Dadka maanta heesaha macsida ah iyo muuqaalada anshax-xumada caadi ka dhigtay, waxay ka mid yihiin kuwa Allaah ku sheegay Qur’aanka inay mudan yihiin cadaab daran adduunka iyo aakhiro haddii aysan toobad keenin. Waxay u horseedaan bulshada fasahaad iyo akhlaaq xumo.
Daliilka Qur’aanka
1. Faafinta xumaanta
Allaah wuxuu yiri:
> إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ ٱلْفَـٰحِشَةُ فِى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِۚ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ
"
Kuwa jecel in xumaantu ka faafto dadka rumeeyay, waxaa u sugnaaday cadaab daran adduunka iyo aakhiro, Allaahna waa ogyahay, idinkuna ma ogidin."
(Suuradda An-Nuur: 19)
Fasirka Aayadda:
Dadka si ula kac ah ugu dadaala faafinta waxyaabaha ceebta iyo macsida ah waxay la kulmi doonaan cadaab daran adduunka (sharaf dhac, dhibaato bulsheed) iyo aakhiro (cadaab waara
Dhibka Faafinta Xumaanta
Rasuulka ﷺ wuxuu yiri:
> "
Qofkii bilaaba camal xun, wuxuu qaadaya dambiga camalkaas iyo dambiga dadka ku dhaqma, iyaga oo aan dambigoodu waxba u dhimayn dambigiisa."
(Muslim)
Micnaha Xadiiska:
Qofka faafiya heesaha ama muuqaallada macsida ah, dambiga dadka ku dhaqma wuu qaadanayaa isagoo isagu bilowga ahaa
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.https://
https://t.center/Alxikmawalkhayr
@Hamisarelahaw
https://t.center/cilmi_baro_wll