Waxa aan u tegi doonaa sayidkeen Bilaal oo aan ku odhan doonaa iigu addin sida ay niyadaydu ujeceshahay in aan maqlo mu'adinka Rasuulka "scw" eedankiisa
Waxa aan u tegi doonaa sayidkeenna Yuunus oo waxa aan weyddiin doonaa sidee ayay kuugu suurto gashay in aad caloosha nimiriga ku sii jirto muddo intaa le'eg ?!
Waxa aan u tegi doonaa sayidkeenna Cali oo aan waydiin doonaa sidee ayay kuugu suurto gashay adiga oo aad u yar in aad seexato meeshii Rasuulku "scw" seexday oo aadan ka cabsan?!
Waxa aan u tegi doonaa sayidkeenna Abu Bakar Alsiddiiq oo aan weyddiin doonaa sidee ayay kuugu suurto gashay in aad u samirto geeridii Rasuulka "scw" oo inta aad u soo baxday dadkii uga warrantay geerida saaxiibkaa iyo Rasuulkii ummadda ? iyada oo qalbigaagu jilicsan yahay naxariistaada iyo badnaanta ilmadaada ?!
Waxaan u tegi doonaa sayidkeenna Muuse oo waxa aan waydiin doonaa sidee ayaad u awooddey in aad iska caabido dulmigii Fircoon ? sidee ayay u awoodeen in ay kugu yidhaahdaan dagaalama adiga iyo Ilaahaagu , sidee ayay u awoodeen naxariis darada intaa le'eg ?!
Waxa aan u tegi doonaa sayidkeenna Cumar Bin Alkhattaab oo aan ku odhan doonaa aad ayaan kuu jeclahay , waxa aan waydiina doonaa sidee ayaad dareemaysey markii aad noqotay Rasuulka "scw" saaxiibkii ka dib adiga oo ahaa cadawgiisa ugu adag ?!
Waxa aan u tegi doonaa sayidkeena Yuusuf oo aan u sheegi doonaa in ay qisadisu tahay ta qalbigaygu ugu jecelyahay qisooyinka , suuradda magacisa ku soo degtayna ay ka mid tahay suuradaha qalbigayga ugu jecelyahay
Waxa aan la fadhiisan doonaa Nebigeena Muxammed "scw" oo aan in badan la sheekaysan doono , waxaanan u sheegi doonaa in aan ku fekeri jirey in badan in aan ku arko aduunka , waxa aan ku odhan doonaa waxa mahad iska leh Eebbaha igu sharfay in aan kugu arko halkan , waxanan ka codsan doonaa in uu iiga sheekeeyo wax walba oo uu u soo maray diinta iyo sidii ay ugu suurto gashay fidinta diinta Islaamku ?!!
Waxa aan u tegi doonaa Eebahay haddii uu igu sharfo aragtidiisa , mana garanayo in aan la hadli karo , yaab iyo amakaag aad u daran dartii
Illahay janatul firdowsa haka waraabiyo inta aynu jecelnahay
Dr. Mustafe Maxamuud /Eebbe how naxariisto
@garaadkaal