"المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده" Muslimka dhabta ah waa kan dadka kale ee Muslimiinta ah ka nabadgala carabkiisa iyo gacantiisa.
Xadiiskan wuxuu si cad u sheegayaa in Muslimka wanaagsan uu yahay kan aan dadka kale dhibin, ha ahaato carrabkiisa (hadalkiisa) ama gacantiisa (ficilkiisa).
Ma ogtahay haddii aad 100 qudhaanjada madow ah iyo 100 qudhaanjada cas ah aad geliso weel, in aysan waxba dhexdooda ka dhacayn oo ay heshiish kuwada joogayaan? Laakiin haddii aad si xoog ah u ruxdo weelka, qudhaanjadani waxay bilaabayaan inay is-dilaan. Qudhaanjada-casi waxa ay qudhaanjada-madow u aqoonsanaysaa inay cadaw ku tahay, halka qudhaanjada madowguna ay ta cas u qaadanayso mid cadaw ku ah. Balse cadawga dhabta ahi waa qofka ruxaya weelka. Isla sidaas oo kale ayaa in badan ku dhacda bulshada aaddamaha. Ka hor intaan midiba midkeenna kale weerarin, aynu arrimaha dhexda inoo ah sal iyo baar u baadhno inay bal yihiin kuwa ka unkamay dhexdeena, iyo inay yihiin kuwa la inoo soo waariday.