyaan, maaddaama ay horay naftooda uga ogaayeen waxa laga sheegayo.

-Ladane.
Haddii aad Google ku qorto dhibaatooyinka shaaha wuxuu ku siinayaa natiijooyin badan oo faahfaahinaya dhibaatooyinka shaaha.
Sidoo kale haddii aad ku qorto faa'iidooyinka shaaha wuxuu ku siinayaa natiijooyin badan oo iyaguna sheegaya faa'iidadiisa

Aduunyaduna waa sidaa hadba waxa aad baadho ee aad waqti galiso waxa ay kaa siinaysaa natiijooyin badan, hadaba haddii aad baadho fashal, karaahi, qabyaaladda, nacaybka intaba waad ka heli wax badan
Sidoo kalena hadii aad baadho guul,wanaag,dulqaad,naxariis dhaqaale,cilmi iwm sidoo kale waad ka heli .

hadaba u fiirso waxa aad raadinayso kollayba wax baad raadinaysaaye, waxaasina waa waxa aad ku qaadato waqtigaaga u badan inta aad soo jeedo waa waxa aad aad uga fikirto waa waxa ay asxaabtaada kugu xeerani daneeyaan.

-Hamse Habiib.
Aasaasihii Binance oo xabsiga laga soo daayey.
LinkedIn waa platform ama baraha bulshada ugu faa'iidada badan marka laga imaado YouTube gaar ahaan qaybtiisa waxbarashada. Waa madal horumarineed taas oo qofka dhalinyarada ah siinaysa fursado aan xadidnayn si gaara marka uu yahay xirfadle ama shaqsi doonaya inuu saamayn ku yeesho kulliyaad ama sector nolaleed oo gaar ah.

Si guudna waa madal kulmisey dadka intoodi tayada lahayd. Waxa ku jira in ka badan 67 million oo shirkadood kuwaas oo 2.5 million kamid ahi yihiin shirkado yaryar oo raadinaya shaqsiyaad la shaqeeya. Waxa na toddobaad walba shaqo ka dhax raadinaya 49 million oo ruux oo daqiiqad walba 7 ruux oo kamid ahi shaqo ka helaan. Linkedin waa madal muuqaal ahaan (user interface) u eg Facebook kaas oo leh isticmaalayaal ka badan hal billion, laakiin content-ga la soo galiyay ay 100% ka tayo iyo nuxur wanaagsanyihiin kuwan Facebook.

Hadaan dhawr qodob ka eegno faa'iidooyinkiisa, waxa kamid ah:

[1] Helida ama raadinta fursado shaqo kuwaas oo ah maxali ama calaami (local and international job opportunities).

[2] Inaad ka raadiso ama aad ka hesho fursado kaga qayb gasho madalo caalami ah (international events opportunities) kuwas oo ugu dambayn ka dhaxli doonto khibrad shaqo, cilmi, xidhiidh iyo safarba.

[3] Faa'iidoyinka ugu horeeya ee madashan waxa kamid ah inaad hesho fursado aad ku dhisto xidhiidho bulsho oo macnoleh (networking), adiga oo baranaya saxiibo caalami ah iyo shaqsiyaad saamayn, khibrad iyo takhakhusba u leh kulliyada aad barato/baratey, ku shaqayso amaba xiisaysid.

[4] Inaad ka hesho khibrad iyo talo-wadaag aad ku horumariso ganacsigaaga hadey tahay akhrinta maqaallada, warbixinada iyo qoraalada nuxurka leh ee lagu baahiyo bartan.

[5] Waxa iyana mareegtan si joogto ah looga helaa fursado bilaash ah oo waxbarasho ama si guud u khuseeya horumarinta aqoonta iyo xirfadaha (career development opportunities). Si gaara scholarships ka, shirar caalamiya, tababaro gaagaban iyo hadey tahay webinars iyo bootcamps ba.

Ugu dambayn, waxan shaki ku jirin in LinkedIn yahay platform-ka ugu wanaagsan ay tahay inaad ku dhisato summadada shaqsiga ah (personal brand), adiga oo soo bandhigaya aqoontada iyo khibradada ugu dambayna uga faa'iidaysanaya horumarinta naftada ama ganacsigaaga ba (business brand development).

Hadaan soo koobo, waxan qof walba oo dhalinyar ah kula talinayaa in halkii uu Facebook iyo TikTok dhexjoogi lahaa halkaas tamar galiyo, maadaama ay tahay CV caalami ah (universal portfolio). Si guudna u ogsoonow LinkedIn waxa uu marwalba soo dhawaynayaa dadka xirfadlayaasha ah ama ku jira safarka barashada xirfadaha.

Intii isticmaasha iyo intiina samaysanaysaba iskugu kaya keena LinkedIn. Ciwaankan hoosena waa kayga shaqsiga ah, waxana sidii caadada ahayd iskula wadaagi doona wixii khibrad, aqoon iyo fursado ahba.

Linkedin kayga:
https://www.linkedin.com/in/mohamed-sharif-muktar/

Guuleysta.
-Mohamed Shariif
Hmstr suuqa waa la keenay lkn waxoodu shaah waa ka badan waayeen. 😀
Waxaan eegaynaa in sidii Notcoin ay qiime badan yeelato xiliyada soo socda.
Tarbiyadda maaliyada

Waa xiisad ama maaddo lagu daray manhajyada wadamo badan oo caalamka ka mid ah gaar ahaan kuwa dhaqaalaha ku horumaray sida : Canada Australia Japan iyo qaybo ka mid ah America Singapore dhanka caalamka carabtana Saudiga Emaratka Jordan iyo meelo kale oo Badan

Bulshadu marka ay fahanto maaraynta dhaqaalaha qofka iyo qoyska ayaa wax badani iska badalaa dhaqaalaha dawlada iyo dalka oo dhan

Muuqaallo koobkooban oo aan saddex sano ka hor ka samaynay maadadaana dadka waxay ku samaysay saamayn balaadhan oo dal iyo dibadna ah sidaa darteed waxa aan soo xulay manhajka dalka Jordan oo aan u baran doonaa si bilaash ah oo mutadawacnimo ah muddo laba illaa saddex bilood ah hal habeen usbuucii

Is diiwaan gali oo qoyskaaga saaxiibkaa ama qof kuu muhiim ahna gaadhsii ugu yaraan noloshaada iyo tan qoyskaaga waxay ku samayn is badal wayn

Halkan iska diiwaan gali👇

https://wa.me/message/2JG4QJHIX327H1

—Ustaad Hamse Habiib.
Odaygii mar kale ayuu gatay $458M oo Bitcoin ah!
Stabilise = xasili
Stabilisation = xasilin
Stability = xasillooni
Stable = xasilan

—ibraahim Osman.
Lacagtu waa luuqadda, ay maanta dunidu isku afgarato.

Waxaa jira meelo badan, oo wax aan iyada ahayn aanay furin. Haddaba yaan lagugu harawsan, lacagta wajigaa ka fiican iyo nolosha farxadda ayaa ugu muhiimsan. Dadka lacagta haystaa, farxad iyo daganaan ma haystaan.

Waa marmarsiinyaha caajislowga. Waar intaad dhalinyarta tihiin, ee aad xitaa waxbarshada ku jirtaan, ugu yaraan galin shaqaysta.
Macnaha Lacagtana fahma.
Waa furaha Albaab walba, mid Aakhiro iyo mid Adduunba.

Farxad lacagta ka horaysaa ma jirto Jaallayaal.

—Abdishakur.
https://t.center/Sabiil40
Sida ay Dowladuhu u kala haystaan Bitcoin. maaha muwaadiniinta ku nool ee waa dowladda lafteeda.

—Beta Team.
Muhiimada ay leeyihiin xirfadaha fudud

Xiligan la joogo waxan shaki ku jirin in qofku lahaado xirfad rasmi ahi iney tahay muhiim si walba oo xirfadadasi u tahay mid wayn ood ku shaqo gali karto hadana kuma balan qaadi karto nagaansho hadii adan lahayn xirfadaha fudud si ay ku kabaan kuguna abuuran dhabbe horey u socod, xirfadahani waxay inoo ogoladaan inan is fahano,xalino dhibaatoyinka,wada xidhiidhno, is dhagaysano ogana so baxno waajibadkeeni shaqo si wax ku ool ah, xirfadahana waxa kamid ah.

[1] Wada xidhiidhka(communication):
inad dadka si saamayn leh ula macamili kartayi waa awood kor u qaadaysa shaqsiyadada si gaara xirfadlayasha waa muhiim iney leeyihiin awood ay si cad oo kooban ugu gudbin karaan fikrado kakan hadii cida aad la xidhiidhaysayi tahay macmiil,maamulahaga amaba qof ku shaqeeya, xirfadan waxay noqon kartaa labo ay tahay inad iska dhisto wana wada xidhiidhka qoraalka iyo kan hadalkaba(verbal and written communication skills)

[2] Xirfada Soo Bandhigista (Presentation Skills): inad awood u yeelata so bandhigida fikradaha,mashaaricda,guulaha iyo natiijooyinka la gaadhey qaab la taaban karayi waxay saamayn ku yeelan kartaaa go'aamada waxayna badinaysa suurtogalnimada in lagula si shaqeeyaa ama mashaariicdadu sii socotaa, qaybtan waxa saamayn ku yeelan kara aqoonta aad u leedahay samaynta sawiro,muuqaalo,kalsonidada shaqsiga ah iyo inta ay gaadhsiisantahay awoodada ama farshaxankaga wax so gudbintu(art of story telling)

[3] Wada shaqaynta(team work) inad tahay shaqsi dadka la shaqayn karayi hadey yihiin kuwo yar iyo hadey yihiin koox badan ba waa lama huraan wuxuna iskaashigu suurtogaliyaa in shaqadas lawada hayayi noqoto mid midho dhal ah si guudna waxay u bishaa jawiga shaqada si koobana waxa qaybtan micno u sameeya in la is taageero sido kale xubin walba oo kooxda kamid ah laga faa'iidaysto awoodisa gaarka ah.

[4] Xallinta Khilaafaadka(problem solving): xiliga lagu gudo jiro wada shaqaynta waxa iman doona caqabado badan taas oo mid walbayi doonayso xalal cusub oo abuura jawi horey u socod iyo inan mashrucas la wadayi istaagin, inad noqoto qof maskaxdiisu u furantahay xal helida,tanaasuli kara, sido kale qadan kara go'aamo si guud u jaangoyn kara jihada shaqadasi waxay iyana noqonaysa tiir kale oo muhiim ku ah shaqsi ahaan iyo xirfad ahaanba

Walow xirfadahan fududi ka badanyihiin intan hadana kuwani waa kuwa ugu doorka fiican si guud xirfadahani waxay wanajiyaan shaqada waxayna dardargaliyaan natiijada mashruuca markas laga wada shaqaynayo sidas si lamid ah waxay gacan ka gaystaan abuurista jawi shaqo oo wax so saar leh, dhalinyarada ku jira technologyga xirfadahani si gaar ah ayay u anfici doonan waxayna kor u qaadi doonta tayadoda farsamo.

Bonus ahaan waxan idinku darayaa in muuqaladan hoose ay u yihiin bilow wanagsan cidi xiisaynaysa iney xirfadahan si fudud u fahmaan ulana falgalaan.
—Mohamed Shariif.

1-Communication skills :https://youtu.be/HAnw168huqA?si=dMzUpY0Gg19IIIxb

2-Presentation: https://youtu.be/yoD8RMq2OkU?si=6fdRRh9YnzVg5R0m

3-Team work: https://youtu.be/UwsMogSQmYI?si=cK6RPkwEf-ZjFzhL

4- Problem solving: https://youtu.be/oDGydfWkVhI?si=uPGpjeq8T0aOTlMg
Haddii aadan ka warwar qabin waxa aad maanta cuni doonto, aad haysato dhar aad jidhkaaga ku asturto, aad leedahay guri aad dhaxanta iyo qorraxda kaga dhuumato iyo hoy aad seexato, waxaad ka qanisan tahay 75% dadka adduunka kunool oo dhan.

Haddii aad lacag ku haysato jeebkaaga oo aad tagi karto meel kasta oo aad rabto, waxaad ka mid tahay 18% dadka ugu qanisan adduunka.
Haddii aad maanta nooshahay oo aad caafimaad qabto, waxaad ka barako badan tahay malaayiinta qof ee aan nasiib u helin in waagu maanta u beryo.

Haddii aad si kor ah u akhrin karto oo aad fahmi karto qoraalkan, waxaad ka nasiib badan tahay saddexda bilyan ee qof ee adduunka ku nool ee indhoolayaasha ah, aan hadli karin ama aan waxba akhriyi karin.

Noloshu dhadhan kuma leh cabashada, noloshu waxay kuu dhadhantaa marka aad ogtahay kumannaan sababood oo kala duwan oo lagu farxo laguna mahadiyo.

"Haddaad tirisaan nicmooyinka Eebbe masoo koobi kartaan."

—Sheekeeye.
https://t.center/Sabiil40
Waxa aynu gaadhney 5K Oo walaal iyo Saaxiib ah, waad Mahadsantihiin Akhyaareey, ilaahay ha idin barakeeyo.! 🥰🥳

Sabiil 5k 📈
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Microstrategy waxay gadatay $1.1B oo bitcoin ah!
Hamster Kombat oo si rasmi ah suuqa loogu soo dayn doono 26 Bishan September ayaa in ka badan 300 milyan oo oo qof oo ka qayb qaadanaaya barnaamijkan ay dhagta u taagayaan qiimaha uu ku soo bixi doono.

Hamster Kombat waa lacag cusub oo dhigitaal taas oo suuqyada ku soo biiri doonta dhamaadka bishan. Waxa xiisaha u yeelayna waa in dadku si bilaasha ku heli doonaan qayb ay shirkadu ugu talo gashay dadka ka qayb qaatay barnaamijkooda oo soo bilaabmay bishii March ee Sannadkan kaas oo loo yaqaano Airdrop.

100 bilyan oo koyn ayaa la rajaynayaa in suuqa lagu soo daayo sida ay Hamster shaacisay, waxaana la filayaa in qiimuhu ku soo baxo inta u dhaxaysa $0.07 ilaa $0.010

Haddii aadan rabto inaad ku biirto linkiga qabyta hoose raac

https://t.center/hamster_kombat_bot?profile
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
halkee maraysaa Crypto, maxaa la filayaa?
Qaar ka mid ah xeerarka bulshada dhexdooda, laga yaabaa in ay ku caawiyaan.

1:- Haddii qof kula hadlayo, in aad mobilka eegtaa wax wanaagsan maaha taasi waxa ay muujisaa ixtiraam darro.

2:- Dadka ha weydiin suaalaha xanuunka ah sida; weli maad guursan miyaa? Goormad guursan? Carruur ma dhashay? Shaqo maad helin weli? Ilaahay baa arrimahan ku shaqo leh, adiga maaha dhibaatadaada ee ha gelin afarahaas.

3:- Haddii adiga iyo qofka aad saaxiibka tihiin taxi ama gaadhi wada raacdaan oo uu lacagta bixiyo, adna marka labaad bixi.

4:- Badanaa u fur albaabka qofka kaa danbeeya, micno ma samaynayso in qofkaasi yahay; gabadh, nin, qof martabada nolosha meel sare ka jooga iyo mid aan ka jooginba, Bilicdaada qof nimo hoos udhigi mayso hadaad bulshada dhexdeeda qof ula dhaqanto si wanaagsan iyada oo siyaadisa maahee.

5:- Haddii qof wax kaa tuso mobilkiisa, ha u rogin bidix ama midig, ma ogid waxa xiga. Si guudna dhaqan wanaagsan maaha.

6: Weligaa ha bixin talo, ilaa lagu weydiisto maahane.

Turjumid.
idil Osman.
Ещё