Смотреть в Telegram
Suurada An-Nisaa Aayada 171 iyo 172-aad: {Ahlu-Kitaabow haku xadgudbina Diintiina hana ku dhihinina Eebe waxaan Xaq aheyn, Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo Ruux xagiisa ah ee Rumeeya Eebe iyo rasuuladiisa. Hana dhihinina sadex [Illaah] reebtooma, saasaa idiin kheyr roon, waa uun Illaah kaliya, waa ka nazahan yahay in Ilmo uu u sugnaado, waxa u sugnaaday waxa Samaayinka iyo ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil . Iskama kimriyo Masiix inuu ahaado Adoon Alle, Malaa’igta la Dhaweeyayna [iskama kibriso] Ruuxii iska Kibriya [Alle] Cibaadadiisa oo isweyneeya wuxuu usoo kulmin xagiisa Dhamaan [Maalinta Qiyaamaga]}. Aayadahaan waxay si gaar ah ugu Caqli celinayaan Masaarada ama Masiixiyada aaminsan in Nabi Ciise la Caabudi kara ayagoo sababo badan iyo Tafsiiro aan sax aheyn u raadsada walow aysan aheyn sababo saxan. Marka koowaad ugu yeeritaanka Magaca Ahlu-Kitaabow waxaa loola jeedaa Kitaabadii Nabiyada inaysan ku Oolin Nabi ka mida h Nabiyada Allaah in la Caabudo ama inuu Dadka ugu yeeray in la cabudo marka iska jira inaad ku xad gudubtaan Diimihii Nabiyada oo dhan, sidaa darteed ayuu Allaah leeyahay: [Diintiina haku xadgudbina oo ha Dhihinina waxaan xaq aheyn] Ogaasadana Masiix Ina Maryama inuu yahay Rasuul ka mid ah Rasuuladii Allaah usoo diray dadka inay uga Digaan Shirka Towxiidkana faraan. Marka labaadna Aayadahan waxa ay si dhab ah uu muujinayay Nabi Ciise waxa uu yahay Xaq ahaan iyo Asal ahaan waxaana uu Allaah yiri: [Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo Ruux xagiisa ah] taasoo Macnaheedu yahay Nabi Ciise waa Bishaaradii Malak Jibriil loogu soo dhiibay Maryama inuu ugu Bishaareeyo inay Wiil dhali doonto wiilkaasna inuu ku ahaandoono idinka Alle oo aysan la yaab laheyn inay dhali doonto Wiil aan Aaabe laheyn. Marka sadaaxdana waxaa la faray [ee Rumeeya Eebe iyo rasuuladiisa] taasoo macnaheedu yahay Rumeeya Alaah Waaxid ahaanshihiisa [Hana dhihinina sadex [Illaah] reebtooma] waayo suuragal ma aha in sadax Alle mar la wada Caabudo Aduunkana in ay kawada taliyaan maxaa yeelay marka koowaad Allaah Uunka oo dhan kaligii ayaa Abuuaray Cidna lama abuurin Caqli iyo Diin ahaana kuma banaana Ruux wax uu gaar u leeyahay in lala wadajiyo Cidkale. Marka labaadna waxaa ka dhan lahaa hadii Koonka uu ka jiri lahaa hal Illaah ka badan in Muran iyo dagaal uu dhax maro Ilaahyada faraha badan oo mid walba wax gaar ah dalbado Caalamka oo dha Kharibmo, laakiin Koonkan waa mid Hal Maamul iyo NIdaam oo toosan ku socda taas ayaan tuseysa inuusan jirin Alle kale oo Koonaka maul ku leh oo aan ahey Aallaaha xaq ah ee Awalba asaga Abuuraytay. Suurada Al-Ambiyaa Aayada 21 iyo 22aad: {mise waxay yeesheen [Gaaladii] illaahyaal dhulka xagiisa oo wax soo Nooleeya. hadey yhiin Dhexdooda [Samada iyo Dhulka] Illahayo way Fasaahaadin lahaayeen. waxaana ka Nazahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami} Suurada Al-Mu’minuun Aayada 91aad: {Ma yeelan Eebe Ilmo mana aha la jirkiisa Illaah [ileen] illeen markaas wuu la tagi lahaa Illaah walba wuxuu abuuray wuxuuna ka kormari lahaa [ka adkaan lahaa]qaarkood qaar, waxaa ka Nazahan Eebe waxa ay ku tilmamayaan} Marka waxaan leenahay hadeysan suuragal aheyn in Koonka laba Maamul ka shaqeyso oo la ay cadahay in ay Dhiaabto badan ka dhalan laheyd sidaasoo kalana Suuragal ma aha in Laba Illaah am aka badan Koonka lagu Dhex Caabudo waayo waxaa Xaqiiq ahaan Cad inuu hal Alle Abuurtay asaga kaliya ayaana Xaq in Nacmooyinkiisa lagu Caabudo. 4: Marka xigtana waxaa Ahlu-Kitaabka lagu baraarujiyay in ay Allaah Waxidaan inay u kheyr roon tahay hadii ay Xaq dhowrayaan Raxmada Rabina doonayaan [saasaa idiin kheyr roon, waa uun Illaah kaliya] waa halkaan loogu caqali celinayaa gafka ay Aaaminsan yihiin inay ka waantoobaan waayo Allaah waa UUn mid kaliya Ilmona uma Baahna Xaasna ma laha mana jirto sabab uu haduuba Ilmo yelanayo Wiil kaliya ugu ekaado hadana Wiilkiina maba suura gasheen in la yiraahdo waa la dilay oo Cadawgiisaa ka Xoog roonaada [waa ka nazahan yahay in Ilmo uu u sugnaado].
Telegram Center
Telegram Center
Канал