Awoodda la siiyay Yaxye ma ahayn mid jidheed, balse waxa ay ahayd mid qalbi iyo mid aamminaadeed ee adiguna sidiisa oo kale, kitaabka ku hano awood. Ahow qof ku dheggan iimaankiisa iyo amminaadiisa, dadka oo dhami haba dheelliyaane. Dadku marka ay dhabarka wada jeediyaan, ha noqo dameeri dhaanraacday ee ku dheg mabda'aaga. Adiga oo keliya aya khasaaraya marka uu safarku kaa tago.
Mataqaan marka erayada garsooruhu ay ka culus yihiin xukunka qisaasta?
Garsoore masri ah ayaa ku xukumay Qisaas wiil dhallinyaro ah oo hooyadii dilay, kadibna wuxuu u jeediyay erayo ka culus xukunka laftiisa. Wuxuu ku yidhi " wakhtigaagu wuu yimid si lagugu fuliyo Qisaasta ,iyada oo aanay maxkamaddu kuu naxariisanayn ama kuu raxmaysanayn. Adiguna umaad naxariisan tan Uurkeedu kuu ahaa Hoy , naaskeeduna kuu ahaa Il_biyood ,laabteeduna kuu ahayd sariir iyo dabool. Ha weydiisan maxkamada naxariis waayo uma qalantid.
FG:Unaxariista waalidka si Alle iyo umadiisuba idiinku naxariistaan dhallinyaro .