Смотреть в Telegram
📚
𝗫𝗔𝗦𝗜𝗟𝗢𝗢𝗡𝗜
✍️
Forwarded from
𝗭𝗮𝗸𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱
📚
✍️
Wax-yaabo muhiim u ah wada hadalka dadka;
✅
Inta aanad odhanin cagliga mari. Caadifad hadalku wuxuu tuuraa miisaanaan u hadalka gofka.
✅
Baro dhagaysiga, isku day in aanad hadlin ilaa qofka kale hadalka dhamaynayo. [Waa xirfad la barto].
✅
Been haka sheegin naftaada, wax qabadyadaada, guulahaaga iyo inta aad qaybta u heshay inta aad sheekaynayso. [ Wax aanad ahayn ma nogon doontid ].
✅
Dadka kale nafahooda been haka abuurin, ceebahoodana sheeko haka dhigin sheekada dhexdeeda.
✅
Iska jir in aad dadka isku dirto, dadka aad caydo, wixii laguu sheegana ha sheegin. [Qasnad noqo
✅
Wanaaji hadaladaada mahadnaq, nadiifnimana muuji.
✅
Qiso aad maqashay hadii mar labaad laguu sheego ha odhanin waan maqlay hana dhamayne sug inta laguu dhamaynayo.[ waa xirfad cajiiba cidii leh waan hambalyaynayaa ].
✅
Afkaarta dadka kale ha yaraysanin hana hoosaysiinin ee gadari duwanaanta dadka.
✅
Haysu arkin kaligii saxane ama kaligeed saxan, ee dadka kale wax u ogoloow.
✅
Wixii quseeya dadka arimahooda khaaska si ah, ha qodqodin ilaa ay iyagu doortaan inay kula wadaagaan.
✅
Ka fogaada muranka laakiin badalkeeda wada hadla, wada sheekaysta oo wax is waydaarsada. [ discuss].
✅
Mobile ka ha isticmaalin, foorari khadkana xidh hadii laguu yimaado, lagu horfadhiyo ama lagula hadlayo iyana waa ixtiraam darro.
✅
Qofka oo sheeko kuu wada ha macasalaamaynin ee dhagayso inta uu dhamaystirayo kadib faallo ka bixi una sheeg in aad doonayso in aad tagto ama aad doonayso in aad seexato intaadabadeed.
✅
Wakhtiga lagu siiyana ixtiraam si ka aad bixisaa micno u yeesho.
Поделиться
Love Center
Бот для знакомств
Запустить