View in Telegram
Jahligu waa cadaw kan ugu wayn ee bulsho leedahay. Qofku waxa uu aqoondarro ugu dhaco ayaa ka xun, wax walba oo uu isagu gacantiisa ku doonto si kasta oo ay saamayn adag u leedahay. Jahligu kaliya maaha kan cilmiga maaddiga ama diiniga aadan aqoon u lahayn, balse dhan walba oo nolosha ah ayuu gali karaa. Qof wax yaqaan oo mutacallim sheeganaya ayaa gali kara khaladaad waawayn oo naftiisa ama nafta cidda ku xariirtaba wax yeelaya. Waxa aad arkaysaa dad waawayn oo aan waligood wax baran, haddana wacyigoodu sida uu u korran yahay aad ka yaabayso, dhinaca kalana waxaa jira kuwo wax bartay oo wacyiga eber ka ah, garaadna haba sheegin. Turkidu waxa ay dhahdaa qofkaas Okumuş cahil. Waa qof shahaadooyin wata oo aqoon sheeganaya, waxse aan aqoon oo nolosha caadiga ah waxba yahay ku ah. Waxa aan idinkaga digayaa in aad noqotaan jaahillo shahaadooyin wata. Naftiinna jaanis u siiya in ay wax badan is waydiiso. İn aadan is moodin qof wax yaqaan ee aad meel walba cilmiga ka doonto. Cilmi waxaa u wanaagsan kan damiirkaaga iyo dadnimadaada koriya, wixii kasoo hara shahaadooyin lagu shaqo tago weeye. Cilmi kasta noqo qof wax uga bilaaban yihiin. Dhaqanka bulshadaadana aad u baro, u fiirsiga aad u fiirsato oo kaliya ayaad ka baranaysaa kumanaan cashar oo aan jaamacad iyo iskuul toonna lagu baran.
Telegram Center
Telegram Center
Channel