View in Telegram
Xikmado๏ธ
๐
Dhulalkii Ilbaxnimada Ee Mesopotamia, Dooxada Indus iyo Boqortooyadii Rooma. ๐. ๐๐๐ฌ๐จ๐ฉ๐จ๐ญ๐๐ฆ๐ข๐ --- ๐๐ซ๐๐ช Mesopotamia, oo loo yaqaanay "Cradle Civilization," waxay ku taalay dhulkii u dhexeeyay webiyada Tigris iyo Euphrates, oo hadda ah dalka Ciraaq. Waxay hoy u ahayd qaar ka mid ah xaddaaradihii ugu horreeyay ee biniโaadamka, sida Sumerians, Akkadians, Babylonians iyo Assyrians. Gobolkani wuxuu ahaa mid lagu yaqaanay horumarinta qoraalka, magaaleynta, iyo bulshooyin isku dhaf ah. Waqti ka dib, dhulkani wuxuu ka mid noqday boqortooyin kale sida Boqortooyadii Persia. Magaca "Ciraaq" wuxuu soo bilaabmay in la isticmaalo qarnigii 6aad intii lagu jiray Boqortooyadii Sassanid, waxaana loo aqoonsaday magac rasmiga ah ka dib markii ay burburtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee qarnigii 20aad. ๐. ๐๐ง๐๐ฎ๐ฌ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐ฒ --- ๐๐๐ค๐ข๐ฌ๐ญ๐๐ง. Ilbaxnimadii Dooxada Indus waxay ahayd mid ka mid ah dhaqamadii iyo magaalooyinkii ugu horreeyay ee adduunka, waxayna jirtay qiyaastii intii u dhaxaysay 2600-1900 BCE, halkaas oo hadda ah Pakistan iyo waqooyi-galbeed Hindiya. Magaalooyinkoodii waaweynaa sida Mohenjo-Daro iyo Harappa waxay caan ku ahaayeen qoraalka, dhismaha, iyo ururro bulsho oo ka jiray. Markii ay hoos u dhacday ilbaxnimadii Dooxada Indus, gobolka waxaa soo maray boqortooyin iyo duulaanno kala duwan, oo ay ku jiraan Boqortooyadii Maurya iyo Gupta. Sannadkii 1947, ka dib markii uu dhammaaday xukunkii Ingiriiska ee Hindiya, goobtani wxay u noqotay dawladda madaxa bannaan ee Pakistan. ๐. ๐๐ฆ๐๐ข๐ซ๐๐๐จ๐จ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ข๐ข ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐ง๐ข๐ฒ๐ --- ๐๐ญ๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐. Boqortooyadii Rooma oo xilligii ay ugu xoogga badnayd ahayd sannadkii 117 AD, taas oo ku fiday qaybo badan oo ka mid ah Yurub, Waqooyiga Afrika, iyo Bariga Dhexe. Waxay ahayd mid ka midda boqortooyadii ugu awoodda badnayd ee taariikhda soo mara. Magaalada Rooma waxay ahayd wadnaha boqortooyadan, taas oo ka tagtay dhaxal waara oo ah dhinaca qaannuunka, dowladnimada, dhismaha, iyo luuqaddahaba. Ka dib markii ay burburtay Boqortooyadii Rooma ee galbeed sannadkii 476 AD, ilbaxnimadan ayaa u kala go'day boqortooyooyin iyo dawladdo yar-yar oo kala duwan. Qarankan casriga ah ee Talyaaniga ayaa tirsada dhaqan fog iyo ilbaxnimo qadiimi ah, oo si qoto dheer ula xidhiidha Roomaanka. ~Turjumid. ~Sultan Sitiin~
Share
Telegram Center
Channel
Join