01-Haku kadsoomin ama haku sirmin booska aad joogto wanaaggiisa, ma jiro meel ka wacan oo ka wanaagsan Jannada, halkaas oo Jannaada ah ayuu Nabi Aadam Calayhi Salaam kula kulmay wixii ku sababay in Jannaada laga soo saaro.
02-Haku kadsoomin Cibaado farabadan, sababtoo ah Ibliis ma jirin wax ka cibaado badan, muxuuse ku dambeeyay?!! in laga fogeeyo naxariista Allaah.
03-Haku kadsoomin Cilmi farabadan, sababta oo ah ninkii la oran jiray "Balcaam Ibnu Baacuuraa" wuxuu ahaa nin aad u cilmi badan sidoo kale wuxuu yaqaannay magaca Allaah ee haddii Alle lagu baryo ducada la aqbalo, kadib tolkiisa ayaa ku yiri: waxaan kaa dooneeynaa in aad habaarto Nabi Muuse Calayhi Salaam, kadibna carrabka ayaa ka soo dhacay.
04-Haku kadsoomin la kulanka Saalixiinta iyo aragtidooda, sababta oo ah ma jiro qof ka wanaagsan Nabigeenna Muxammed Sallallaahu Calayhi Wasallam sidaas ay tahay waxaa jiray kumannaan la kulantay Nabiga oo haddane aanan rumeeynin, gaalnimana ku dhintay.
Hadalkaan waxaa qoray:
Al-Imaam Ibnul Qayim.
Kitaabkiisa Madaarij Al-saalikiin.