Ma dareentay inaad gashay xaalad aysan cidna ku fahmi karin, xitaa aadan awoodin inaad afkaaga ka sheegto, kaliya aad ogtahay inaad ciriiri iyo xanuun laabta ka dareemayso, Laakin Alle wuu og yahay, waayo Asigaa kuu sameeyay qalbigaan aad wax ku dareemayso. Alle weyne wuxuu ku fahmayaa si aysan qof kale ku fahmayn. U laabo Asiga, Xagiisa ayaa ka heli doontaa bogsiin iyo baraare.
{ وَأَسِرُّوا۟ قَوۡلَكُمۡ أَوِ ٱجۡهَرُوا۟ بِهِۦۤۖ إِنَّهُۥ عَلِیمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ }
Hadalkiina qariya ama muujiya Ilaahay waa og yahay waxa laabihiina ku jira.