View in Telegram
Waxaan daba_galay kiis weyn oo ceeb ah oo ka dhacay Norway, kaas oo ku saabsan kufsiga dhakhtar dumar ah oo kufsaday boqolaal haween ah, oo ay ku jiraan dhallinyaro qaan gaarka u soo dhaw, intii lagu guda jiray baaritaanno caafimaad oo caadi ah. Sida laga soo xigtay warbaahinta Norway, dhakhtarku wuxuu ka faa'iideysanayay xaaladda bukaannada isagoo feydaayo jirka haweenka wuuna u daliigaayay, wuxuuna ku andacoonayay in baaritaanno loo baahan yahay in la sameeyo meelo xasaasi ah. Wuxuu isticmaalaayay qalab si uu u kiciyo haweenka ka dibna uu u kufsado, wuxuuna sawiray qaar ka mid ah dhacdooyinka iyada oo aan oggolaansho laga helin haweeneyda. Kiisaska qaarkood, wuxuu ka dalbaday haweeneyda in lagu samayso baaritaan ku saabsan xubinta taranka lagana sawiro gudaha, waxayna hawshu ku dhammaatay galmo buuxda, iyadoo saas tahay haweeneydu waxay sii waday xiriirka dhakhtarka. Faahfaahinta kiisaska kale waa mid murugo leh oo ceeb leh, mana ahan wax si faahfaahsan looga hadli karo. Musiibadaan ayaa la shaaciyay laba sano ka hor, baaritaannada ayaa bilaabmay, laakiin maxkamadda Norway ayaa bilaabay in la maxkamadeeyo dhakhtarka todobaadkii la soo dhaafay, waxaana loo haystaa eedeymo kufsi 87 haween ah oo keliya, iyadoo tirada guud ee kiisaska kala duwan ay tahay 200. Eedeymaha waxaa lagu sheegay in xeer ilaalintu rabto inay ka fogaato isku dhufashada maxkamadda si weyn. Wakiilada xeer ilaalinta ayaa sheegay: in dhammaan kiisaska kufsiga ay la xiriiraan in haweenka lagu rido xaalad daciifnimo, taasoo aanay awoodin inay naftooda difaacaan. Dhakhtarku (oo lumiyay rukhsaddiisa caafimaad) wuxuu qiray saddex kiis oo kufsi ah oo uu ku sameeyay galmo qasab ah iyo laba kiis oo uu isticmaalay qalab u eg shiir baabi'iye si uu u kufsado haweenka. Wuxuu sidoo kale qiray inuu ka faa'iidaystay jagadiisa si uu u gaaro 35 haween kale muddo 18 sano ah. #Xigasho waxaan turjumada soomaliga aheyn https://www.dagbladet.no/nyheter/tar-krisegrep-etter-historisk-tiltale/81958849
Telegram Center
Telegram Center
Channel