Смотреть в Telegram
SHAKHSIYADDA IYO DABEECADAHA DAHSOON EE DUMARKA Qormadan lagu daabacey majaladda Sayidati oo ka falloota arrimaha qoyska, waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah dabeecadaha u gaarka ah shakhsiyadda haweenka laakiin ragga badankoodu aanay fahmin: 1. Gabadhu waxa ay jeceshay in taariikhdeeda hore aanay ka warramin: Wax badan baa ka jira hal-ku-dhegga Soomaalida ee yidhaahda, “Rag waa ba’ood, dumarna waa badhaadhahood” waxaa cilmi ahaan loo ogaaday in dumarku aanay jeclayn in ay ka warramaan taariikhaha madow ee ay soo mareen, cid kasta oo xusuustooda ku soo celisana ay u qalbigoodu ka sii jeedsado. Keliya gabadha ka warayso badhaadhaheeda iyo waxa hadda taagan iyo xitaa waxa ay mustaqbalka raadinayso ama qorshaynayso in ay noqoto. 2. Gabadhu waxa ay jeceshay in la dhegeysto: Ma jecla in ninku uu iska dhego mariyo marka ay hadlayso; sidaa awgeed waa in uu ku dadaalo in uu dhegeysto warkeeda, ama ugu yaraan u muujiyo in uu dhegeysanayo, haddii ay ka fursan weydana waxaa fiican in uu si xikmadaysan mawduuca uga duwo si aanay u fahmin in warkeeda uu nacayo. Gabadhu waxa ay jeceshay dooda iyo falanqaynta, taas oo aad fahamtaana waa fure muhiim ah. 3. Gabadhu ma jecla in awood lagu muquuniyo: Siraha muhiimka ah ee shakhsiyadda gabadha ku duugan waxaa ka mid ah in aanay jeclayn amar ku taaglaynta iyo in wax loo yeedhiyo; gabadhu haddii ay dareento in aragtideeda ama doonisteeda uu ninku kaga duwayo ragannimadiisa, waxa ay u fahamtaa xaqiraad iyo in uu yasayo, sidaa awgeed ninku waa in uu ka digtoonaado in uu ku dhaco qalad noocaas ah. 4.. Gabadhu ma jecla in la dhaawaco: Xilliga dooda iyo falanqaynta ama muranka uu ninku kula jiro gabadha waxaa muhiim ah in uu iska ilaaliyo in uu shucuurteeda dhaawaco, in uu ku yidhaahdo ereyo afxumo ula muuqda iyo hadallo liita. Nin kastaa waa in uu ogaado in gabadhu ay tahay shakhsiyad xasaasi ah, sidaa awgeed uu ku dadaalo in uu ka fogaado wax kasta oo hadalka duulin kara ama cadho iyo khilaaf abuuri kara. 5. Beenta iska jir: Gabadhu ma jecla in arrimaha qoyska la xidhiidha ay beeni soo dhex gasho, weliba fiiro gaar ah ayaa ay ku eegtaa kuna dhegeysataa ninka, mar kasta oo uu ka hadlayo arrimaha qoyskooda, sidaa awgeed waa in uu ka fogaado beenta iyo wax kasta oo khiyaamo u muuqda. Macnuhu ma’aha in aanay iyaduna been sheegin, balse waa in ay ninka uga nugushahay u dulqaadashada beenta. Waxaa iyaduna muhiim ah in ninku ogaado in gabadhu ay beenta ninka si sahal ah u ogaato, ama ay leedahay awood abuur oo nafsi ah oo ay ku garato marka been iyo khiyaamo uu wado iyo marka uu daacad yahay. 6. Gabadhu waxa ay u baahan tahay jacayl: Si kasta oo ay gabadhu u tahay gabadh awood badan, bulshada saamayn ku dhex leh, mansab iyo maal haysata, haddana weli waxa ay u baahan tahay jacayl iyo in uu hareer taagnaado ruux dareensiiya xasilooni iyo ammaan, sidaa awgeed ninka fahamka fiicani waa kan ogaada in si kasta oo ay xaaskiisu u tahay shakhsiyad awood badan aan hareerteeda ka fogaan. @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств