Dadku hakuu sinaadaan.
Qabiil kasta waa inaad la noolaan kartaa,qabiil kasta oo inaad dad ka taqaano,qabiil kasta waa inaad wax la qaybsan karto,qabiil kasta waa inaad jeclaato,qabiil kasta waa inaad soo dhawayn ka heli karto. Ma jirto sabab aad qabiil ku jeclaato qabillna aad ku colaadiso,dhammaan qabaa'iladu -ankee kan aad ka dhalatay- way siman yihiin oo ma jiro qabiil mid kale ka sarreeya. Haddii aad qabiilkaaga jeceshahay ma ahan qabiilada kale inaad colaadiso adigoo reerkaaga jecel ayaad qabiilada kalena jeclaan kartaa. Muhiimada qabiilada Rabbi-kor ahaaye- uu inoogu qaybiyay waa inaan isku aqoonsano uun. Wa billaahi towfiiq.
Ahmed Qasaali