Caawa waxaa billanaysa bisha barakeysan ee Carafo. Tobanka maalmood ee bishan ugu horreysa waxa ay leedahay barako iyo fadli gaar ah. Nabigeenna ﷺ waxa uu soomi jiray maalmaha hore ee bishaan Carrafo, waxa uuna noo sheegay in aysan jirin maalmo ka khayr badan, sidaas darteed aan uga faa'iideysanno Quraan-akhris, duco, wardi, sadaqo, iyo in aan soonno sagaalka maalmood ee bishan ugu horreysa, oo berri ka billaabanaysa haddu alle idmo.