𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐢𝐢𝐥 𝐦𝐢𝐬𝐞 𝐝𝐢𝐢𝐧
↠
𝐐𝐚𝐲𝐛𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞↚
Qaab-dhismeedka bulsho ee Soomaalidu waa mid ku salaysan qabiil, qofku waxa uu wax ku helaa qabiilkiisa waxa uuna wax ku waayaa qabiilkiisa. Nolosha Soomaalida qofku tol la’aan ma noolaan karo, waxana jira maahmaahyo badan oo tibaaxaya sida qofka Soomaaliga ahi uusan u noolaan karin tol la’aan waxa ka mid ah:
Buur ahow ama buur ku tiirsanow.
Tol la’aan waa la tasoobaa.
Nin tolkii ka tagay oo tanaada la waa.
Nin kaligii socda waa labo mid uun: waa tuug ama waa tol la’aan. Tolkaaga iyo kabtaada dhexdaa looga jiraa.
Haddii aad u fiirsato dhammaan maahmaahyadan oo idil waxa ay soo koobayaan hal mid oo ah: in qofka Soomaaliga waxa qeexa uu yahay qabiil. Hab-dhismeedka qabiilka Soomaaliyeed waxa uu ku salaysan yahay, weedha odhanaysa: “walaalkaa gar iyo gar darraba u hiili.” Qaacidadan kore waxa ay salka ku haysaa midkii jaahiliyadii hore ee la odhan jirey: “casbiyah.” Prof Cabdalle Cumar Mansuur marka uu ka warramayo weedha habarwacashada qabiilka Soomaaliyeed ee odhanaysa: ‘TOL LA’AYEEY’ waxa uu leeyahay: “qaacidada beeshu waxay tahay in loo hiiliyo qof allaale qofkii ka tirsan beesha oo ka soo yeerta wax u eg ‘TOL LA’AYEEY’ iyada oo aan la eegaynin in uu gar darran yahay iyo in kale.” Halkan u fiiso dhaqanka qabiilku waa hubsiimo la’aan iyo in qofka loo hiiliyo, gar iyo gar darraba. Qofku haddii uu wax dilo ama uu wax xado waa in la difaaco, oo looma dhawaan karo, lamana ciqaabi karo, oo waxa jirtay maahmaah odhanaysa: “tuug hala dilee yaa reerkiisa mari.” Xidhiidhka qofka iyo qabiilka ka dhexeeya, waa xidhiidhka uu abwaan Gaarriye ku soo koobay: “markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan.” Si kale u dhig xidhiidhka nafsi ee uu qofku la leeyahay qabiilka, waa waxa uu Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan uu ugu yeedhay: “clan neurosis/ salow qabiil.”
Haddii qofku uu isaga baxo diinta Islaamka, dhaqanka qabiilku diin ka baxa wax weyn u ma arko, waa halkii uu Maykal Maryaano guddoomiyihii urur siyaasadeedkii NUF (National United Front), markii uu u sharxanaa baarlamanka Soomaaliya ka yidhi: “dadku waxa ay aaminsan yihiin diin aan diintan Islaamka ahayn.” Weedha Maykal Maryaano waxa ay si waafi ah u sawireysaa si-aragga qabiilka. Cabdi Iidaan Faarax isaga oo ka halcelinaya Kiristaannimada Maykal Maryaano, isla markaana tilmaamaya cidda uu Maykal sida dhab ah u yahay waa kan leh:Waxba Maykal waa gaal xun iyo muran ha xoogayne Nin madow hadduu yahay dhulkuu meel ku leeyahay”
Qabiilku waxa uu raad weyn ku yeeshay nafsadda iyo maskaxda qofka Soomaaliga ah, bilmetal: marka dhib dhaco qofku waxa uu ku hadaaqaa; Alla tol beelayeey, Ba’ayeey, tol beelayeey. Si kale u dhig qofka marka ay talo ka yara wareerto oo uu keligii isla yara hadlayo waxa ku hadaaqaa; “tolow, see yeelaa”, waa tan “la ba’ay tolow halkee aadaa”.Tani waxa ay tilmaamaysaa sida qabiilku u degay garaadka hoose “subconscious mind” ee qofka Soomaaliga ah. Qofku qabiilka waxa uu ka helaa faan, tookh iyo taariikh. Qabiilladu waxa ay isugu faanaan laandheerannimo, qabiillada qaar waxa ay sheegtaan in ay dadka kale ka mudan yihiin, sidaa darteed waxa ay qabaan, waxa uu Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan u bixiyey: “Delusion of Clan Superiority” waa aaminaad beeneedyo ku salaysan, aniga ayaa kaa reer wanaagsan iyo anigaa kaa fiican. Waa wax aan sal iyo raad toonna lahayn. Dr. Bulxan waxa uu tilmaamay isla weynida qabiilka waxa sababa arrimo ay ka mid yihiin: qaybsanka ah “annaga iyo ayaga / us versus them” iyo is barbardhiga qabiillada. Eeg buugga (Politics of Cain, bogga 400).