Смотреть в Telegram
Qaamuuska Qoraalka
Abaalgudkii Nebiga SCW. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu Nebigu SCW la gorgortamay nin reer baadiye ahaa oo uu kula heshiisay in uu ka iibsado faras sheegganaa oo loo yaqaannay Al-murtajiz, Faraskii markii iibka lagu heshiiyey ayaa uu Nebigu SCW kexeeyey ninkii reer baadiyaha ahaa; si uu lacagtiisa u soo siiyo. Intii jidka lasii hayey ayaa uu helay ninki dad raba faraska, waa ay la gorgortameen, qiima fiicanna way u gaadheen, markaasuu intuu Nebiga SCW la hadlay ku yidhi: faraska iibso ama waan iibinayaa, dabadeed waxa uu ku yidhi suubbanuhu: faraska miyaanan kaa iibsan? Ninkii odayga ahaa si aan habboonayn ayuu ugu jawaabay Nebiga SCW isaga oo leh: wallaahi baanan midh kaa iibin! waxana uu ka dalbaday Nebiga SCW in uu marag la yimaaddo, nin saxaabada ka mid ahaa ayaa si aan gabbasho iyo cabsi lahayn ugu jawaabay: anaa markhaati ka ah in uu Nebigu SCW faraska iibsaday. Markii halkaa ay maraysa ayaa uu Nebigu SCW soo jalleecay saxaabigii maragga furay oo uu waydiiyey: maxaad ogayd oo aad maragga u furtay? Waxa uu yidhi Khuzaymah ibnu Thaabid RC: Rasuulkii Alloow waxaan maragga u furay inaan ku rumeeyey oo aan waxyiga samada aad nooga keento aamminay. Maalinkas ninkaa saxaabiga ahi teetal wayn iyo darajo culus ayuu goobtaas kala hulleelay oo ahayd “Cidda uu marag u furo Khuzaymah isagaa ku filan” Yacnii maraggiisu waxa uu u dhigmaa laba markhaati. Bal eeg abaalgudka Nebiga SCW, iyo sida uu saxaabigaas qiimaha goonnida ah u siiyey. Allaahumma salli wasallim wabaarik calaa nebiyinaa Muxammad.
Поделиться
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств
Запустить