Смотреть в Telegram
DABCIGA AF-GAABNIDA SIDEE LOOLA DHAQMAA DADKA DABCIGAN LEH? Si aad u ogaatid qaabka ugu haboon ee dadkaan kula dhaqmi kartid, waa inaad iska ilaalisaa khaladaadka badanaa bulshadu ka aaminsan tahay sida: 1. In aad si dhakhso isku barataan oo kuu furfurmo oo kalsooni timaado waqti ayay qaadataa, laakiin markaad kalsooni ka hesho dadka dabcigaan leh, safiican ayaa la isku fahmaa, wayna kuu hagar baxaan, laakiin haddii aad kalsoonidaas ku ciyaartid waxaa laga yaabaa in xiriirka kuu jaraan oo aadan dib dambe kuula hadlin, wayna ku adag tahay in mar kale ay ku aaminaan. 2. Waxaa kaloo dabcigaa lagu qaldaa xishoodka, laakiin kalinnimada ayay xiiseeyaan kaliya, wayna ka fogaadaan meelaha bulshadu ku badantahay, laakiin qofka xishoodka badan wuu ka cabsadaa bulshada iyo isu-soo-baxa, meel fagaare ahne kama hadli karo, laakiin dadka afka-gaaban way ka hadli karaan meel la wada joogo laakiin waa inay ku soo tala galeen oo ay ka soo baaraandageen, hadalkooduna ma badno, in hadalka ka dibne su'aalo la waydiiyo ma jeclo. 3. Waxaa kaloo dabcigaan lagu qaldaa niyad jabka iyo murugada, dadka afka-gaaban ma ahan dad niyad jabsan, inkastoo ay u muuqdaan dad xanaaqsan maadaama aysan hadal badnayn, fara-ka-ciyaarka iyo faduulintane ay aad u neceb yihiin laakiin haddii aad isku kalsoon tihiin way kaa qoslisiin karaan, wayna shactireeyaan. 4. Waxaa kaloo dabcigaan lagu qaldaa isla-waynida, sababtoo ah maadaama ay neceb yihiin hadalka badan, booqoshada kadiska ah, ay xiiseeyaan la sheekaysiga dadka waawayn iyo ka baaqashada martiqaadka in loo arko inay kibir badan yihiin oo ay dadka iskala wayn yihiin taasina waa qalad badanaa lagu dhaco. 5. Waxaa kaloo dadkaan loo maleeyaa inay fahmad yaryihiin markay shaqo ama waxbarasho ku cusub yihiin, sababtuna waa culeys dhinaca la qabsashada ah, laakiin markay la qabsadaan aad ayay ugu fiican yihiin shaqooyinkooda, waana dad si dhakhso ah loo dallacsiiyo, dadka ay u shaqeeyaan way ka helaan dadka noocaan ah maadaama wax shaqada ka baxsan aysan iskugu imaanayn. 6. Waxaa kaloo dadkaan lagu qaldaa inay yihiin dad maahsan, maadaama ay yihiin dad ku dheereeya fakarka iyo khayaalka, badanaa gees ayay uga baxaan dadka ay ku dhex jiraan, tusaale ahaan hadday gaari soo raacaan ma jeclo inay kuraasta hore fariistaan. 7. Waxaa kaloo dadkaan loo maleeyaa inay caajis badan yihiin, sababtoo ah markay dad la joogaan ma lahan firfircooni muuqdo, oo maskaxda ayay aad uga shaqaysiiyaan. 8. Waxaa kaloo dadkaan lagu qaldaa inay yihiin dad aan jeclayn mutadawacnimada ama hogaaminta, taasina waa khalad kale, sababtoo ah ma jecla inay isa soo sharraxaan ama soo muuqdaan, lagama yaabo haddii su'aal la waydiiyo inay dhakhso farta taagaan illaa in iyaga farta lagu fiiqo mooyee, haddii howl u baahan hogaamin loo xilsaaro, way ku fiican yihiin inay dadka isku wadaan, go'aamadoodane aysan badanaa ku soo laaban. 9. Waxaa kaloo dadkaan lagu tilmaamaa dulqaad la'aan, sababtoo ah waxay neceb yihiin wax sugidda, waxayna jacel yihiin wax walba waqtigii ay filayeen inay ku helaan, tusaale: haddii aad la balantid oo aad ku soo daahdid aad ayay u dhibsadaan. laakiin howlaha ay hayaan iyo wixii dhibaato ah ee soo wajaha way u dulqaadan karaan. 10. Waxaa kaloo dadkaan lagu tilmaamaa xag-jirnimo, qallafsanaan iyo ad-adayg, sababtoo ah ma jecla dadkaan inay xafladaha tagaan, ma jecla sawaxanka, balwadda, fadhi-ku-dirirka, siyaasadda iyo ka qeyb galkeeda, sidaa darteed waxaa loogu yeeraa magacyo ay ka mid yihiin "suufi" IWM. Lasoco qaybta 2aad W/Q: Dr Abdullahi Mahdi @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств