NUXUR SIDA️

Channel
Logo of the Telegram channel NUXUR SIDA️
@nuxurchaneelPromote
14.13K
subscribers
725
photos
85
videos
164
links
Halkan waxaan kusoo gudbiyaa barnaamijyo wax ku ool ah Nuxur iigu imow ❤️
Waayaha ku tababaro
Ha u liicin tawstiyo
Tabaalaha wakhtigu sido
Haddaad turunturootana
Ha is dhiibin tamartaa
Mar labaad tashiga celi.






~Awale deeqsi.
"Allahayow, haddii aan dhinto anigoo da'yar, i gee jannada; cadaabta waan soo maraye."

"Bože, ako umrem mlad, pošalji me u raj; u paklu sam već bio."

Balkan region | Serbia


Mohamed Abdulqadir.
"Waxad haysata laba doorasho:

In aad hogaamisid dareemada maankaaga iyo maskaxdaada ama in aad u ogolaatid ayada in ay ku hogaamiso".
Intaan midkee kamid tahay?.
Anonymous Poll
40%
10 jir ilaa 20 jir.
53%
20-30
4%
30-40
3%
40-50 above
Forwarded from LAYLINTA RUUXDA✨️ 🧠 (Machett ✨️🕊)
❝FAHANKA RAGANIMO EE QUR'AANKA❞

• Dahaaro dhameystiran mid muuqata iyo mid qarsoonba
‏﴿فِيهِ رِجَالٌ يُحِبُّونَ أَن يَتَطَهَّرُوا ۚ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُطَّهِّرِينَ﴾

• In dhibaatada dusha saarto waqtiga adag
‏﴿وَجاءَ مِن أَقصَى المَدينَةِ رَجُلٌ يَسعى.
• In uu ka run sheego balan-ta oofiyana
‏﴿رِجالٌ صَدَقوا ما عاهَدُوا اللَّهَ عَلَيهِ..﴾
• Xaqa inuu raaco kuna hadlo weedh xaq ah
﴿وَقَالَ رَجُلٌ مُّؤْمِنٌ مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَكْتُمُ إِيمَانَهُ أَتَقْتُلُونَ رَجُلًا أَن يَقُولَ رَبِّيَ اللَّهُ﴾

• Inuuna ka baydhin wadadiisa wax dagaya dartii
‏﴿رِجَالٌ لَّا تُلْهِيهِمْ تِجَٰرَةٌ وَلَا بَيْعٌ عَن ذِكْرِ ٱللَّهِ﴾
• Inuu is xilqaamo mahad-naqna uusan ubaahnayn
﴿فَسَقَىٰ لَهُمَا ثُمَّ تَوَلَّىٰ إِلَى الظِّلِّ﴾
• Inuu qoyska garab qabto dhinac kasta dhaqaale iyo maskax ahaanba
‏﴿اَلرِّجَالُ قَوَّامُوْنَ عَلَى النِّسَاۤءِ بِمَا فَضَّلَ اللّٰهُ بَعْضَهُمْ عَلٰى بَعْضٍ﴾
• Inuu alle ka cabsado oo adeeco
‏﴿إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ ﴾
~ wey tilmaamaha quraanka ku jire ee cadaynaya raganimada balse intaas wa qeyb kamida.

@M4chett
Awliyo maqlay oo arkay, geesi arkay, deeqsi arkay, runloow arkay, aqoonyahan arkay, aftahan arkay, abwaan arkay, buuni arkay, xurmadle arkay, murtiile arkay, wax kasta oo la tammadiyo dad badan oo leh qaarna maqlay kuwona arkay, ugu dambeyntiina Nabi Muxammad n.n.k.h. qof ka wanaagsan in uusan jirin ila dhaafi wayday wax dhaamana garan waayay (maba jiro, oo horna uma jirin diba daa).


~Goodir hawd.
Chapterkaaga koowaad ha barbar dhigin
Chapterka 20aad ee qofkale.
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍
Waxa aad Filanayso, Waxa Dhaca iyo Waxa aad Awooddo Qabashadeeda!

Marka ugu horreysa ee fikrad kugu soo dhacdo ama aad hawl qabashadeeda u dhaqaaqdo, waxa aad rejaynaysaa in fulinteedu fududahay (sida laynka 1 aad ka muuqata), kaddib waa ay kugu adkaanaysaa bilowga ba (Sida laynka 2 aad ka muuqata). Waana halka dad badan kaga hadhaan.

Balse haddii aynnu ognahay awooddeenu waxa ay qaban karto (Sida laynka 3aad ka muuqata), isma aynnu dhiibneen.

Waxa aad ka gudbi kartaa caqabado badan, oo aanad ogeyn in aad ka tallaabsan karto.

#Abdisalam Gobabe.
Qormada ama mawduuca aad ka hesho ma ka fal celisaa reaction ma saartaa mise waa iska dhaaftaa.
Anonymous Poll
62%
Waan reaction gareeyaa
38%
Waa iska dhaafaa
Haddii aad heshid kansho/fursad aad waddankaaga hooyo kaga baxdid ma ka tagi lahayd
Anonymous Poll
44%
Kamaan tageen
56%
Haa waa ka tagi lahaa
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
"Niyad jabka ugu daran ayaa ka yimaada dadka ugu dhow qalbiyadeena, sababtoo ah waxaan ka fileyn jacayl iyo taageero iyaga."

- Gabriel Garcia Marquez
عز نفسك حتى تنعز .
Honor yourself until you are honored.

"Xushmee naftaada illaa aad ka noqonaysid xurmadle/sharafle."
‏أبني نفسك بنفسك لِنفسك.
Build yourself by yourself for yourself.

"Naftaada lafteeda kudhis naftaada isla naftaada".
"Illeen warqad waad jeex-jeexdaa,
Dhalo waad jajabisa ,gidaarna waad burburisaa,

Laakiin intaasba ma aha ee waa wadnahaygii".

~Mahmud darwish.
Naftaada(yourself).

Wuxu yidhi: Haddii aan madaxwayne noqon lahaa umadda horumar baan gaadhsiin lahaa.
Saaxiibkii ayaa si kadis ah u waydiiyey "maxaad ka shaqaysa?
In aanu wax shaqo ah haynin ayuu sheegay.

Wataas sababtu naftiisa oo kaliya ayuu maarayn kari waayey,qudhii kujirtay ayaanu xaqeediiba usoo dhicin kolkaas sidee ayuu dadkale uga hadlaaba.

Midkale ayaa ku dooday in nin waliba afar dumar ah guursado,
Adigu imisa ayaad qabtaa baa la waydiyey in uusan tii koowaadba haynin buu sheegay!.

Waxay ahayd marka uu afartaba keeno in uu hamigaasi galo oo uu sidaas ku doodo!.

Waxa ugu muhiimsan ee nolosha wax la taro iyo seeska horumarka shakhsiyadeed iyo midda umadeedba ka bilaabmaa waa qof walba naftiisa.
Waana halka ay soomaalidu waa'hore ka tidhi maahmaahdan mugga iyo macda wayn"Tiisaba daryeela tu kale kudara".

Maxaa iga khaldan?
In aan iswaydiino su'aashani aad bay muhiim u tahay.
Dadku inta badan ruuxdooda runta uma sheegaan cidda usheegtana way la colowdaa ama in ay asaga yasayaan oo ku jeesjeesayan bayba u arkaan.
Qof waliba in uu iswaydiiyaa waa lama huraan,in uu naftiisa la hadlo la haasawaana waa lagama maarmaan.

Haddii aad isdhaafiso adiga ayey ku sugaysa.
Waxa ugu haboon ee aad u sheegi lahaydna waa runta.

Si run ah ula dhaqan naftaada si run ah u cibaadayso
Oo marwalba xaqiiqadeeda ha isgarab marsiin.
Naftaa igu tidhi;

"Nolosha aduunyadu waa sida iyada oo lagoo dhiibay warqad,lagusoo qoray magacaaga oo qudha,inta kalena adiga lagaaga tagay,Haddii aad sidaa lagugu siiyey ku dhiibayso iyo haddii aad wax uun ku qoraysid waxay doonaan ha ahaadaane ay imanayso maalin lagaa qaadayo warqaddaas oo madxaf la dhigayo,taasoo calaamad u ahaan doonta in aad fursad u heshay in aad nolosha aduun soo martay.
Haddaba magacaaga wax uun kudar!"
Anna waxan ku idhi haddii ay sidaa tahay magacayga uun baan ka masaxanayaa.

~Xaqaygtagi.
Dunidu cuudka ayay ku fududdahay, carruurtana waa ay ku macaan tahay, laakiin u fiirso waa qurux ee maaha qiime. Insaanku waxa qiimaha u yeelaa waa aqoontiisa ee maaha hayntiisa iyo hantidiisa. Waxa qiimaha u yeelaa waa waxa ku jira qalbigiisa, ee maaha jeebkiisa. Waxa qiimaha yeelaa waa naxariistiisa, ee maaha awooddiisa. Waa u tudhistiisa, ee maaha taagtiisa. Ha noqon sidii kuwii Qaaruun u quudhi waayay hantida, markii isaga iyo hantidiisii dhulka lala jarayna
xaqiiqada ku baraarugay. "Noqo qof dhugmo leh.

__ad'ham shaqraawi
Qodobo akhlaqiyaadkeena anfacaya.

1.Haddii aad qof wax kula talinayso ugu horeyn naftaada ka eeg talada kowaadna ayada sii intaanad cid kale u gudbin
Haddii kale waad is dulmiday.

2. Mar walba dhaqankaaga iyo ficiladaada ka warhay
Afkaagana bar erayada qurxoon. ogow hadba qaabka aad u hadasho ayaa ka marqaati ah qofnimadaada.

3.Isku miisaan noloshada caadiga ah iyo midda baraha bulshada(social mediah).
waxa jira dad baraha bulshadana waji kuleh nolosha caadiga ahna midkale,
Ogow midaasi waxay dulmi iyo diiqada ku tahay nafsadaadda.

4.Waxwalba si dhab ah ama seriously ah ha uqaadan waad farxad guuraysa waxwalibana way kaa cadhaysiin doonaan.

5. Awood u yeelo in aad caadifaddaada kantorooli karto.

6.Wax walba ha rumaysan taa badalkeeda iskuday in aad adigu xaqiijiso
Ogow casrigani ma aha kii aad cid wax u daba fadhiisan lahayd
Adiga oo hubanti ku heli kara.

@dhigal
More