Dhiiragaliye

Канал
Логотип телеграм канала Dhiiragaliye
@DhiiragaliyeПродвигать
25,11 тыс.
подписчиков
3,68 тыс.
фото
71
видео
1,15 тыс.
ссылок
Kanaalka dhiiragaliye waa kanaal aad ka heli karto Qoraalo maalinle ah xikmadaha iyo dhiiragalinta Iyo qisooyinka Fadlan kusoo biir : ╭══💜════════ღ❦ღ══╮ @Dhiiragaliye ╰══ღ❦ღ════════💜══╯
К первому сообщению
Forwarded from Aisha Bintu Ahmed  (Aisha bintu Ahmed☆)
Waa is celcelooy😢😭 meshaan isoo boqdaa oo like iyo comment ireeb walalaheyga

Waa kan linka
https://www.facebook.com/bintuahmed99?mibextid=ZbWKwL
Waxay yiraaheen gabar ayaa sooqortay zowjkayga waa wadankaygii

Markaa ayaa mid commenti kabixisay wadanka waa lawadaleeyahay hee

Markaa ayay hal ilbiriqsi oogasaartay naxdin waynaa

Ustad Abdullahi Aadam

@AishaAhmed99
Audio from Ruweida Sheikh Mustaf🧕❤️
Lacagtu waxa ay noqon kartaa isha isku dhaca iyo ciriiriga xiriirka. Waxa ayna burburin kartaa xiriirkiina ama guurkiina.
Kuwaani waa qaar ka mid ah siyaabaha aad ku hubin kartaan in lacagtu aysan caqabad ku ahayn badqabka jacaylkiina:

1. Jeclow Qofka, lkn Lacagtu yaanay noqon sababta aad qofka u jeceshahay. Waayo Jacaylku maaha fursad ganacsi.

2. Si wada jir ah uga shaqeeya kobaciina dhaqaale. Jacaylku waxa uu dhiirigaliyaa in lammaanuhu ay horumariyaan ama koriyaan dhaqaalahooda lkn ma dhiirigaliyo in sidii dad dayn isku leh ay lammaanuhu calculator isku qaataan.

3. Si wada jir ah u sameeya Go'aamo Dhaqaale.
Ka tala gali lammaanahaaga go'aanadaada maaliyadeed ee aad qaadanaysid.

4. Ku noolaada nolol idin ku filan: haku bixinina dhaqaalihiina wax ka badan waxa aad helaysaan, noqda kuwa dhaqaale ahaan edeb leh oo qorsheeya dakhligooda.

5. Ha u isticmaalina dhaqaalaha sida hub dhexdiina yaal: ka fogaada xad-gudubka ama caga-juglayn dhaqaale gaar ahaan waqtiya murun idin soo dhex galo.
Talooyin muhiim u ah Lamaanaha:

1. Hadaad rag tahay Ha u jiljilcanaan sida dumarka (hal-adkaw, talo keen ahaw, tusbax furan ahaw, sidii ragne ooridaada u dhowr),  hadaad dumar tahayne ha u adadkaan sida raga (dhimrin lahaw, afku malableey ahaw, kabto noqo, sidii hooyane hayin ahaw).


2. Ha u dulqaadan gafka joogtada ah ee aan ka garawshiyaha lahayn. Wax iska waydiinta iyo isla xisaabtankune waxa ay dawo u yihiin gabood-falka.

4. Nolosha caafimaadka qabta ee jacaylka iyo galmada (guurka) oo ah bar-bilowga gurashada mirihii aad soo beerateen iyo bardhamaadka xayndaabkii xuduudaha in aad ka xaajootaan xili hore waa idin muhiim.

5. Ogsoonoow inta aad jeclaato, ixtiraamto, u kal furnaato lammaanahaaga ayuun baad adne ka helaysaa agtiisa/agteeda.

6. Ka fogoow raaligalinta badan ee aan micnaha ku fadhin oo ilaali shaqsiyadaada iyo madaxbanaanidaada qofeed.

7. Qaado mas'uuliyadda baahidaada inta aadnan is guursan hana ku tiirsanaan lammaanahaaga waayo waxaa suurta-gal in uu ku dhibsado.

8. Haku xadgudbin dareenka lamaanahaaga, la dareen noqo oo la qaybso farxada iyo murugta labadaba.

9. Haka cabsan in aad wayso iyada/isaga kaliya diirada saar in xiriirkiinu uu noqdo mid caafimaad qabo, xushmadne leh.

Lammaane Ogoow xiriirka wanaagsani waxa uu u baahanyahay dheelitirnaan, ixtiraam iyo wada hadal furan.

FG: Iga raali noqda waxaa laga yaabaa in aanan sidii haboonayd ukala hormarin qodobada.
Maanta waxa aan u xamaali doontay dabaq loo dhisaayo madaxweynaha adeerkiisa gabadhuu dhalay, wiilkii ay dhashay wiilkiisu naagtuu qabo walaalkeed.

Shaqada uu madaxweynuhu ka hadlayay waa taas ee hala shaqaysto dhalinyaro.
Xaaskaga guriga ku canaano, Ugu mahad celi qaraabada hortooda, Dadka hortooda ku amaan, Kuna faan ilmahaga hortooda, si qarsoodi ahna ula guurso
🔰🔰𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆 🔰🔰
𝗠𝗮 𝗷𝗲𝗰𝗲𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗶𝗿𝘁𝗼 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗸𝗮 𝗸𝘂𝘄𝗮𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘂 𝗵𝗲𝗲𝗹𝗮𝗻 𝘀𝗶d𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝘂𝘀𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗶 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮𝘆𝗲𝗻 𝗰𝗼𝗻𝘁𝗲𝗻𝘁 𝗶d𝗶𝗻 𝗮𝗻𝗳𝗮𝗰𝗮.

☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️
☠️👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿 ☠️
☠️👉🏿👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👇🏼👇🏼👇🏼👇🏼👇🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👇🏻👇🏻👇🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👉🏻👇👈🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿 👉🏾👉 Halkan Taabo 👈👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👉🏻 👆👈🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👆🏻👆🏻👆🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👆🏼👆🏼👆🏼👆🏼👆🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👈🏿☠️
☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️

🟫🟨🟡JOIN ALL🟩🟥JOIN ME🔵🟦
🙈😁
Dhiiragaliye
Walashy Fool ah Iguso Duceeya In Alle Iigu Fududeyo 🤲 Mahadsanidiin
Alhamdullilah Alle Wuu Fududeyi Khaliinkina Lagu Guuleystay

Mahadsanidiin
Walashy Fool ah Iguso Duceeya In Alle Iigu Fududeyo 🤲

Mahadsanidiin
Dhalinyaro leh waxaan nahay isbadel doon, balse aanan aqoon wadadii ay u mari lahaayeen isbadelka.

Isbadelka aad dooneysaan waa nuucma? Ma in galbeedka daba dhilif loo noqdaa baa, mise waa in argagixiso la noqdo mise waa in bulshada loo shido iftiin lamid midkii uu Nabiga scw u shiday Qureysh.

Nabi Muxammad scw 23 sano ayey ku qaadatay in uu dhiso dowlad awood badan oo tiirarkeedu ay yihiin Cadaalad iyo Iimaan.

Nabi Muxammad scw mid mid ayuu u yaqaanay munaafiqiintii joogtay magaalada madiina haddane sidaas ay tahay ma uusan amrin in la laayo dhamaatood taas badelkeeda waxa uu dhihi jiray "dadku kuma sheekeysan doonaan Muxammad ayaa Asxaabtiisa laayay".

Muhiim ma ahan dadka oo dhan in aad malaa'ig kawada dhigto balse waxaa muhiim ah in aad bulshada isku wadi karto, arrimahana aad u maareyn karto si siyaasadeysan adiga oo aan cidna ku xad gudbin.

Haddii aan u baahan nahay isbadel in aan sameyno marka hore waa in aan ogaanaa isbadelka aan dooneyno nuuca uu yahay.
Cilmi baaris cusub ayaa waxa lagu sheegay inHabsiinta ama laab gelinta ay kor uqaado hormoonka jaceylka🤓

Cilmi baaris kale ayaa waxa ay tiri in aad habeen walbo kaligaa seexato sariir cidlo waa mid kamid ah nimcooyinka ugu waaweyn adduunka.😁

Annaga iyo xaasleyaasha yaa dhiban hee🤓
Dhiiragaliye
🌷 Sticker
Laazima Digriga Alle Waa Daawee Ka digtoonada /wxn idinka Digayaa Sheegida Dadka Waa Cudure☺️

Cumar Bin Khadhaab❤️

@AishaAhmed99
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Cimriga dheeraynayoow
Cabbaar ii yara istaag
Si aan camal fiican iyo
Cibaadada ugu degdego,

Ayaamaha cararayoow
Aqbala codsigayga oo
Intaad cagta ii dhigtaan
I caawiya qaybka hadhay,

Cishooyinka ii hadhoow
Dhib iyo cudur hay dalbina
Guul iyo farxad ii cammira
Ceebtaydana ii astura

#AdoontiiRabbi
@AishaAhmed99
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Shareecadeennu waa Naxariis ee ma ahan daba dhilifnimo mana ahan argagixisanimo.

(وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ)
Kuuma aanan dirin (Nabiyoow) Naxariista caalamka adoo ah mooyee.

Furashadii Makka Markii uu Nabiga scw ka adkaaday cadoowgiisa, halkii uu ka cirib tiri lahaa dhamaantood sooma uusan laheyn "Maanta waa maalintii raxmada iyo naxariista".
Ещё