View in Telegram
Barnaamijka (QORMO) Qormada:- 30 aad. Talo hooyonimo. Hooyo iyo wiilkeedii ayaa mar soo wada maray dhisme markaasay hooyadii damacday inay cashar yar ka siiso arrinkaas hooyadii ayaa hadalka sidan ku bilowday "Hooyo halkaas maxa kaaga muuqda ?" Wiilki:-" Ma guriga?" Hooyadi:- Si fiican ufiiri hooyo Wiilki:- hooyo dhisme dunsan oo geedo ka dhax baxeen ayaan arkaa. Hooyadiii:- "hooyo wiilkaygiiyow waxa halkaas yaal waa rag hamigood qofkii gurigan lahaa waqti ayuu ku riyoonayey inuu dhismahan taago, Wuxu tilmaansaday meeshii uu ka dhisi lahaa, wuxuu doonay hantidii, qalabkii, iyo shaqaalihiii suuragalin lahaa dhismaha. Hadana wakaas ka tagay. Waxaa u sawirnaa gurigaas oo dhamaystiran oo isaga iyo reerkiisii iyo asxaaptiisii ay ku raaxaysanayaan, umana suuragalin, inaanu waligiis ku soo noqona way ubadantahay. Hadaba adkaysi yeelo oo shey hadaad bilowday ku adkayso dhamaystirkiisa. Wiilkaygiiyow noloshu waxay u baahantahay dhabar adayg iyo hadaf inaad ka yeelato. hadii hadaf aad yeelan waydo waad marin haababi doontaa. wiilkaygiiyow noqo nin tashankara oo hal adayg leh masuulna ah. Wiilkaygiiyow waaya aragnimadu waa khibrad nolosha laga helo caqliguna hadba wuxuu koraa intuu wacyigaagu koray ee dhis caqligaaga oo noqo mid waaqica la falgali kara. Wiilkaygiiyow noqo mid dadka aan yasin oo udhibri dadka taagta daran, una naxariiso kuwa bahaan sidoo kalena noqo mid bashaasha oo dhoolacadaynta laga dheehdo wajigiisa qarabadana xaqooda iyo mudnaantooda u gud oo dhawr..." W/Q: Hamdaorah
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily