Sanadkii hore wuu naga tagay, waana mid ka mid ah dhacdooyinka cimrigeenna. Waxaa muhiim ah in lagu kala saaro qofkii ka faa’iidaystay sannadkaas iyo qofkii aan ka faa’iidaysan. Haddii aad sannadkii hore ka faa’iidaystay, muhiim ma aha inaad ku faanto oo keliya, balse waa inaad Alle u mahadnaqdo, maadaama uu kaa caawiyay inaad qorshayaashaadii hirgeliso oo uu cimrigaaga kuu gaarsiiyay sannadkan cusub.
Haddaba, sannadkan cusub waxaa habboon in lagu bilaabo khayr, cibaado, rajo, hami, iyo qorshe cad oo noloshaada ku hagaya. Waa in aad ogaataa in sannad kastoo cusub uu cimrigaaga ku soo kordhiyo da’, balse sidoo kale uu yareeyo waqtiga aad nolosha haysato, maadaama uu cimrigaagu ku socdo go’aan iyo xad uu Alle hore ugu talagalay.
Haddii sannadkii hore aadan wax badan ku qaban, ha niyad jabin, balse sannadkan cusub u soo dhowow niyad wanaagsan iyo Alle ka cabsi. Sannadkan waxaa muhiim ah in aad ka dhigto mid aad ku sagootiso khayr iyo mid aad ku bilaabato ficillo wanaagsan, si uu Alle kuu barakeeyo waqtigaaga iyo noloshaada.
Haddaba, sannad walba waxaa ugu muhiimsan in aynu ka faa’iidaysanno waqtigeenna, una diyaar garowno nolosha adduun iyo tan aakhiroba. Rabbiyow nagu astee sannad barwaaqo leh, niyad wanaagsan, iyo camal suuban.
#Ilaahayow, sanadka cusub nooga dhig mid khayr iyo barako leh. Na sii caafimaad, cimri barako leh, iyo rajo wanaagsan. Nagu caawi inaan ka faa'iidaysanno waqtigeenna, oo aan camal suuban ku sagootinno sannadka. Ilaahayow, na siiya qalbi Alle ka cabsi leh, risiq xalaal ah, iyo dadaal aan ku gaarno guusha adduun iyo tan aakhiro. Wixii dhib ah naga fogee, wixii wanaagsan na waafaji, anaga iyo dhammaan ehelkeenna. Aamiin#
Qora Nacima Yasin✍