View in Telegram
Waxa aannu nahay somaali,waxa macquula in aannad garannayn somaali waxa laga wado!, waa qoomiyad kamida kuwa wayne ku abuurray qaaradda madaw,waxa aannu nahay qoomiyad aan waxba ka qabsan adduunka,waxa ugu wayn ee aannu ku faani karno waa qabkayaga aannu aaminsan nahay in aannu nahay ummad illaahay doortay oo kawada sarraysa dhiggeed,qabkaasi waxba noogama jarin adduunka marka laga tago muranka,faanka beenta ah,musuqmaasuqa,xasadka iyo is nacaybka dhaxdayyada yaal. Dhiig daadintu waxba nalama aha,haddii aannaan is dulmin ma nafisno,haddii aannan is caayin isma fahanno,waxa aannu dhaqan u leenahay eexda iyo nin jeclaysiga. waxa aannu nahay ummada kaliya ee xaaska iyo ninkeedu ay yihiin cadaawe wada nool,cayna isu hurgufaan haday is arkaanba,kaayaga u dhimirsan ooridiisu waa ka noogu doqonsan xagayaga,haweenayda u jajaban odaygeedu waa ta noogu habacyasan(maraansan)ka haween somaali ahaan. Manaqaan saaxiib macnihiisa,waanu khiyaanaa,hiifnaa oo caynaa marka uu naga tago,marka uu nalla joogana xumaantiisa ayaannu wanaag ugu sawirnaa oo qaladkiisa ma saxno, oo waaban ku dhiirinaa in uu sii wado, waxa aannu ummad islaam ah caqiido ahaan, waliba waxa aannu nahay mid kamida qoomiyaddaha islaamku badhax-tiray, oo wada islaam ah, haddana waxba badan noloshayda saamayn kuma leh,hab dhaqan kayga nololleed waxaad mooddaa in laga dhex siibay diinta hanuunka,naxariista,jacayka,isu dhuldhiga,ixtiraamka iyo wannaag oo dhan asal u ah., diinta macaan ee aannu haysano nagama qabato xumaanta,xanta,xatooyada,xaq-duudsiga,isxaqiraadda,isu xoogsheegashada iyo xushmayn la'aanta dhexdayada yaal,waxa aannu u dhaqanaa siddii umad cawaan ah,. Waxa aannu haysanaa diin aannan caqiido u aamimsannayn se marka aad dhab u eegto u eeg mid caqiido!, waa qabyaallada, waa mida sida dhabta ah noloshayada u taabata ee wax badan ka jaangoysa nolosha dadkayga., oo sidee?. Kaayaga shaqo hellaa waxa uu ku hellaa qabyaalad, kaayaga madaxnimo doonnaa waxa uu ku doonnaa qabyaalad,kaayaga wax qatala(dillaa) ee qudh dhan jaraa waxa uu ku badbaadaa qabiil iyo qabyaalad. kaayaga guurdoonnaa waxa uu ku guursadaa qabyaalad iyo reer jeclaysi inka badan jacaylka iyo ruux xulasho.,kaayaga cid nacaa waxa uu ku nacaa qabyaalad inka badan inta uu ku naco illaahay dartii, kaayaga wax bixiyaa waxa uu siyaa ka ku qabiilka ah inka badan inta uu ku bixin lahaa waddadii lana faray(masaakinta) ,munaafaqad heerka aannu ka gaadhnay qabyaalada sidaa u jaangoysa noloshayadada Afka ayaanu ka dhawrnaa oo waannu dhibsanaa ku dhawaaqiddeeda,.Waa aannu madaw nahay muqaal ahaan,se dadka waxa aannu ugu necebnahay darka aannu dul wadaagga nahay, waa kuwa madaw ee afrikaanka ah sidayada,waxa aannu nahay cunsuriyiin aan lagu dhexnoolaan karin,.qaar naga mid ahi waxa ay u adkaysan waayeen dhaqanbadan kakan ee aannu jaalka la nahay,waxa ay ka yaaceen dalkoodii hooyo, waxa ay magan galleen oo martiyeen waddamo shisheeye,intoodda badanni waxa ay ku baxeen waddo lamaro mida ugu cabsida badan, doon la-mood bac kasamaysan bay habeen madow bad wayn ku hayaameen oo nafahooda ku qasbeen, si ay uga baxaan xaalladan ay kala kulmeen dhulkoodii iyo dhaqankii awoowyaashood, kadib markay xamili waayeen xaalladan badh-cawaanka ah ee dadkayagu ku noolyihiin,waxa ay la dhaqmeen,wax la barteen,la shaqaysteen ummaddihii ay martiyeen,taasi waxba kama ay badalin habdhaqankoodii habar dugaag ka xishoonnayay,oo intaa waxa ay baraha bulshada la fadhiyaan,af-xumadii,kala dilkii,isu dirkii iyo isu soofayntii reerrihii ku noollaa halkii ay ku noolaan kari waayeem ee ay ka baxeen habeenka madaw. Waxba yaannan hadalka kugu sii waddine waxa aaannu nahay somaali... haa! SOMAALI! c.c.c hiigsaawi
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily