Смотреть в Telegram
TILMAAMAHA AAD KU DOORAN KARTO XAAS WANAAGSAN Dadka guurdoonka ah waxay is weydiiyaan tolow tani ma tahay gabadhan aan rabey? War gabadhani ma tahay gabadh ii qalant? Khubaradu waxa ay ku hawlan yihiin sidii ay uga gungaadhii lahaayeen sida dadku isugu habboon yahay iyo tilmaamaha labada qof u horseedi kara guur farxad leh oo waara. 1. Gabadh Alle ku xidhan, aaminsan sababta dunidaan loo keenay, cibaadada ku dadaasha, salaadda ku dedaasha, dareensan iney tahay adoon daciif ah, Alle aan ka maarmin. Ogow qof garan waayay Allihii abuuray, amarradiisane dhagaha ka fureystay ma ahan qof adigana naf kuu haya, waa inaad ka tashataa gabadha noocaas ah oo aanad ku walaacin. 2. Daacadnimo: Mararaka qaar qof walba qalad wuu sameeyaa go’aan khaldanna wuu qaataa. Waa muhiim in aad heysato qof jidka saxda ah dib kuugu soo celiya kolka aad gefsan tahay. Daraasado ayaa tilmaamaya in raggu ay rabaan gabadh daacad ah marka ay damacsan yihiin guur waara. Haddii aad heshay gabadh daacad ah ha sii deyn. 3. Niyad fiican: Dadka niyadda xun waa sun waxa ayna u daran yihiin caafimaadkeenna. Sababtoo ah niyad xumada ayay nagu daaran karaan dadka noocaas ah oo aan waqti dheer la qaybsanno. Tani waxaa lagu caddeeyay daraasad. Niyad xumida iyo aragtida taban waxa ay kor u qaadayaan garaaca wadnaha, waxa ay carqaladeynayaan dheefshiidkeenna waxa ayna hoos u dhigayaan awooddeenna diirad saaridda. 4. Gabadh taqaan tanaasul: Noloshu mar walba janno ma aha oo mar uun adiga iyo lammaanahaagu waad is qabaneysaan. Waa wax caadi ah marnaba lagama fursan karo. Balse guurku wuxuu sii jiri karaa kaliya marka labada qof ay diyaar u yihiin in ay meel dhexe isugu yimaadaan oo midkoodba wax ka tanaasulo. 5. Gabadh waalidkeed xidhiidh wanaagsan la leh: Haddii aad u baahan tahay in aad ogaato sida ay gabadhan kuula dhaqmi doonto hadhow, u fiirso sida ay waalidkeed ula dhaqanto. Gabadh waalidkeed aan waalidkeed u fiicneyn, adigana hadhow kuuma fiicnaan doonto. 6. Gabadh naxariis badan: Cilmigu waxa uu sheegayaa in furayaasha qoyska waara ay yihiin naxariis iyo deeqsinnimo. 7. Gabadh danteeda taqaana: noloshu mar kasta ku wanaajin meyso, mararka qaar xaaladuhu wey adkaan karaan, markaa waxaa loo baahan yahay gabadh la qabsan karta is bedelada nolosha. 8. Is-moogsiinta gafafka: lamaanayaal fara badan ayaa u muuqda kaliya in midkood uun kan kale cambaareeyo. Gaf kasta oo laguu geysto maaha inaad ka cadhooto kana jawaabto sidoo kale kusoo celceliso, dadka wanaagsan gafafka loo geysto badoonkooda wey is-moogsiiyaan, sababta oo ah haddii aad isku daydo gef kasta inaad saxdo laga yaabaa inuu kala tag iyo isku dhac ku danbeeyo. 9. Gabadh Calool Xaadhan: Haddii aad heshay gabadh dadka kale cafin karta, waqti dheer ayaad wada noolaan doontaan. Daraasad la sameeyey ayaa waxa ay soo bandhigtay in dadka si shuruud la’aan ah u cafiya  dadka kale ay ka caafimaaad badan yihiin. Intaa waxaa ka sii muhiimsan, Saamaxaaddu waa gundhigga xidhiidh caafimaad qaba. Dadku ma dhammeystirna adiguna la mid baad tahay. Waxaa jiri doonta marar aad si kama ah u dhaawacdo xaaskaaga. Hadhow danbe waxaad u baahan doontaa adna in ay iyadu ku saamaxdo. @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств