"وسوف تسأل عما قريب".
Tan waynu katagi oo wallaahiya ina aadanow waxba ha is waynayn, ha is kibrinin, hana kufaanin magac oday aadan ogayn inuu sax yahay iyo in kale.
Waad ka socon tan waadna ka haajiri, sahay waxaa kuu noqon camal kaaga iyo waxaad galabsatay,
Waad ka tagi waxaa dhar kuu noqon mara cad, lugaha iyo madaxana xargaa lagaaga xidhi,
God yar baad gali meel iil ladhahana waa lagu sii xuluulin.
Dhaxuun baa ood afo lagaaga dhigi.
Ciid baan lagugu hab siin.
Waana lagu waydiin 3 waydiimood.
Aabe hooyo walaal iyo qabiilka aad kufaanayso oo xittaa adduunka aan waxba kuugu tarin ayaana halkaas waxba kaaga qabanaynin.
Allaha caadilka ah een aqoonin gabood falka iyo gar darrada ayaa lagu horgayn, waana lagu su'aali sababtii aad dadka u yastay adigoo calooshaada qudhun iyo ur ka buuxo.
Allow ugargaar umadaada awood malihiyeh🥺 rabbiyow.🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲