Смотреть в Telegram
Qormooyin
XIKMADIHII CALI DANDAAWI 1. Reer galbeed daahirnimadu agtooda waa nijaasnimo. Dhawrsoonaantuna dhinacooda waa doqonnimo. Wanaagguna agtooda waa xumaan. Xumaantuna agtooda waa wanaag! Cidda ku dayataana waa cid dhaba socota Daanyeero. Dimiirkuna waa uu ka dhintay. 2. Guurku agteenna ma aha mid ku dhisan saaxiibtinimo ee waa mid ku dhisan jacayl ay isku calmadaan laba qof oo lamaanaha ah. Ma isku midbaa xeedho hal-qof quutay iyo mid boqolaal gacmood dhex galeen? Waa maya, waakaas farqiga u dhaxeeya dumarkeenna iyo dumarka reer galbeed. 3. Dhallinyaradu wakhti kasta waxa jira wax ay horumar u yaqaanaan. Kun-sano ka hor awoowayaasheen waxa ay fuuli jireen Geela, manay aqoon baabuur iyo diyaarado toonna. Waxa ay ku noolaayeen nolol adag waxa ay iftiinsan jireen dabka maanta innaga ina guba! Haddana waxa ay ahaayeen Rag maamuusan oo aan cidna waxba ka sugin cidna ayna guumaysan. Haddaba miyay horumareen mise waa ay dib-dhaceen? Innagu waxa aynu noqonay in aynu daba socono Reer Galbeed oo ay ka dhigano halbeegga horumarka. Markii ay iska tuureen akhlaaqdii iyo xishoodkii inaguna waxa aynu iska tuurnay xishoodkii iyo xayihiiba! Haddaba miyaynu horumarnay mise waa aynu dibdhacnay? 4. Qofka saboolka ah ee ku nool nolosha adag waxa uu jecleysanayaa nolosha taajirka uu ku nool yahay. waxa uu filayaa in uu dareemi lahaa macaanka Adduunka oo dhan. Laakiin midka haysta waxa uu dareemayaa in ayna Adduunka macaankiisa midkaas ahayn! Dhal-dhaalka Adduunka waa sida dhalanteedka oo garan maysid waxa uu yahay? Marka aad ka fog tahay waxa aad moodaysaa Balli Biyo ah Laakiin marka aad soo gaadho waa meel madhan!. 5. Tuugu Hurdo wanaagsan ma seexdo xataa isaga oo hubkiisu gacanta ugu jira. Hadda siduu qofka Yuhuudiga ah Falastiin hurdo iyo rayn-rayn ugu dareemi inaga oo u jeedna! Falastiin kuma gaar aha oo qudha reer falastiin iyo carab oo kaliya ee waa Qadiyad ka dhaxaysa muslimiinta oo dhan. 6. Waxa aan doonayaa in aan idin tuso shay aad u macaan badan, faa’iido wayn leh. Oo cidda taqaanaana ay yar tahay waana wax akhrintq. Waxa aan soo tijaabiyay mac-macaanka oo dhan dhamaantood, maan helin wax ka macaan in aan Buug (kitaab) aad la gaar noqoto akhrintiisa. Haddii ay dadku leeyihiin Yoolal iyo Himilooyin Himilada ugu wayni Mudaalacada ama wax akhrinta waa Yoolka ugu wayn. 7. Naftu Waxa ay jeceshay wax kasta oo aanu ku jirin horu socodkeedu. Waxa ay jeceshay in ay soo jeedo oo ay habeenkii dhafarto subixiina ay iska seexato. Naftu waxa ay jeceshay wax kasta oo caado xun ah oo ay barato in ay qabatinto oo ay joogtayso. Haddii ay barato cabbista Khamriga in aad ay joojiso waa ay neceb tahay waxa ay jeceshay in iska wadato. Laakiin naftaada haku odhan “waxaan ma awoodo mana iska joojin karo waad awoodaa waanad iska joojin kartaa.” xigasho.
@Qormooyiin
Поделиться
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств
Запустить