Смотреть в Telegram
TAFSIIRKA QURANKA
فَالْيَوْمَ الَّذِينَ آمَنُوا مِنَ الْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ (Al-Mutaffife - 34) Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada. عَلَى الْأَرَائِكِ يَنظُرُونَ (Al-Mutaffife - 35) Sariiro korkood yayna wax daawan. هَلْ ثُوِّبَ الْكُفَّارُ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ (Al-Mutaffife - 36) Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay). بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista إِذَا السَّمَاءُ انفَطَرَتْ (Al-Infitar - 1) Markay Samadu Dildillaacdo. وَإِذَا الْكَوَاكِبُ انتَثَرَتْ (Al-Infitar - 2) Xiddiguhuna daataan. وَإِذَا الْبِحَارُ فُجِّرَتْ (Al-Infitar - 3) Badahana laysku furo. وَإِذَا الْقُبُورُ بُعْثِرَتْ (Al-Infitar - 4) Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii). عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ (Al-Infitar - 5) Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ الْكَرِيمِ (Al-Infitar - 6) Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh. الَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّاكَ فَعَدَلَكَ (Al-Infitar - 7) Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. فِي أَيِّ صُورَةٍ مَّا شَاءَ رَكَّبَكَ (Al-Infitar - 8) Siduu doonana kuu sameeyey. كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِالدِّينِ (Al-Infitar - 9) Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta. وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَافِظِينَ (Al-Infitar - 10) Malaa'ig baana idin ilaalinaysa. كِرَامًا كَاتِبِينَ (Al-Infitar - 11) Oo sharaf leh waxna qori. يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ (Al-Infitar - 12) Ogna waxaad falaysaan. إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ (Al-Infitar - 13) Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima. وَإِنَّ الْفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٍ (Al-Infitar - 14) Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo. يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ الدِّينِ (Al-Infitar - 15) Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta. وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَائِبِينَ (Al-Infitar - 16) Kamana maqnaadaan Naarta. وَمَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ (Al-Infitar - 17) Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa. ثُمَّ مَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ (Al-Infitar - 18) Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta. يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْئًا ۖ وَالْأَمْرُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ (Al-Infitar - 19) Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.
Поделиться
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств
Запустить