View in Telegram
Xikmado️
💎
9-Qodob Oo Kugu Khasbaya In Akhrinta Buugtu Ka Mid Ahaadaan Noloshaada. 1. Iba furka Waddo Aqooneed: Buugaagtu waxay bixiyaan aqoon ballaadhan oo ku saabsan mowduucyo kala duwan. Waxaad si qoto dheer ugu baran kartaa taariikhda, sayniska, falsafadda, ama hiwaayado kale oocusub. 2. Eray bixintaada Oo Korodha: Akhrinta joogtada ahi waxay kaa saacidaysaa ereyo badan oo cusub, taasoo hagaajinaysa fahamkaaga iyo xirfadahaaga isgaadhsiineed. 3. Xusuustaada oo Xoogaysata: Daraasado badan ayaa muujinaya in akhrinta buugtu ay xoojin karto xusuustaada iyo shaqada maskaxdaadaba, taas oo kaa caawinaysa inaad maskax ahaan firfircoonaato. 4. Yareynta Walbahaarka: Buug wanaagsan oo aad ku nasato ayaa kaa caawin kartaa in maskaxdaadu ka nasato oo aad joojiso walwalka maalinlaha ah. 5. Hal-abuurnimadaada oo Korodha: Akhrintu waxay maskaxdaada soo galinaysaa fikrado cusub oo dhallin kara hal-abuur iyo xalinta dhibaatooyinka kugu hareeraysnaa. 6. Xirfadaada Qoraal oo Fiicnaata: la falgalka qoraal wanaagsani wuxuu kaa caawinayaa in qaab qoraalkaagu uu fiicnaado. 7. Hurdadaada oo Fiicnaata: Buug akhrintu intaanad seexan waxay kaa caawin kartaa inaad si fiican u nasato, taas oo hagaajinaysa tayada hurdadaada. 8. Xirfaddaada Falanqaynta oo Korodha: Akhrinta sheekooyinka xiisaha leh waxay kaa caawin karaan inaad falanqayso iyo inaad faahfaahin ka bixin karto fikradaha ka dhalan kara shayga aad akhriday. 9. Maskaxdaada oo aanu gabowgu ku soo deg-degin: Akhrinta joogtada ahi waxay kaa caawinaysaa in ay maskaxdaadu caafimaad qabto oo ay firfircoonaato, taasoo yareyn karta astaamaha cudurada la xidhiidha maskaxda, ee yimaada marka la waynaado. Akhrinta buugta ku dar nolol maalmeedkaaga si aad u hesho faa’iidooyinkan cajiibka ah!
📖
✨
~Turjumid. Sultan Sitiin.
Share
Telegram Center
Channel
Join