Khalid Thoughts

Канал
Логотип телеграм канала Khalid Thoughts
@Sabiil40Продвигать
5,15 тыс.
подписчиков
224
фото
22
видео
102
ссылки
Ku soo dhowoow Sabiil40. ✍️ Halkan waa hoygayga, waxaan soo gudbiyaa waxyaabaha aan is dhaho dheef ayey leeyihiin, hanoqoto war, maqaal mug leh, muuqaal manfac leh iyo fursadaha dhalintu ka faa'idaysan karto sida courses-ka iyo suuqyada online-ka ah. 🔥
К первому сообщению
Farriin ay haweeney u dirtay ninkeeda:

Waa aniga tan kuugu soo darsatay saaxiibtinimada Faysbuugga, magac been abuur ah, waad i aqbashay oo waxaad iga dhigatay mid ka mid ah asxaabtaada ugu fiican. Waxaadna bilaawday inaad ila hadasho saacado badan. Waxaan la yaabay sida laabtaada aad iigu ballaarisay, adigoo nolol maalmeedkeenna dhabta ah aadan awoodin inaad ila hadasho shan daqiiqo wax ka badan, iskaba daa xitta ma maqli kartid codkayga.

Maalin kasta waxaad ii soo dirtaa farriimo jaceyl iyo roomansi ah adigoo nolasheenna dhabta ah aan awoodin xitaa inaad magacayga iigu wacdo (Hooy, i maqal, fiiri , i dhageyso).
Waan murugooday markii aan xaqiiqsaday inaad aniga naftayda igu khiyaanaysid, sidii inaad tahay tuug is xaday isla asaga.

Waan murugooday markii aan ogaaday awodda dareenkaaga iyo jilicsanaanta qalbigaaga, taas oo xaqiiqdeenna dhabta ah aanan ku arkin wax aan ka ahayn naxariis-darradaada iyo qalbi adeeygaaga.

Waan murugooday markii aad naftayda ka dacwootay adigo isla aniga ii dacwoonaya, anigoo kiiskaas ka ah dhibanaha iyo xaakinka isla waqtigaas anigoo ah mid ka madax bannaan cabashadaada.

Immisa ayaan kugu qosli jiray markii aad iigu hanjabto furriin isla aniga daraadday, maxaa yeelay aakhirka waxaad ii heli doontaa naagtaada cusub, marka furitaankaaga iyo guurkaaga danbe aniga ayaa sabab u ahaan doonna.

Waan murugoon jiray markii aan arkaayo adigoo u taagtaagsanaya sidii ilmo yar oo albaabka qolka xiraya adigoo ku marmarsiyoonaya in aad mashquul tahay oo aad shaqo leedahay, aakhirkiina waad ila hadlaysaa, anigoo albaabka qolka gadaashiisa taagan anigoo ku jawaabaya.

Maxaa diidaya haddii aad albaabka qolka furto oo si fool ka fool iila hadasho been iyo munaafaqnimo la'aan, si beentu, run isugu badasho.

Maxaad ii siin wayday jaanis aad ku ogaato xaqiiqadayda iyo kartidayda oo aad ku garawsato in xariifadda faysbuuga ee saaxiibtaa ah ay tahay xaaskaaga runta ah.
Maxaa diidaaya shaqsiyaddaada faysbuugga inay ahaato isla midda nolasheenna guurka, oo aad igu tiraahdo "subax wanaagsan" wajigeyga hortii .. maaha Faysbuuga sidoo kala aad igu tiraahdo "Habeen wanaagsan" anigoo barkintayda barkan, maaha markaan wada sheekeysiga feysbuuga dhamaysanno.

Waa ayaandarro inaad ogaato aakhirka magacaan bugta ah iyo saaxiibtaan beenta ah in aan aniga ahay! haa xaaskaaga dhabta ah ee kuu keenta cuntada, dharkaaga kuu dhaqda, carruurtaadana wax barta. Markaa sidee dadka kale kuugu raaxaysan karaan aniga oo adiga kuu adeega? Sidee baad se dadka kale u amaanaysaa aniga oo ah midda kuu daaleysa, sidee se cid aan aniga ahayn ugu naxariisaneysaa anigoo wali kaa sugaaya naxariis? Sidee ugu damqanaysaa anigoo wali ku sugaaya...?

Buugga: رواية امنيتي ان اقتل رجلا
Tarjumadii: Hibaaq Cadaawe
Crypto dhexdeeda waxa kaliya ee aad ka shallayn doonto waa inaadan wax badan iibsan 😊
________________
In Crypto the only regret you'll have is You Didn't buy more 😊
Marka Cryptocurrency lajoogo Dulqaadku waa furaha guusha.
_______

In the world of crypto, patience is key of Success.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Bitcoin VS Altcoins When the market takes a dip... 📉
mastercard waxay samasay card ku xiran walletkaaga crypto. mastercard waxaa isticmaala in ka badan 100 milyan oo ganacsato ama dukaan!
Weriye u shaqeeya TNT Sports ayaa Cristiano Ronaldo weydiiyey Su'aal sarbeeb ahayd oo uu ku durayo Islaamka, Su'aashan ayaa sidan u dhignayd.

Waxaad ka Ciyaartaa Horyaalka Sucuudiga, Miyaadan Diiqad iyo Ciriiri ku dareemin Joogista Dal Muslim ah iyo Nolol wada Islaam ah ?

Ronaldo ayaa Su'aashaas uga falceliyey si aanuu Jeclaysan oo uu ka Naxay Weriyihii TNT Sports, Wuxuuna CR7 ku Jawaabay sidan:

"Idinku Miyaydaan Diiqad iyo ciriiri ku dareemayn Caruurta yaryar, haweenka iyo waayeelka aan waxba galabsan ee maalin kasta lagu Laynayo Qaza..

Qofkii damiir leh oo aan xaqiiqda iska indho tirayn maanta meel kale oo aan Qaza ahayn kuma dareemayo Diiqad iyo Ciriiri..

Sucuudiga intaan joogey wax aan dhibsado ma arkin, maamulka iyo Bulshadu sifiican ayay ii soo dhoweyeen oo iila dhaqmeen...

Hal wax ayaa igu cusub halkan, Waxaan arkaa dad markasta iska faraxsan, aniguna sidooda oo kale ayaan noqday qof faraxsan markasta...

Halkan jawigu markasta waa degan yahay, kama dhacaan falal dambiyeedyo, Sucuudiga Cunto aad u badan ayaa laga cunaa, aniguna cuntada waxyar ayaan ka cunaa, Farqigaas keliya ayaa noo dhexeeya.."

Abdirizak Jubba.
https://t.center/Sabiil40
"Waxaad ka Ciyaartaa Horyaalka Sucuudiga, Miyaadan Diiqad iyo Ciriiri ku dareemin Joogista Dal Muslim ah iyo Nolol wada Islaam ah?... Su'aal la waydiiyey Cristiano Ronaldo.

Jawaabtiisa. 👇
Waxa ugu muhiimsan ee lagaa rabo marka aad crypto ku dhex jirtid waa sugida amnigaaga, si aad u sugto samee talaabooyinkan:

1. Ha isticmaalin CEX (exchange) aan si fiican loo aqoon kaliya kuwo caanka ah isticmaal.
2. U samee password adag.
3. Two factor Authentication.
4. Withdrawal password.

Hadii aad isticmaasho telegram bot sida trojan u samee telegramkaaga Pin iyo password marka device cusub laga soo galayo.
Hubi in uu telegramkaaga ka furan yahay sessions kale.

Meelaha swapka ah ee aadan aqoon ha isticmaalin kaliya isticmaal swapyada la yaqaan sida pancakeswap, sushiswap, raydium iwm.
Markaa swap isticmaalaysid fiiri in uu url-ka yahay midka saxda ah waayo waxaa dhici karta inaad u gasho kuwo aan sax ahayn lkn isku qaab eg.

Ha furin filesha iyo linkyada aadan aqoon cida soo dirtay.

Beta Academy.
"Nabaddu Waa Furaha Farxadda Koonka..." ❤️

#Ceerigaabowaanabad.
Fanku waa quruxda iyo farshaxanka kayd ee maqal iyo muuqaal bulshi leedahay, sida heesaha, ciyaar dhaqameedyadda, riwaayadaha, filimada, sawir gacmeedka, aslidda iyo xardhidda ashyaada. Iqk

Xagal kale haddii aynnu ka bildhaamino, wax kasta oo farsamo iyo farshaxan dheeriya lagu ladhaa waa fan. Ha noqoto suugaanta laamaheega kala duwan iyo wax kale e, sidaas daraadeed suugaan kastaa fan way noqon kartaa marka farshaxan lagu daro. Laakiin fan kastaa suugaan ma noqon karo.

Fahanka iyo ogaalka bulshadeena oo aad u hooseeya daraadeed, marka aynnu maqalno fan inta baddan waxa markaaba maankeena kusoo dhacaya hees la tumayo, oo muusig wadata oo kaliya. Taas beddelkeeda kumasoo dhacayaan in fanku ka mug iyo miisaan balaadhan yahay hees soomaaliga ayynu maqalno. Wax kasta oo qiimile waxa qiimiga u yeelaayi waa fan. Tusaale ahaan; dharka aynni xidhano waa fan. Guryaha aynnu galno waa fan. Kabaha aynnu gashano waa fan. Waxaa hubanti la'aan ah nolosheena waxa qiimaha iyo qaayaha u yeela inuu yahay fanka.

Cabdisalaan Cabdilaahi.
THE MONEY WORKS. 📈
Tignoolajiyaddu saddex heer ayey martaa, bulshadii aan heerarkaas ka qayb ahaynina sidii ugu habboonayd uma dheefsato.

1- Heerka u horreeyaa waa daraasadaha iyo baadhitaannada ka horreeya soo saarista agab tignoolajiyadeed.

2- Waxa ku xiga warshadaha oo firkaradihii baadhitaanka ka soo baxay, agab la adeegsado u beddela.

3- ugu danbaynna waa adeegsiga toolmoon ee aaladaha tignoolajidda.

Innagu mar haddii aynaan baadhitaankana waxba ku darsan, farsamayntoodana shuqul ku lahayn, waxaynu nahay suuq dihin oo marba mid cusub hantida yar lagaga furto.

—Abdulkarim Hussein.
Ещё