Смотреть в Telegram
Laba nin oo indhoolayaal ah ayaa maalin kaste fariisan jiray Waddo eey mari jirtay xaaska boqrokii xakumayay waddanka eey ku noolaayeen. Labada nin mid wuxuu ku celcelin jiray "Ilaaheeyoow Fadligaada naga deeq", kan labaadna wuxuu ku celcelin jiray "Ilaaheeyoow Fadliga Xaaska boqorka naga deeq", Micnaha mid wuxuu leeyahay  Ilaaheeyow Keeydkaada Arsaaqadda naga sii, midka kalana wuxuu leeyahay Ilaaheeyoow Keeydka Xaaska Boqorka Arsaaqad nagasii, Si kale haddaan u dhigo ninkaan dambe halka uu Arsaaqadda ka rabo ayaa ah Keeydka Xaaska Boqorka. Xaaska boqorka weey la socotaa xaaladda indhoolayaasha, Ninkii Keeydka Allaah wax ka sugayay ayeey maalin kaste 2 Dirham usoo dhiibtaa, Ninkii keeydkeeda wax ka sugayay waxeey usoo dhiibtaa Xabbad Digaag ah oo bisil oo dhexda loogasoo qariyay 10 dirham. Ninkii Fadliga ilaaheey wax ka sugayay goobta wuu isaga tagay, waxaana soo haray ninkii Fadliga Xaaska boqorka wax ka sugayay, muddo 10 cesho ah kabacdi ayeey kusoo baxday, waxeey ku tiri "Ninyahow muddo 10 maalmood ah ayaan kuusoo dhiibayay Hal Digaag ah oo bisil oo dhexda loogasoo qariyay 10 Dirham, isku geeynta lacagta waa 100 Dirham waana lacag badan oo lagu taajiro ee maxaa kugu dhacay. Asagoo yaabban ayuu ku jawaabay "Digaaggii karsanaa maalin kaste waxaan 2 Dirham uga iibsan jiray Saaxiibkeeygii indhoolaha ahaa". Iyadoo dhoola caddeeyneeyso ayeey ku tiri "Fadligeenna ayaad wax ku raadisay ilaaheey ayaa Arsaaqaddiisa kaa xarrimay, isagana Fadliga ilaaheey ayuu wax ku raadiyay ilaaheey ayaa Deeqay". Subscribe || Ogaal-Bulsho
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств