Xadiithka: N°24
Reebidda Dulmiga
Waxaa laga weriyey Abuu-Dar Al-Gafaari (RC) inuu yiri:
Nebigu (SCW) wuxuu ka weriyey Rabbigiisa oo yiri:
> "Addoomahaygiiyow, anigu naftayda dulmiga waan ka xaaraantimeeyey, idinkana dhexdiinna waan ka xaaraantimeeyey; sidaas darteed ha is-dulminina.
Addoomahaygiiyow, dhammaantiin waxaad tihiin kuwo baadi ah, qofkii aan hanuuniyo mooyaane, ee hanuun iga doonta, anna waan idin hanuuniye.
Addoomahaygiiyow, dhammaantiin waxaad tihiin kuwo baahan, ee quud iga doonta, anna waan idin quudiye.
Addoomahaygiiyow, dhammaantiin waxaad tihiin kuwo arradan (qaawan), ee hu’ iga doonta, anna waan idin arrad tiree.
Addoomahaygiiyow, habeen iyo dharaarba waad gefeysaan, aniguna dhammaan dembiyada waan cafiya, ee dembidhaaf iga dalba, anna waan idiin cafiyee.
Addoomahaygiiyow, haddaad i dhibtaan, wax i dhibi kartaan ma tihiin, haddaad ii taraanna, wax ii tari kartaan ma tihiin.
Addoomahaygiiyow, haddii dadkii hore iyo kuwii dambe, Insi iyo Jinni dhammaantood ay la mid noqdaan qofka ugu cibaado badan, waxba ma kordhin kartaan xoolahayga.
Addoomahaygiiyow, haddii dadkii hore iyo kuwii dambe, Insi iyo Jinni dhammaantood ay la mid noqdaan qofka ugu caasinnimada badan, waxba ma dhimi kartaan xoolahayga.
Addoomahaygiiyow, haddii dadkii hore iyo kuwii dambe, Insi iyo Jinni, dhammaantood ay hal meel isugu yimaadaan oo ay iga wada dalbadaan wixii ay rabaan, oon qof walba siiyo waxa uu doonayo, waxba ma dhimayaan hantidayda, waxaan ka ahayn sida irbad badda lagu geliyey oo biyaha ka soo baxaan.
Addoomahaygiiyow, waa camalkiinnii oon idiin keydiyey, si waafiyana waan idiinka abaalmarinayaa. Marka ninkii kheyr la kulma ha u mahadnaqo Allaah, kii shar la kulmana naftiisa ha canaanto."
(Muslim)
---
FAA’IIDOOYINKA XADIISKA
✅ Dulmigu waa xaaraan.
✅ Waa in hanuunka iyo kheyrka laga warsadaa Allaah kaliya.
✅ Khalqigu Allaah wax dhib ah ma gaarsiin karo mana dheefin karo.
✅ Qof walba wuxuu helayaa wixii uu fashay.
✅ Muslimku waa inuu Allaah ka baryaa hanuun, kheyr, iyo dembi dhaaf.
✅ Waa muhiim in Allaah loogu mahadceliyo nicmooyinka badan ee aan la soo koobi karin.