View in Telegram
Ma Jiraa dembi kugu soo laalaabtay oo aad jeclaan lahayd in aad joojiso? Waddo fudud ayaan kuu hayaa, Ibnu Teymiya wuxuu yiri: Waxaa jira dembiyo badan oo saaxiibkood janada geliyay, sababtoo ah dembigaas ayaa u noqday mid ay isbedel ku sameeyeen. Waxaad sameysaa mar walboo aad dembi gasho, marka dambe towbada haka weynaato middi hore, tusaale: Marka koowaad duko laba rakco oo suno ah, Ilaaheyna dembi dhaaf weydiiso, marka labaad laba rakco oo suno ah duko, waxaadna raacisaa boqol jeer oo istiqfaar ah. marka saddexaad la imow laba rakco, shan boqol oo istiqfaar ah iyo sadaqo... marka afaraad laba rakco, istiqfaar kun jeer ah, sadaqo iyo hal maalin soon ah. Ugu dambeyn naftaada edeb ayey yeelaneysaa oo marabto takaaliiftaas, sheydaanna kuguma dhiiri gelin doono in aad dembigaas gasho ileen wuxuu ogaanayaa in mar walboo aad dembigaas gasho in aad Ilaahey usii dhawaaneyso. –Nasri Juka
Telegram Center
Telegram Center
Channel