Смотреть в Telegram
Qaamuuska Qoraalka
Hawraar iyo sheeko Haween laga reebay Beraa habar guurtey Hayaan raraygeeda Culaab iyo haamo Waxay hilif saartay Haldhaa kici waayey. Hiyeeda gadh jiidka Markuu hollan waayey Ayey hindiskeeda Halaanhal ku keentay Midaan kolkaa haabka Markaa lagu haynin Waxay tidhi "Hoogey Hayaay Cabdi-Qaadir Hareer qabo awrka" Markuu hayinkeedu Hagaag isu taagey Ayey tidhi " haakah" Hebloo gabanteed ah Hilowna basteeda Malaa u han weynna Karaamadan hiirta Ku soo hormanaysa Hilmaanina weydey Wadaadka hoggiisa Ka soo hangallaystay Siduu ugu hiishey Ayaa tidhi "hooyo Muxuu horta sheekhu Inoo yahay haybta"? Waxay tidhi "heedhe Hibooy ratigeennu Markuu hingan waayo Ayaan huriwaaga Haleel cuskadaaye Habeen ma wadaagno Haddaan magaciisa Dantaydu higgaadin Ma soo hadal qaado" Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” AHUN.
Поделиться
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств
Запустить