View in Telegram
Loolanka xaqqa iyo baadilka. _________ Reer galbeedka iyo Yuhuudu waxay ka takhaluseen dalalka: Ciraaq,Yaman,Siiriya iyo falastiin. Tookadaana waxay usoo jeesteen dalalka: Lubnaan iyo Iiraan,dhammaan waddamadii kale ee Muslimiinta-carab iyo cajab- waxay ka yihiin daawadayaal waxayna sugayaan qolada libinta haleesha,dawladaha muslimiintu wax gargaar ah ma fidin karaan oo mid kasta dantiisa ayuu eeganayaa,cashabka muslimiintu haba yaraatee wax awood ah malahan keliya waxay awoodaan inay banaanbax sameeyaan (waa haddii dawladoodu u ogolaatee) banaan baxaasna wax saamayn ah kuma lahan saaxada dagaalka. Yuhuudda iyo xulafada reer galbeedku ma doonayaan dawlad muslim ah inay dunidaan guudkeena kaga tagaan -balse Allah ayaa xaqqa dhawra-,waxaanu arki doonaa haddii aynu nolol ku gaarno ama jiilka naga danbeeya arki doonaan dhammaan dawladaha muslimiinta oo wada burbursan xitaa dalka Turkiga oo lagu tiriyo caalamka islaamka dalka ugu awooda badan. Lubnaan iyo Iiraan markii laga soo jeesto waxaa ku xigi doona waddamada: Joordan,Masar,Imaaraat,Sucuudi Arabia, Qadar iyo dowlad kasta oo madaxa kor usoo qaada,markaas ka dib ayuu gargaarka Rabbi imaan doonaa-insha Allah. Ka Mislimiin ahaan waxaynu aaminsanahay mar kasta oo xaqqa iyo baadilku ay loolamaan in ciribta danbe uu xaqqu yeelan doono,baadilku uu hoos noqon doono xaaquna mar kasta sarrayn doono,kama quusano naxariisna Alle (SWT) xitaa 1000(kun) sanno haddii dagaal,burbur iyo qaxar aynu ku jirno waa inaan samirkeeda lahaanaa mar walbana aynu ahaano kuwa balanqaadka Rabbi (gargaarkiisa) suga. Ahmed Qasaali
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily