Смотреть в Telegram
“Sannadka soo socda haddii aan gaadho –inshaa Allaah– maalinta Sagaaloodkana waa aan soomi doonaa”. (₁) Sannad cusub ayaa aynu galnay, waa hubaal oo waxa aad leedahay hadaf iyo yoolal aad rabto in aad sannadkan xaqiijiso, Alle ha kuu rumeeyo wixii wanaagsan. Yoolasha aad leedahay waa in aanay ku koobnaan adduunyadan kooban ee ninba maalin ka hulleelaayo. Waa in aad lahaataa yoolal aakhiradaada ku jihaysan. Nebi Muxammad CSW markii uu soomay maalinka Caashuuraa ayaa saxaabadiisii ku dheheen: “Rasuulkii Alloow maalintani waa maalin ay weyneeyaan Yuhuud iyo Nasaaro” dabadeedna waxa uu sheegay Rasuulku CSW in uu maalinka sagaaloodkana raacin doono sannadka danbe haddii uu noolaado si uu u khilaafo Yuhuud iyo Kiristan. Sannadkii danbe ma aanu gaadhin Rasuulku CSW oo waa uu geeriyoodey. Qorshihiisii Muslimiintu waa ay fuliyaan oo waa ta la soomo maalinka Sagaaloodka. Halkaas ayaa uu ka yimi soonkaasi, waxana uu ahaa qorshe uu Rasuulku CSW ka lahaa sannadka soo socda haddii uu gaadho. Innaguna sannadkan haddii Alle idmo waa in aynu u cibaadaysannaa si ka sii wacan sidii sannadkii hore, Ramadaanta foodda inagu soo haysa waa in aynu u soonnaa si ka sii xeeldheer sidii tii hore haddii Alle idmo, Qur’aanka waa in aynu u akhrisannaa si ka sii qoto-dheer sidii sannadkii hore. Salliga Nebiga CSW waa in aynu ka badinnaa sidii hore, digriga waa in aynu ka badinnaa sidii hore, Qorshayaal aakhiradeenna ku jihaysan iyo kuwo adduunyadeenna ku jihaysanba waa in aynu yeelannaa. Guul baan inoo rajaynayaa saaxiibbayaal. _ (₁) Muslim, tirsiga (1134).
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств