View in Telegram
Labadan tusaale ee aayadahan ku xusani waxa ay ka warramayaan nimankii Munaafiqiinta ahaa. Waa tusaale DAB iyo tusaale BIYOOD. TUSAALAHA DABKA: Waxa lagu tusaaleeyey sidii qof dab shitay, kaddibna aaggii uu joogay oo dhan iftiinki isqabsaday, dabadeed hal mar uun uu ka damay oo mugdi ka gacan haadiyey, qofkaasi waa uu ka daran yahay oo ka duruuf adag yahay qofkii markii horeba mugdiga dhex taagnaa. Bal suuradayso adoo qol ku jira oo uuu iftiin kuu baxayo in hal mar uu nalki kaa damo! Indhaha haddii faraa lagaa gelinayo arki maysid. Haddaba nimanka munaafiqiinta ahi iftiinkii Islaamka iyo Iimaanka ayaa qalbigooda galay, kaddibna si kedis ah ayaa uu uga siibtay oo waxa ay la noolyihiin nabarradii iyo dhibtii kasoo gaadhay ilays la’aan. TUSAALAHA BIYAHA: Kan labaadina waa sidii qof uu roob helay, kaas oo onkod, hillaac iyo danab (biriq) ba wata, afarta bayna jiho hillaacu isaga jiibinayo, waa xilli habeen ah oo dhan loo socdo iyo dhan laga socdo la kala garanmaayo, xiddigihii jihada lagu garan jirayna daruuro ayaa ku daahan. Ninkaasi marka uu hillaacu bilig dhehoba waa uu dhaqaaqayaa, kolka uu gamaarona waa uu istaagayaa, waxa uu ku noolyahay bigwacdaa yar ee mar uun u bidhqaysa. Hillaacaasi waxaad moodi in uu labada indhoodba ka tuurayo; sida uu u indhodaraandarinayo. Intaa waxa u dheer dhawaqa onkodka iyo cabsida uu ka qabo in uu mar uun danab ku habsado oo uu dhusinka xuliyo.
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Find friends or serious relationships easily