🌹🌹Xikmada maanta🌹🌹

Канал
Логотип телеграм канала 🌹🌹Xikmada maanta🌹🌹
@murtidamaantaПродвигать
5,79 тыс.
подписчиков
209
фото
5
видео
40
ссылок
"Anni masuul kama ihi fahankaaga balse waxaan masuul ka ahay waxaan halkan ku qoro " Qore bogan @murtidamaanta "mustafe sheekh maxamed" +251919711136
Xidhashada dharka bilaa qiimaha ah iyo kuwa jaban kama dhigna inaad tahay qof faqiir ah
Xusuusnow waxaa jira qoyska adiga kaga baahan inaad quudiso maaha in aad bulshada cajab galiso
Ka digtoonow, inaad barato dad badan oo gacanta saaxiib kaala ah qalbiga cadaw kaaga ah
La fadhiiso dadka marka aad ka maqantahay sumcadadaa ilaaliya markaad la joogtana ku ixtiraama
Ha I waydin waxa aan badalay , waydii naftaada marka hore , waxa aad ii qabatay ?
Dhiiri gali naftaada , ha dhagaysan dadka khaladkaaga kaliya arka ee aan wanaagaagu u muuqanin
Dadku kama tagaan shaqada xun , waxay se ka tagaan maamul xumada iyo maarayn xumada kaas oo aan qiimahooda garanaynin
Mararka qaar waxaan doona inaan ula dhaqmo dadka sidda ay iila dhaqmaan laakin ma awoodo sababto ah dabeecadayda ayaa iga xoog badata
Sanadadan u danbeeyay dadku ma difaacaan waxa xaqa ah waxay difaacaan waxa ay jecel yihiin iyo waxa ay faa,iido ugu jirto
Nin waayeel ah oo sariirta bukaan-socodka jiifa ayaa dhakhtarkiisa ku yiri, "Dhakhtar, ha walwalin. Waan ogahay inaan dhimanayo. Anigu ma doonayn inaan halkan imaado, laakiin dadkaa i soo qaaday.

Fadlan ha iga welwelin, eeg timahayga, dhammaan way ciroobeen. Aad baan u da' weynahay, laakiin adigu waad yar tahay. Noloshayda waxaan ka bartay waxyaabo badan. Haddii aadan dhibsanayn, waxaan jeclaan lahaa inaan kuu sheego waxyaabo aan bartay kahor inta aanan dhiman.

Markii aan afar jir ahaa, waxaan u maleynayay in adduunku uu igu saabsan yahay. Markii aan afar iyo toban jir noqday, waxaan doonayay inaan xukumo adduunka. Waxaan aaminsanaa inaan noqon doono ninka ugu cimriga ee abid noolaa. Markii aan 21 jir noqday, waxaan doonayay inaan noqdo ninka ugu taajirsan. Markii aan 25 jir ahaa, waxaan rabay inaan helo jacayl. Markii aan 40 jir noqday, waxaan doonayay inaan caawiyo qof walba. Hadda oo aan halkan joogo , waxaan u socdaa dhimasho . Waad aragtaa, mar walba waxaan doonayay waxyaabo kala duwan. Waxa ugu muhiimsan ee aan doonayay waxay ahayd inaan farxo. Waxaan u maleynayay in habka ugu wanaagsan ee farxad lagu gaaro ay tahay in dadka kale la dhegeysto aragtiyadooda .

Markii aan rabay inaan Jaamacadda galo, waxaan doonayay inaan barto cilmiga xayawaanka (Zoology), laakiin dadku waxay igu yiraahdeen waa inaad barto Injineeriyadda, waxayna ii sheegeen inaan noqon doono Injineer weyn. Marka waan dhegeystay waana noqday . Laakiin lacag uma aanan hayn waxbarashada, waa inaan shaqeeyaa si aan kharashka iskaga bixiyo. Sanadkii saddexaad, ma aanan awoodin inaan waxbarashada sii wado, oo waa inaan isaga haro. Markii aan ka haray, isla dadkii waxay yiraahdeen "waa inaad barataa cilmiga Xayawaanka"!
Markii aan 28 jir noqday, qof walba wuxuu igu yiri waa inaad guursataa. Marka waan dhegeystay, waana guursaday. Lix sano kadib, waxaan xaaskayga ku qabtay iyadoo la seexanaysa nin deriskayga ah . Markii aan waydiiyay sababta ay sidaas u sameysay, waxay i dhirbaaxday. Waan carooday, laakiin waxba ma aanan oran. Maalintii xigtay markii aan shaqada ka soo noqday, waxay la baxsatay caruurtaydii, hadda waxaan u dhimanayaa gablan .

Markii aan 40 jir noqday, waxaan helay qandaraas weyn. Magacayga waxaa lagu qoray wargeysyada. Maalintii xigtay, dhammaan saaxiibaday iyo qoysaskaygu waxay yimaadeen gurigayga oo qof walba wuxuu lahaa dhibaato. Toddobaad gudihiis, waxaan ku bixiyay lacagtii oo dhan ee aan qandaraaska ku dhisi lahaa iyada oo ay ii balan qaadeen inay ii soo celin doonan . Ma aanan dhammayn qandaraaskii sababtoo ah dadkii lacagtii ballan qaaday inay soo celiyaan way diideen. Sidaas darteed waxaa la ii diray xabsi lix sano ah. Markii aan soo baxay, ehelkaygii qofna kama arkin .
Waxaa jiray hal qalad oo aan sameeyay intaas oo dhan. Hadda waa ii caddahay. Aan kuu sheego qaladkaas. Waxaan iska indho tiray inaan naftayda dhegeysto, waxaan fursad siiyay dadka kale. Hadda oo aan halkan joogo qofka kaliya ee ila jooga waa naftayda.

Waad aragtaa, waa wax wanaagsan inaad dadka kale dhegeysato. Waa caqli inaad talo weydiiso dadka kale. Laakiin waa khatar weyn inaad iska indho tirto naftaada iyo waxa qalbigaaga ku jira.

Markaad caawa guriga tagto, fadhiiso, koob biyo ah soo qaad. Indhahaaga isku xidh haddii aad rabto ama furo haddii aad rabto, kadib naftaada la hadal. Waxaad ku socon kartaa waddada keligaa, oo intaad socoto, naftaada la sheekayso.
Xataa hadad guul daraysato 99 jeer waa intaas oo guuldaro ah waxaad ku soo baratay khimrad aad kaga gudbi doonto kumanan caqabadood
Caqabadu kaligaa uun kuma haystaan waxaa jira kuwa nolosha ka quustay kadib markay xanuuno la soo darseen , kuwo noloshu ku adkaatay , kuwa ay ka tageen dadkii ay jeclaayeen kadibna noloshu u dhadhami wayday , haddi aad rabto inaad ku qanacdo nolosha aad ku sugan tahay eeg kuwa kaa hooseeya
Mararka qaar,qiimahaaga lama ogaanayo illaa oo la dareemo maqnaanshahaga
Xaaska masayrka badan ayaa ka halis badan cadawgaaga
Kuwa guulaystaa maaha kuwa ku qanca hormarka koobaad ee ay gaadhaan kadibna niyad jaba marka ay caqabado soo wajahaan , kuwa guulaysta waa kuwa guulaysta hadana guul daraysta haddana marlabaad gul daraysta ayaga oo hadafkoodu u cad yahay iskuna dayaya inay gaadhaan hadafkoodii kuwaas ayaa ah gulaystayaasha dhabta ah
Noloshu way fiican tahay marka aadan danaynin waxa dadku kaa  aaminsan yihiin
      Qaanuunka nolosha
Intaadan malaynin xaqiiqda ogow , intaadan xukumin  fahan sababta , intaadan qof dhibaataynin dareen waxyeelada, intaadan hadlin fikir
Heerka ugu sareeya ee edabta laga gaadho waxaa kamid ah "inaad dhagaysato qof inuu kaaga sheekeyo wax aad garanaysid lkn uuna isagu garanaynin "
U adkayso waxa aad necebtahay si aad u gaadho waxa aad jeceshahay
Waxba muhiim maaha sidda dadka kale kuu arkaan waxaa muhiim ah sidda aad adigu isu aragtid
"Aduunyada nolosha saad rabto hadad waydo waxaad ku qasbantahay inaad u noolaato sidda aadan jeclayn"
Ещё