Hadana waan ka noolahay, oo uma dhiman ayuu si iska caadi ah u yidhi, ma ahan qiso aan jeclahay inaan ku celiyo, laakiin rag baan sheeko daynine bari hore ayaan ka tahriibey deegaanka somalida, mana aan sii fogaanine waxaan gaadhey South Africa oo markaas shaqo wanaagsan la iigu sheegay, waxaan wax la qabay raggii wadankaas daganaa barigaas, dhib iyo dheefba. In muddo ah haddii aan joogey waxaan noqdey mid dadaal ku suntan, hanti kuus ahna waan tabcay. Dukaan aan anigu tabcay ayaan markii dambe dhex fadhiistey, ilaa aan kaligey ku filnaan waayo oo aan dhalinyaro kale xataaa soo shaqo galiyo, oo intaasuun kuma ekayn ee ehelkaygiina nin si joogta ah wax u tara ayaan ahaa, anoon ilaawayn inaan caasimada deegaankana hanti ma guurto ah oo guri villa ahi ugu horeeyey ka yagleeyey.
Nin nastey oo markan dhogor goostey baan ahay, qaarkiin waxaad igu tilmaami lahaydeen nin ladan, hase ahaatee noloshu isuma kaa tilmaantee waxaan markale u hanqal taagay sidii aan Mareykan ugu dhoofi lahaa, hunguriga safarkaas iga galay ayaa horseeday inaan iibiyo dukaankii camirnaa ee aan kulahaa South Africa, waloow aan odhan karo waan xaraashay, maadaama shucuurteydu kacsanayd.
Haddii aan gudo galay safarkeygii, oo aan iibsadey passport iyo tickets qaali ah, waxaa nasiib darro la iga soo celiyey wadanka Mexico oo masaafo yar u jira meeshii aan u socdey, anigoo markaas si wayn u niyad jabsan oo aan gacanta wax badan iigu jirin ayaan jigjiga imid, markale gurigii aan lahaa ayaan gadey, waxaana ku noqdey isla wadadii, haddase waxaa markale la iga soo celiyey Panama !
Guri, sharci iyo ganacsi anigoon midna hayn, oo wareersan ayaan markale u tahriibey South Afrika oo aan shaqaale ka noqdey isla dukaankii aan iska iibiyey ee aan anigu lahaaa !
Marka waa dhab in raggu wax walba maro, ka dhaliyaay mooyee.
Guntiga dhiisha isaga dhig, oo wajah nolosha, waxba wali maadan arage ayuu ku yidhi mid ay shaah wadaagayeen.