Daarul dacwaa

Channel
Logo of the Telegram channel Daarul dacwaa
@daaruldacwaaPromote
1.16K
subscribers
92
photos
9
videos
15
links
Nagu soobiir oo kalasoco kanalkan Daarul dacwaa waxyaabo aad ka heli doontid sida. 👉 wacdi iyo waano. 👉Dhiirigelin iyo xirfaddo. 👉Qisooyin iyo talooyin.
To first message
Hal Ku Dhigyada Cajiibka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah hoos ka akhriso:-

" Luuqada Soomaaligu Waa Af Muslim, Waa Af-diin iyo Dadnimo-ba Xambaarsan ".

1-| " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. "

2-| " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. "

3-| " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan."

4-| " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha ."

5-| " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan? "

6-| " Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto, dawladuhuna laaluushi karan aqoonyahan ma-aha " .

7-| " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- | " In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad " .

9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay, laakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen."

10-| " Quraanka haddii aad akhrido ; qof Rabigii u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya."

11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- | " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi garaysid ; qalbigana waxa lagu furaa jacayl , naxariis iyo hadal wanagsan " .

14-| " Waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka, yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin. "

15-| " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya aah kuwa ugu hurdada yar ".

16-| " Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo " .

17-| " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo."

18- |" Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oodhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka."


W/Q @daaruldacwaa
SI MAALINTAADU AY KUUGU QURUX BADNAATO:-

1. Tukashada salaad subax ku billow.
2. Qur’aan yar qac ka sii.
3. Adkaarta subaxa daba raaci.
4. Biyo caadi ah cab.
5. Hurdada ha ku laaban.
6. Waxyar jimicsi samee.
7. Quraac fudud cun.
8. Shaqo, waxbarasho ama irsaaqad raadin u bax.
9. Adkaarta marka guriga laga baxayo akhriso.
10. Ha hilmaamin in aad hooyo, aabbe, xaaskaaga/seygaaga, ayeeyo, awoowe ama ubadkaaga hadba kuwa aad wada nooshihiin sujuudda ka dhunkato oo si qurux badan u macsalaameyso. Ogow farxad weyn iyo jaceyl daran ayaad qalbiga uga beertay


W/Q @daaruldacwaa
- الإكثار من تلاوة القرآن
‏تزيدك فهماً وتدبراً، وتكسبك مهارة وأداءً، وترفعك درجات وحسنات، وتكسوك سمتاً وخلقاً🖤...
لذا احرص على كثرة تلاوته....

Qur’aanka oo aad akhriskiisa badiso
waxa ay kuu kordhisaa fahamkaaga iyo ka fiirsigaaga, waxa adna ka kasbataa xirfad iyo hawlkarnimo, waxa ay ku kordhisaa darajaad iyo camal suuban,
waxa ay ku huwisaa akhlaaq wanaagsan🖤...
Sidaa darteed kudadaal aqrintiisa badan.

W/Q @daaruldacwaa
🌸 si aad ubadasho noloshada qodobadan samee ;

🍂 hagaaji xidhiidhka ku dhaxeeya adiga iyo Allah swt

🍂 sameyso wardi quraan ah

🍂 Wax Akhriska ku dadaal 📚

🍂 qorshe sameyso (sanad bile iyo isbuucle ahba) qorshaha noloshada aad udejis waxa laga yaaba inaad horumar ku gaadhid sanadada soo socda.

🍂 Isbadel oo markasta noloshada isbadalku haka mid ahado 👏

🍂 so dhawee isbadalka noloshada.🤗

🍂 Isbadalka markaad sameyso Allah talo saaro 💝

🍂 wakhtigaaga nidaami

🍂 isxisaabi oo markasta wixi ku qabsoomey iyo waxan ku qabsominba

🍂 cafimaadkaga ku dadaal oo jimicsi samee cunto caafimad leh cun

🍂 markasta aqoon korodhsi same sida inaad naftada wax barto kafaideysato tabobarada bilaashka.

Horumarka aad sameyneysid 10 sanadood ama 5 sano ee soo socda aduunba iska hortagan keliya fikir, qorshe kadibna ficilka lakalay.

W/Q @daaruldacwaa
*Salaada salaada oo jamaaco lgu tukadah waa waajib qofkasto oo muslim ah saaran*

*Waa tiirka labaad ee islaamka oo kuxigo lapada ashahaadatayn*
*Alle wuxuu yiri*
*وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَارْكَعُوا مَعَ الرَّاكِعِينَ [البقرة:43*]

*وَإِذَا كُنْتَ فِيهِمْ فَأَقَمْتَ لَهُمُ الصَّلَاةَ فَلْتَقُمْ طَائِفَةٌ مِنْهُمْ مَعَكَ وَلْيَأْخُذُوا أَسْلِحَتَهُمْ الآية [النساء:1*

*Hdii alle kuwaajibyeelay xiliga cabsida oo dagaalka lgu jiro oo latukado sida aayada kore sheegeso kwran xiliga amniga ayadaa kasiidaran oo kawaajibsan*
*Nabiga صلى الله عليه وسلم Waxaa ka ansaxday inuu yiri*

*من سمع النداء فلم يأته فلا صلاة له إلا من عذر* *أخرجه أحمد وابن ماجه وصححه ابن حبان والحاكم وإسناده على شرط مسلم*،

*Qofkii maqlaa aadaanka uusan imaan wax salaad ah muu sugnaanin ilaa qof cudur daar leh mahne*

*Imaamu muslim wuxuu wariyay*
*وفي صحيح مسلم عن أبي هريرة  أن رجلا أعمى قال يا رسول الله: ليس لي قائد يقودني إلى المسجد، فهل لي من رخصة أن أصلي في بيتي، فقال له ﷺ: هل تسمع النداء بالصلاة؟ قال: نعم، قال: فأجب*[2] .

*Nin indhoole ah ayaa nabiga uyimid markasuu dhahay rasuulka allow ma iisugnaanin qof ihogaansho oo iiwado masaajidka mahelayaa rukhso* *oo salaada inaa guriga ku tukado markasuu rasuulka uu yiri mamaqashaa aadanka salaada markaa Suu dhahay haa markaasuu rasuulka yiri ajiib*

*Hdii qof indhool ah saaas layering mid indho leh kawarama*

*Qofkasto allah hka baqo oo salaada jamaacada ha ilaasho*

*Adinka markuu yeero aan tagno salaada oo masaajidka aadno*

*Ku sabra daacada allah oo aan ku dadaalno jamaacada oo nafteena ka bilaabno markasto allah sugnaasho aan waydiisano*

*Qofkasto oo rabo raali ahaansha allah hku dadaalo jmcaada waa raga dumarka gurigooda ukhyr bdan*

*Salaada salaada Qofkasto oo rumeesan inuu allah hor istaago doono hku dadaalo jmaacada 🌸🌱*


W/Q @daaruldacwaa
🌿 Shaydaanku hadii uu kugu cabsiiyo faqri iyo Gaajo xusuuso Aayadan una sheeg inuusan jirin noole Aduunka jooga Illaa inuu rizqigiisuu ku qoranyahay lawxul maxfuudka.

{وما من دابة في الأرض إلا على الله رزقها}

Hadii uu kugu cabsiiyo Dil Ama geerina xusuuso Aayadan Una sheeg inaadan dhimanaynin Marna saacadii laguu qoray ka hor sidoo kale kana dib dhacaynin.

{فإذا جاء أجلهم لا يستأخرون ساعة ولا يستقدمون}.

🌿Waxkabaro diintaada🌿

W/Q @daaruldacwaa
Dhanbaalka quraanka

Waa buug uu qoray qoraa reer falastiin ah oo lagu magacaabo Ad'ham sharqaawi

buugaan maha tafsiirka ayadaha quraanka ah micnenaya,sida aynu ku naqaanay kutubta tafsiirka, waxa uu soo qadanayaa aayado qayb ka mid ah ama aayad kadibna waxa uu ina siinayaa oo inoo sawirayaa ama inoo tusaalaynayaa casharo nololeed oo si toos u taabanaya qalbiga

buugan oo la dhaho dhanbaalka quraanka waxa uu ku xasuusinayaaa, Hanuunka,maacnida iimaanka, Alle ka cabsiga, salaaada,sabarka,kalsoonida alle,sama falka, ixsaanka,sadaqa,rajeynta wanaagsan, isku xirka alle, toobadkeeta,alle bariga,iyo aqriska

Muhiimada buuga
1. Cidna wax ha waydiisan,qofka cabanaya, ilahy kaliye ha u cawdo

2: u orda xagga alle, oradka aad alle ugu tagtaa waa guul ee maha guuldaro

3:sama falka hakuu noqdo sumad, hana ku raadin abaal ama magac

4:mahadnaqo waa dabarka nimcada, ku celceli markasta( mahadsnid allahayow,

5:wanaagyada waxey tirtiraan xumaanta, markasta ilahayuso noqo

6: Dulmiga, iska jir xadgubka aad ku sameeso shaqalaha, masaakiinta,oo aad xoolahoda cunto

7: quudhsiga: iska ilaali inaad liido kuwa taagta daran

8: cudar kadib cafimaad, cidhiidhi kadib guul, shaqo la'aan kidib shaqo, wanaag kastoo aad heystaa waa naxariiis alle, u qir wanaagyadiisa

waxa aan ka qoray wixii aan ka bartay , waxa laga yabaa hadii aad akhridu inaad ka hesho casharo nolashada badali doona intaa ka bartay in ka badan aad ka barato ama fikarado aad ka kala dhax baxdo wixii wanaagsan ka qaado, kolay waxaan wanaag ahay ugu tagi meysid.
*Sababaha Janada Lagu Galo*

1: inaad ilaahay Dartii wax usamayso .
2: inaad ilaahay Dartii wax ubixiso.
3: Akhlaaqda wanaagsan.
4: Dadka oo loo samo Falo.
5: Dhib oo wadada Laga Fogeeyo.
6: Ilaahay Dartii oo La isku jeclaado.
7: Xishoodka.
8: ilaahay oo in Badan La Xuso.
9: Jaarka oo loo sama Falo.
10: Nimcooyinka ilahay ku siiyay oo luugu mahad naqo.
11: Salaada oo La badiyo.
12 : ilaaahay Dartii oo dhulka La isku dhigo.
13: Qaraabada oo La xidhiidhiyo
15: Labada waalid oo Baari loo noqdo.
16: Quraanka kariimka ah oo la aqriyo Lugana Camal Falo.
17: Wanaaga oo La isfaro, Xumaantana La iska reebo.
18: Xayawaanka oo loo naxariisto.
19: salaada Dabadooda oo ilaahay La xuso.
20: Nabiga oo La Adeeco Amarkiisana la qaato.
21: Sabirka.
22: Runta.
23: Shanta salaadood oo la Ilaaliyo.
24: Dadka Buka oo La booqdo.
25: Ducada in ilaahay La baryo.
26: Salaanta oo La faafiyo.
27: Quraanka oo La barto Dadkana La sii baro.
28: Nabiga oo Lagu saliyo
29: in La isku kaalmaysto wanaaga oyo Alle Ka cabsiga.
30: Dadka oo Diinta ilaahay luugu yeedho.
31: ilaahay oo wax wanaagsan Laga maleysto

W/Q @daaruldacwaa
🖋 Silsilada fariimaha quraanka…

قَالَ رَبِّ ٱغۡفِرۡ لِی وَهَبۡ لِی مُلۡكࣰا لَّا یَنۢبَغِی لِأَحَدࣲ مِّنۢ بَعۡدِیۤۖ ﴿ ٣٥ ﴾
Nabi sulayman cs wuxuu ka bilaabay ducadiisii danbi dhaaf iyo toobadkeen taasina waa fahankii nabiyada iyo fiqigoodii…..

Waayo majiro wax ducada in la aqbalo baajiya aan danbiga ka ahayn, waxaana laga yaabaa qofku inuu alle wax waydiisto kadibna aykala dhex gasho saga iyo ducadiisii danbigaa uuku jiro, markaa hadii ducadu ka dhib dhacdo dib ugu noqo xisaabtaada iyo danbiyada aad kujirto sababtaasaa ducadii lagaaga dib dhigaye……..

🚫Hana moodin madama lagusiin inaad wax badan alle waydiisatay alle waxba kuma badna waxna kuma wayna ❗️
Waadna aragtaa nabi sulayman cs inuu waydiistay sakhirida jinka,dabaysha iyo luqada shimbiraha…..ilahayna wakaa siiyay lkn toobadkeen buuka horaysiiyay ducadiisii……

W/Q @daaruldacwaa
3 Haka Tagin Intaa Nooshahay

1. Haka Tagin Inaa Marwalbo Weydisato Allah Wax Kasta Aad U Baahan Tahay Waayo Allah Wuxu Dhahay ‎ ❤️🥰أدْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ

2. Haka Tagin Waligaa Xuska Allah Waayo Allah Wuxu Dhahay
❤️🥰فَاذْكُرُونِي أَذْكُرْكُمْ

3. Haka Tagin Inaa Allah Marwalba Dambi Dhaaf Weydisato Waayo Allah Wuxuu Dhahay
🥰❤️‎وَمَا كَانَ اللهُ مُعذِّبَهُمْ وهُمْ يَسْتَغْفِرُون

W/Q @daaruldacwaa
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلي عليه وسلم قال:(أقرب ما يكون العبد من ربه وهو ساجد,فأكتروا الدعاء)
Abuu hurayra alle haka raali noqdee waxuu Nabiga kawariyay NNKH Inuu dhahay:

(Addonka waxa uu ugu dhawaan badan yahay Rabbigii waa marka uu sujuudsan yahay ee badiya markaa ducada)

Allow naga yeel kuwa aad u dambi dhaafto ducadana aad ka aqbasho❤️
W/Q @daaruldacwaa
🌺Afar shey noloshaada haka tagin.

🎇 1 haka tagin mahadnaqa allah si aanan laguugu diidin in laguu kordhiyo.
ولٸن شكرتم لأ زيدنكم
""Hadii aad mahad naqdaan waa laydiin kordhin"

🎇 2 haka tagin xuska allah si aan laguugu diidin inuu allah ku xuso.

فا ذكروني أذكركم

"" ixusa waan idin xusi""

🎇 3 haka tagin baryada si aan laagu diidin in lagu aqbalo.

أدعوني أستجب لكم
"" i barya waan idinka aqbali"

🎇 4 haka tagin istiqfaarta si aan laguugu diidin bad baadada.

وما كان الله معذبهم وهم يستغفروت

"" allah ma cadaabayo inta ay ilaahay danbi dhaaf weydiisanayaan""

🌺 noloshu waa safar dheer sahay laqaatana waxaa ugu weyn alla kacabsi, cuskashana waxaa ugu adag talo saarasho alle, jiheeyana waxaa ugu cajiibsan cilmiga sharciga, ilaahay jidka toosan ha inagu sugo.

W/Q @daaruldacwaa
Sifooyin qurux badan oo Alle ku ammaanay mu'miniinta liibaanay:-

1. Kuwa Salaadooda ku khushuuca
2. Kuwa iskaga jeesta maala-yacniga
3. Kuwa Zakada bixiya
4. Kuwa xubnahooda taranka ilaaliya
5. Kuwa ammaanooyinka iyo ballamaha ilaaliya
6. Kuwa Salaadahooda xifdiyiya

Alle SWT wuxuu ku bilaabay Salaadda, wuxuuna ku soo gabagabeeyay isla salaaddii, fadligeeda darteed.

Abaalkoodu waa maxay?
Kuwa tilmaamahaas laga helo waxay geli doonaan Jannatul Firdows, weyna ku dhex waari doonaan.

W/Q @daaruldacwaa
Xishoodka hadii la waayo
Hadii xubintii qarsoonba
Marada laga sii xayuubo
Xadkii eebana lagooyo
Xisaabta allaa danbeyso

Warhooy aakhiro ha aadin
Adoo maryahaaga tuuray
Idaya adigoo dhahaayo

Haday nafta kaa dhacayso
Ku dhimo toowxiidka eebe
Waxaa tahay ruux nasiib leh

Alloow umadeena hagaaji janada boos nooga yeel yaarabi 🤲🤲🤲

W/Q @daaruldacwaa
• FADLIGA MAALINTA JIMCAHA.

Jumcaha waa Maalin Fadli badan waayo waa Ciidda Muslimiinta, waa Maalin ay Muslimiintu ku Kulmaan Masaajidka iyagoo ka kala yimi meelo kala Fog, si ay u Dhagaystaan Xuska Alle iyo Wacdiga Imaamka.

Qofka Muslimka ah haduusan Dhageysan Wacdi Muddo Dheer Qalbigaa Mirira, marka Xigana ka Awdma (ka Xirma) Kheyrka, Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

{ ﻟَﻴَﻨْﺘَﻬِﻴَﻦَّ ﺃَﻗْﻮَﺍﻡٌ ﻋَﻦْ ﻭَﺩْﻋِﻬِﻢْ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺎﺕِ ﺃَﻭْ ﻟَﻴَﺨْﺘِﻤَﻦَّ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻋَﻠَﻰ ﻗُﻠُﻮﺑِﻬِﻢْ ﺛُﻢَّ ﻟَﻴَﻜُﻮﻧُﻦَّ ﻣِﻦْ ﺍﻟْﻐَﺎﻓِﻠِﻴﻦَ } ﺭﻭﺍﻩ ﻣﺴﻠﻢ

Ragga haddii eeyan ka joogin ka Tegidda ay ka Tegayaan Salaadaha Jimcooyinka Ilaahay wuxuu ka Dabooli doonaa Quluubta, ka dibna waxay noqonayaan kuwo Kheyrka Hilmaansan.

Jimcadu waxay ka mid tahay Xilliyada Samaddu Furan tahay oo hadduu Addoonku Ducaysto Ilaahay SW, ka Aqbalaayo Ducada Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

ﺧَﻴْﺮُ ﻳَﻮْﻡٍ ﻃَﻠَﻌَﺖْ ﻓِﻴﻪِ ﺍﻟﺸَّﻤْﺲُ ﻳَﻮْﻡُ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ ﻓِﻴﻪِ ﺧُﻠِﻖَ ﺁﺩَﻡُ ﻭَﻓِﻴﻪِ ﺃُﺩْﺧِﻞَ ﺍﻟْﺠَﻨَّﺔَ ﻭَﻓِﻴﻪِ ﺃُﺧْﺮِﺝَ ﻣِﻨْﻬَﺎ ﻭَﻟَﺎ ﺗَﻘُﻮﻡُ ﺍﻟﺴَّﺎﻋَﺔُ ﺇِﻟَّﺎ ﻓِﻲ ﻳَﻮْﻡِ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ . ( ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺘﺮﻣﺬﻱ

Maalin ay qorraxi usoo baxdo waxaa u Kheyr badan Maalinta Jimce, waayo waa Maalintii la Abuuray Nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay, waana Maalintii Xageeda laga soo bixiyay, Qiyaamaduna Dhici mayso Maalin aan Jimco aheyn.

Sidaa awgeed Allaah SW, wuxuu noo dardaarmay in loo degdego salaadda jimce marka laysugu yeero wuxuuna yiri:-

( ﻳَﺎ ﺃَﻳُّﻬَﺎ ﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺁﻣَﻨُﻮﺍ ﺇِﺫَﺍ ﻧُﻮﺩِﻱ ﻟِﻠﺼَّﻼﺓِ ﻣِﻦ ﻳَﻮْﻡِ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ ﻓَﺎﺳْﻌَﻮْﺍ ﺇِﻟَﻰ ﺫِﻛْﺮِ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﻭَﺫَﺭُﻭﺍ ﺍﻟْﺒَﻴْﻊَ ﺫَﻟِﻜُﻢْ ﺧَﻴْﺮٌ ﻟَّﻜُﻢْ ﺇِﻥ ﻛُﻨﺘُﻢْ ﺗَﻌْﻠَﻤُﻮﻥَ ) ﺍﻟﺠﻤﻌﺔ : 9
Kuwa Alle iyo Xaqa Rumeeyow marka la Adimo Salaadda Jimce u Degdega Xuska Alle, kana taga wax kala Iibsiga, saasaana idiin Kheyr Roon haddaad tihiin kuwo wax Garanaaya.

Haddaba waxaa Habboon in loo Darbado Jimcaha oo Qofka Muslimka ah uu Qubeysto oo Weyso qaato, Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

{ ﻋَﻠَﻰ ﻛُﻞِ ﻣُﺴْﻠِﻢٍ ﺍﻟﻐُﺴْﻞُ ﻳﻮﻡَ ﺍﻟﺠُﻤْﻌَﺔِ ﻭﻳَﻠْﺒَﺲ ﻣِﻦْ ﺻَﺎﻟِﺢِ ﺛِﻴَﺎﺑِﻪِ ﻭَﺇﻥْ ﻛﺎﻥَ ﻟﻪُ ﻃِﻴْﺐٌ ﻣَﺲَ ﻣِﻨْﻪُ } ﺍﻟﺸﻴﺨﺎﻥ ﻭﺃﺣﻤﺪ

Qof kasta oo Muslim ah waxaa ku Waajibay inuu Qubeysto Maalinta Jimcaha iyo inuu ku Labisto Dharkiisa kuwa ugu Wanaagsan, iyo inuu Iscarfiyo hadduu heli karo.

Maadaama jimcaha loogu talagalay in dadka la Wacdiyo, lana Waaniyo waxaa Waajib ah in la Dhageysto Khudbada Imaamka, mana Banaana in la Hadlo ama la Buuqo intey Khudbadu socoto Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

{ﺇﺫَﺍ ﻗُﻠﺖَ ﻟِﺼَﺎﺣِﺒِﻚَ ﻳَﻮﻡَ ﺍﻟﺠُﻤْﻌَﺔِ ﻭَﺍﻹﻣَﺎﻡُ ﻳَﺨْﻄُﺐُ ﺃﻧْﺼِﺖْ ﻓَﻘَﺪ ﻟَﻐﻮﺕَ } ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺠﻤﺎﻋﺔ ﺇﻻ ﺍﺑﻦُ ﻣﺎﺝ
Jimcaha markuu Imaamka khudbeynayo, haddaad Saaxiibkaa ku tiraahdo: Aamus! Hadalkaagu waa mid Micno Darro ah.

Hadduuse Qof qaldamo oo uu hadlo ama buuqo waxaa Waajib ah in laga aamuso intey khudbadu socoto, ka dibna si Xigmad leh loogu Sheego.

W/Q @daaruldacwaa
Siduu ugu naxariistey islaamku dumarka;

Islaamka ka hor dumarku wax qiimaa maylahayn , waaxany dumarka u haysteen sida baayacmushtarko kale waxaana loo dulayn jirey sida ugu xun , kadib maxa dhacay markii islamku yimi??

🌸 gabadha waxa korkeeda laga qaadey masuuliyada nafaqada iyo shaqada iyo in ay ayadu quudiso caruurteda ninkeda iyo waalidkeedba balse ilaahay swt waxa waajib kaga dhigey ninka iyada oorida utahy iyo waalidked hadii ay gabadh tahayba.

🌸 islaamku wuxuu u naxaristey dumarka markii uu uwaajibeyy meher ay iyadu xaq uleedahy cid ku qabsanysana aanay jirin , ninkuna siinayo xaaskisa si uu ugu xalaashado iyada waana xaq ilaahay iyada kaligeed siiyey cid udooraysana aanay jirin waxay kadhiganayso meher .

🌸 Islaamku waxa uu unaxaristey dumarka isagoo xaqeeda saddex jeer kuso Laban laabayo xaqa aabaha kasina waa qiritaan loo qirayo xuquuqdeeda iyo naxaristu eebe unaxaristey dumarka.

🌸 Islaamku waa u naxariistey dumarka iyadoo laga dhaafey waajibitanka xajka hadany haysan muxram lasocda oo ilaaliya oo u adeega intay kasoo noqonayso.

🌸 Islaamku waa unaxariistey dumarka isagoo wax kasiiyey dhaxalka ninkeda caruurteda walaalhed iyo waalidkedba , iyadoon xita cid nafaqo iyo biil kasugaysa aanay jirin kuna darsado diinta horteed dumarka ayaba ladhaxli jirey sida alaabta waxay dhaxasho daaye!!…

🌸 Islaamku waa unaxariistey dumarka isagoo diidey in gabadha lamaheriyo wali la’aan iyo markhaatiba isgoo ilaalinaya sharfteeda iyo nasabka ubadkeeda yacni qabilkoda cajiib!!.

🌸 islaamku waa unaxriistey dumarka isagoo ku waajibiyey qofka dura sharfteeda in 80 jeedal lagajaro marka lagajarayana dadka lagu hor karbaasho markhaatigisana cid aanay aqbalin.!!

🌸 Islaamku waa unaxariistey dumarka isagoo ilaaliyey sharfteeda xitaa markay dhimato in aany maydhin ninkeeda ama dumar ayada lamida iyadoo lasharfayo lana ilaalinayo asturaadeda iyo sharfteda!..

🌸 Islaamku waa unaxariistey dumarka isagoo ka dhigey kafanteda mid kabadan raga oo dumarka waxa lagu kafnaa shan maro oo kala duwan waxaso dhana waxa weeye sharaf iyo karaamo diintu huwisey dumarka .

Hadaba waxan weydinaya dadka sheeganaya xoriyada, maxad kahadlaysan iyadoo maanta dumarkiinu intaa midna hayn ayaad afka usoo taagysan islamka iyo haweenka muslimka marka hore idinku nafihiina iyo dumarkiina kasoo xoreeya xumaanta iyo qalbi madoowadka iyo dayaca idin haysta .

Hablow yay idin sirin reer galbeed wllhi wanag inalama rabaan kaliya sida ay uduloben ayey raban inaan noqono inan walba oo qoraalkayga akhridaana ilaahay haugu mahadnaqdo islaamnimada iyo inuu weliba kadhigey qof dumara oo muslina oo karamaysan anaana idinku horeeyo eebow waa kugu mahad mahad aan lasoo kobikarin 😭🤲❤️

W/Q @daaruldacwaa
Cabsida iyo Cibaadada Alle: waa furaha farxada iyo liibaanta iftiin iyo aakhiraba, haddii aad noqoto qof Alle ku xidhan, cibaadadiisana ku dadaala, wuxuu farayna qaata wixii uu ka reebayna ka digtoonaada, waa hubaal wax kaa dhiman ba ma jirayaan, qalbigaaguna wuu xasilayaa oo miyaanad maqal Aayada Qur,aanka ah ee Alle (SWT) yidhi (Miyaaney Xuska Illahey qalbiyadu ku xasilin)

W/Q @daaruldacwaa
1. Sigaarka.
2. Sheeko-yarida (hadalka yar).
3. Quraacda oo la iska daayo.
4. In si xad-dhaaf ah wax loo cuno.
5. Isticmaalka sonkorta aadka u badan.
6. Wasakhowga hawada.
7. Wajiga oo la saarto maro neefta kugu adkeyn karta, xilliga hurdada.
8. Maskaxda oo aan lagu howlin xujooyin & hal-xiraale, ciyaaro iwm.
9. Iyadoo la xanuusanayo in la shaqeeyo
10. Hurdo-yarida.

Waa toban caado oo waxyeello xoog leh gaarsiiya maskaxda qofka. Waxayna dhaqaatiirtu ku taliyeen in aad looga fogaado.

W/Q @daaruldacwaa
"Naarta Saqara maxaa idin geliyay (42),
waxay yidhaahdeen, kuwa tukada manaan ahayn (43), Kuwo quudiya masaakiintana manaan ahayn (44), Waxan la tororoglayn jirnay kuwa tororogleeya (45), Waxan beeninay maalinka qiyaame (46), Ilaa ay geeridii nooga timid (47)"

Ayaadahan waxan ka qaadanaynaa muhiimada ay leedahay.
1. In Salaada la xafido, si naar looga badbaado
2. In wixii Alle ku siiyay, wax lagala baxo, lana siiyo dadka masaakiinta ah.
3. In xumo oo dhan laga dheeraado, tusaalena aan looga dhigan samayntiisa inay dadkuba sameeyaan. Wixii Alle iyo Rasuulkiisu (NNKHA) xumaan inoogu sheegeen waa xumaan, xiitaa hadii dadka oo dhami samaynayaan, adigu ka dheerow.
4. In maalinka Qiyaame loo diyaar garoobo, loona sii diyaarsado camal wanaagsan.

W/Q @daaruldacwaa
More