Oraahyo

Channel
Logo of the Telegram channel Oraahyo
@oraahyoPromote
8.36K
subscribers
332
photos
1
video
41
links
Halkan waxaad ka helaysaa Oraahyo iyo xikmado, afcarabi ku qornaa oo Afsomali loo turjumay.
To first message
"Bisaylku waa goorta qofku barto in uusan ahmiyad siinnin wixii aan muhiim ahayn."

@oraahyo
Nasaar Qabaani,waxa laga sheegay:"Qofkii raba in haweenaydiisu u noqoto malaa'ig waa inuu sameeyo janno,waayo malaa'igtu jaxiima kuma noolaato".

@oraahyo
Dhammaan dadka qalbiyadooda waxa baddala waqtiga ilaa qalbiga hooyada mooyee,qalbigeedu waa janno marwalba.

La wadaag dadkaaga
Haddii risqiga(maalku) uu caqli badni ku yimaado,xooluhu gaajo ayay u dhiman lahaayeen(ileen caqli malehe) Alle talo saaro.

@oraahyo
Waxa jira dad u halgamaya siday uga xoroobi lahaayeen addoonimada,waxa kale oo jira dad raba inay buuxiyaan shuruudda adoonimada(si ay u noqdaan addoomo wanaagsan)

@oraahyo
Haddaanu qofku dharka Alle-ka-yaabka xidhan,wuu qaawan yahay dhar kore haba watee..

@oraahyo
Ixtiraamku waxwalba isaga ayaa ka muhiimsan;saaxiibtinimada, qaraabanimada iyo jacaylkaba.

@oraahyo
"Bilawga xidhiidhada waxa muuqda dareennada se dhamaadkooda waxa soo baxa dabeecadaha"

@oraahyo
Magacaaaga quruxdiisa waxaad arki doontaa markuu kugu wacaayo qof aad jeceshahay"

@Oraahyo
“Waxaad ku fooggantahay daba-orodka mustaqbal, lacag-raadin, shaqo, iyo ganacsi..
Arrin weyn baad moogtahay! Hooyadaa waqti lama qaadatid, miskiintu way duqowday, tartiib-tartiib bay u tabaryaraysay. Ma ahan gabadhii adkayd ee ku garaaci jirtay, ku edbin jirtay, oo waxbaristaada ku dhafri jirtay, maanta maalmaha ayaa soo ritay.”

Hooyo ha laga warqabo.

@oraahyo
Waxa uu yiri imaamu Daara-Qudni:"Reer Baqdaadoow ha u malaynina in qofna awoodo inuu rasuulka scw ku been abuurto aniga oo nool"

@Oraahyo
Allaylehe rag nool bay ahaayeen.
Shaki ma leh in wax badan oo ka mid ah shubhooyinka faafay ay sababteedu tahay iimaankii oo daciifay , macaankiisana aan la dhadhansanayn .

sidaa darteed waa inaynu iimaankeenna dib u muraajacaynaa , quluubteenna kobcinnaa , la macaamilkeena ilaahay aynu hagaajinnaa oo run ku dhisnaa .. waxaas oo dhami waa ka hortag iyo difaac aynu u diyaarsannay shubuhaatka iyo khuraafaatka.

@Oraahyo
Ma nasanayaan dadka ahlu macaasiga ahi illaa ay dadka noocooda ah badiyaan sababtoo ah ma rabaan in dadka laga dhex takooro oo ay xumaanta ku keliyaystaan !.

@oraahyo
Qalabkii tiknoolijiyadeed ee gaalada baad adeegsanay, dhaqankoodiina waad ka soo horjeeddaa .. Say ku dhacaysaa ?

warcelin:mar hadday saas tahay adiguna dhaqanka lo'da yeelo oo sac noqo maadaama oo aad wixii sacu soo saaray isticmaasho .
Weydiin: Haddii qof gaal ah uu 39 malyan oo dollar ku bixiyo barbaarinta agoonta;islaamku muxuu ka qabaa ?

warcelin: Taasi waxay la mid tahay in qof aan jaamacadda iska diiwaangelin uu buugaagteeda soo gato,diyaariyo maaddooyinka laga rabo , qofkaasi imtixaanka geli maayo shahaadada jaamacaddana heli maayo illaa uu iska diiwaan geliyo jaamacadda .. sidaas oo kale qofkii sameeya camal wanaagsan laga aqbali maayo , abaalmarinna ku heli maayo illaa uu muslim noqdo.

ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين .

@Oraahyo
Qofkii u fiirsada in badan oo ka mid ah weecsanka fikriga ah casrigan jira waxaa u soo baxaysa inuu laba arrimood salka ku hayo :

1 - ka daba-dhaca ilbaxninada reer galbeedka taas oo dad badani ku dagmeen calanwalleyteeda waqtigan la joogo.

2- Hoosaynta u hoggaansanka awaamirta ilaahay ( sw) iyo rasuulkiisa ( scw ).

___

Haddii qofku aanu dheg jalaq usiin buunbuuninta reer galbeedka iyo ka daba dhacooda isla markaana uu u dhego nuglaado aayadaha quraanka iyo axaadiith-ta rasuulka ee aanu dood kala hor imanin waxaa xaqiiq ah inuu balaayo badan buul ka galay.
Forwarded from Jzjz
Qalabkii tiknoolijiyadeed ee gaalada baad adeegsanay, dhaqankoodiina waad ka soo horjeeddaa .. Say ku dhacaysaa ?

warcelin:mar hadday saas tahay adiguna dhaqanka lo'da yeelo oo sac noqo maadaama oo aad wixii sacu soo saaray isticmaasho .
Mulxid u dhashay waddanka Morocco ayaa isku dilay waddanka Belgium oo uu ku noolaa ..intaanu dhiman ka hor qoraalkan ayuu ka tagay oo uu adduunyada ku sii sagootiyay.

wuxuu qoray :

" waa ilxaadoobay , khamriga ayaan cabbay , hilib doofaar baan cunay , haddana reer galbeed igama raalli noqon !!.

waxay ii adeegsadeen sidii hub islaamka lagula dagaallamo , markay dantoodii iga dhamaysteenna waxay iga joojiyeen maalgelintii , sidii jiir bakhtiyay bay bannaanka ii tuureen.

ha i weydiinnina maxaan isu dilay ? wax kasta waa cad yihiin .

sidaa iyo nabadgelyo. !!.
-kala tagnay
Sida dad is jecel lagu yaqaan waa inaad waxaygii ii soo celiso.
- ma hadyadihii baad sheegaysaa?
-Maya..
Waxaan u jeedaa Cimrigaygii...
"Waxa aynu galnay godka reer Galbeedka hal mar, kadib waxa ina qaniinay dibqallooca Layberaaliyadda. Haddana mar kale ayaynu galnay, kadib waxa ina qaniinay maska Hantiwadaagga.

Haddii aynu muuminiin dhab ah nahay god keliya laba jeer la inagu ma wada qaniineen, se iimaankeenna ayaa daciifay sidaas ayaa laba jeer la inoo qaniinay.

Waa ciil in aynaan qaniinyada labada jeer ku cibraqaadan. Waxa aad mooddaa in aynu doonayno in aynu weligeen ku jirno godka masaska iyo dibqallooca."
–Yuusuf al-Qardaawi

@Oraahyo
More