Смотреть в Telegram
DABCIGA IS-XAKAMEYTA ( Conscientiousness ) Qofka iska leh dabcigaan waxaa lagu yaqaanaa feejignaan, qorshayn iyo nidaam. waxaa dabcigaan afka qalaad lagu dhahaa "Conscientiousness". Waa dabci faa'ido u leh qofka Alle siiyay, laakiin isku-dhac ayuu badanaa u keenaa. dadka dabcigan leh waxaa la ogaaday in qeyb ka mid ah maskaxdooda loona yaqaano "Anterior cingulater cortex (ACC) ay aad u shaqayso, qeybtaas oo bini'aadanka u xilsaaran urursanaanta, kala-dambaynta, qorysheynta, xisaabinta, foojignaanta iyo falanqaynta dhacdoooyinka. WAA MAXAY DABEECADAHA DADKAN ? 1. Shaqo badnaan: dadka dabcigaan leh waa dad shaqada aad u jecel, qaarkood waxaa loo yaqaanaa "workaholics" oo ah dad shaqada ku waalan, waxay jecel yihiin wax walba inay hagaajiyaan oo sidii loo rabay u sameeyaan (perfection) sidaa darteed waqti badan ayay ku bixiyaan, wayna neceb yihiin in shaqadooda oo qabyo ah ay ka tagaan, saas ay tahayne ma jeclo in shaqada lala qabto oo loo sheegsheego ama loo tilmaamo, sababtoo ah qaabka ay u rabaan in laga qaldo ayay ka nacayaan. Waa in shaqada ay hayaan meel ku hubsadaan inta aysan shaqo kale bilaabin. 2. Waa dad jecel nidaamka iyo is-ururinta, wayna neceb yihiin kala daadsanaanta iyo isku-dhex-yaaca, tusaale ahaan haddii aa booqatid meesha ay dagan yihiin, wax walba way isdul saaran yihiin, lagama yaabo in aad aragtid alaab ama dhar meel daadsan, kabaha meel gooni ah ayaa la dhigaa, shanlada, saliida, cadayga iyo qalabyada kale ay isticmaalaan meel ayay leeyihiin, ma jeclo in alaab walba meeshii loogu tala galay laga qaado, wayna la dagaallamaan dadka aan nidaamkooda ilaalin, waxayna ugu neceb yihiin wax ay meel ku ogaayeen inay ka waayaan, arintaan aad ayaa loogula yaabaa waxaana loo arkaa dad nolosha isku dhibayo laakiin iyagane waxay dadka ka soo horjeedo u arkaan dad aan nidaam aqoonin oo wax ka qaldan yihiin, waxayna isku dayaan in dabcigooda ay baraan dadka la dagan. 3. Waa dad jecel qorsheynta iyo ka baaraan dagidda, ma jeclo wax aysan ku tala galin in la geliyo sida in la soo boqodo iyadoo aan loo sii sheegin, in howl aysan diyaar u ehayn loo dirsado, wax walba ay qabanayaan waxay jecel yihiin inay ka sii fakaraan oo wixii ay qaban lahaayeen maskaxda ku sii haystaan iyagoo aan qofne la wadaagin, marka dadka dabcigaan leh waa qasab in wax walba oo noloshooda ka mid ah ay sii qorsheystaan xitaa waxyaabo aad u yaryar oo aad la yaabaysid mararka qaar in ay ka sii fakaraan. 4. Dabcigaas qorsheynta iyo foojignaanta wuxuu ku abuuray dabci ah in aysan la heshiin karin dadka lugooyada u saaxiibka ah, balantana ka baxa, qorshahane aan lahayn oon waqtiga qiimo ugu fadhiyin. 5. Maadaama ay yihiin dad go'aan leh way ku fiican yihiin waxbarashada iyo shaqada, heerar fiicanne way ka gaaraan, dadka dabcigaan leh markay yar yihiin uma baahna in la diro ama lagu booriyo howl laga rabay inay sameeyaan, waalidku dhib kama maro waxbarshadooda iyo noloshooda kalaba. Lasoco qaybta 2aad W/Q: Dr Abdullahi Mahdi @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств