Смотреть в Telegram
Ujeeddo: Baaq Nabadeed Walaalaha ku dagaalamaya gobolada Sool,iyo Togdheer Waxaan si naxariis leh ugu baaqaynaa in colaadda la joojiyo si shuruud la’aan ah. Dagaalku wuxuu sababayaa khasaare nafeed iyo mid dhaqaale, wuxuuna dhaawacayaa nolosha iyo horumarka bulshada. Khilaafka jira waxaa lagu xalin karaa wadahadal iyo isfaham, oo ah dariiqa kaliya ee nabadda lagu gaari karo. Khasaare waxa inoogu filan dilka macna darada ee dhalinteenu ku dhimatay waxaan ka codsaneynaa hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, wax-garadka, culumaa’udiinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin muuqata ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee walaalaha. Waxaa muhiim ah in la sameeyo wada hadal furan oo dhaxalgal ah si xal waara loo helo. Waxaan mar kale ugu baaqaynaa waxgaradka Beelaha Dhulmahante iyo Habar Jeclo, odoyaasha labada dhinac, in ay wax kastaba u huraan joojinta dagaalka. Ha la ilaawin in nabadda ay tahay mas'uuliyad wadajir ah. Waxaan ku dhiirigalinaynaa labada dhinac in ay isu soo dhawaadaan si loo gaadho nabad waarta oo u dhaxaysa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolada Sool iyo Togdheer. Nabadda waa midda kaliya ee keeni karta horumar, kalsooni, iyo wada noolaansho.
Telegram Center
Telegram Center
Канал